Ardayda Laga Xidhxidhay Dugsigga Nuuradiin

0
Wednesday April 21, 2021 - 10:34:09 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 808
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ardayda Laga Xidhxidhay Dugsigga Nuuradiin

    Danjire: Abdi M.Saleiman(Mingiste)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Danjire: Abdi M.Saleiman(Mingiste)

(Waxaan ceebayn iyo cambaarayn halkan uga soo gudbinayaa cid kasta oo ka qayb qaadatay,in Silsilad lagu xidhi Ardayxidhan Dharkii Dugsigga)



Todobaadkii ugu dambeeyey waxaa Baraha Bulshada dhex wareegayey Sawironaxdin leh ,kuna saabsan Arday Dharkii Dugsigga xidhan oo Silsilad Gacmaha laysugu xidhay. Waxaa la sheegayaa in ay ahaayeen Arday dhigata Dugsiga gaarka loo leeyahay ee Nuura Diin.


Mudo aad u dheeg amase noloshayda badh ka mid ah,waxaan ahaa Macallin.Waxaan Macallin ka noqday Dugsi hoose-Dugsi dhexe- Dugsi sare iyo ilaa Jaamacad,waxaa lay tababaray Macallin.Waxaan Macallinnimo kaga shaqeeyey wadamo kala duwan oo ay ka mid yihiin, Soomaaliya—Norway iyo UK,weligayna uma soo joogin mana arag Arday Dharkii Iskuulka sidata oo Silsilad laysugu xidhay.


Waxaan u arkaa in ay tahay ceeb iyo fadeexad dul hoganaysa guud Wasarada Waxbarashada ee Somaliland,si gaar ahna waxay bar madow ugu tahay Madaxda Wasaradda Waxbarashadaiyo si gaar ahna Dugsiyada gaarka loo leeyahay,siiba Dugsigga loo yaqaan Nuuraa diin.


DhinacaSomaliland indhoweyba waxaa iska soo daba dhacayey warar aan qurux badneyn waxaana ka mid:-


  1. Wariyayaal la xidhxidhay.
  2. Mujaahidiin la xidhxidhay.
  3. Marwooyin la xidhxidhay
  4. Arday Dharkii Dugsiga xidhan oo Silsilad Gacmaha ka xidhian tahay.

Arimahaas aan kor ku soo sheegay iyo wixii la mid ah,waxay caalamad u yihiin,foolxumo weyn,waxay calaamad u yihiin in aynu ka leexanay wadadii saxa ahayd amase aan idhaahdotubtii toosnayd ee Dimuqraatiyada.


Haddii ay sii socdaan arimaha noocan oo kale ah,waxaan aaminsanahay in ku sii socono Wado Qodax badan oo aynu hore u eednay dhib iyo darxumo badana ay laga soo marnay.


-------Waar hooy ka daaya ---waar hooy ka daaya.


Haddii loo baahan yahay,waxaan diyaar u ahay in aan tababar ku saabsan "habka Ardayga loo ciqaabo xilligan casriga ah” in aan siiyo Wasaradda—Macallimiinta--Dugsi yada Dowlada—Dugsiyada gaarka loo leeyahay,anigoo aan wax shuruud ah ku xidhayn.



ALLAA.MAHAD.LEH

Danjire: Abdi M.Saleiman(Mingiste)

[email protected]

fb. Abdi Saleiman.

Twitter:@_saleiman.

Skype: abdisaleiman1

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...