Axkaamta Ramadaanta

0
Tuesday April 20, 2021 - 10:35:30 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 720
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Axkaamta Ramadaanta

    W/Q: Sh. Cabdirisaaq Rakuub Qaybtii 5aad & 6aad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Sh. Cabdirisaaq Rakuub Qaybtii 5aad & 6aad

Maxaa karaahiyo ah marka aad sooman tahay?


⦁ In aad soonto maalinta shakiga (sida in la arki waayo bisha, Shacbaanna aan la dhammaysan)



⦁ In aad soonto sannadka oo dhan.


Maxaa lagaaga baahan yahay marka aad sooman tahay?


⦁ In aad badiso xuska Alle SWT sida Quraan akhris badan, digri badan iyo duco badan


⦁ In aad wakhtiga ilaaliso (waa in aanu wakhtigu kugu dhaafin in aad lumiso sida adiga oo ciyaaraya ‘game, dubnad, laadhuu iyo shax’. Ogow in culimada qaar dubnadda, laadhuda iyo shaxda sidooda u xaarantimeeyaan, markaa in wax laysku haysto aannu soonkaagii kugu dhaafin waa dardaaran)


⦁ In aad badiso salaadaha sunnayaasha ah, waxa dhacda in dadka qaar salaadda tahajudka u kacaan, salaadda subaxna ka seexdaan, taasi maaha mid bannaan.


⦁ In aad sadaqada badiso, sida adiga oo afurinaya qof sooman ama wax siinaya qof baahan.
Waa ayo dadka soonka laga fududeeyey?


⦁ Qofka gaboobay (qofka gaboobay waxa ku waajib ah in maalin walba u miskiin quudiyo, waxaana laga bixinayaa mud (laba kilo iyo badh) raashin ah ama qof sooman ayuu afurinayaa. Hadduu doonana hal maalin ah ayuu soddon miskiin wada afurrinaya)


⦁ Qofka xanuusanayaa (qofka xanuusanaya haddii la rajaynayo in uu ka kaco wuu soo qallaynayaa, haddii aan rajo laga qabin in uu ka bogsan karo xanuunka isna sida qofka gaboobay ayaa laga afurrinaya)


⦁ Qofka socotada ah (musaafirku isagu wuu iska afurayaa hadhowna wuu soo qallaynayaa).
Muxuu qofka soomani ku afurayaa?


Waxa sunne ah in aad ku afurto timir, oo asxaabigii Anas Rc wuxu yidhi xadiiska u wariyey "Rasuulku CSW wuxu ku afuri jiray dhawr xabbo oo timir ah.”


Sida oo kale Rasuulku CSW waxa uu ku dhiirigaliyey asxaabtiisa in ay timirta ku afuraan, sidaa awgeed waxa sunne ah in timirta lagu bilaabo afurka, timirtuna waa geed sonkor dabiici ah leh, sida macmacaan yada macmalka ahna aan keenin wax cillad ama xanuun ah. Culimada caafimaadku waxa ay dhirigaliyaan ku afuridda timirta iyaga oo sheega caloosha madhan in ay ka helayso tamar wax ku ool ah, sida oo kale aanay caloosha galayn wax cillad ah haddii lagu afuro timir iyo biyo.





Axkaamta Ramadaanta Qaybtii 6aad


Faa’idooyinka timirta


Timirtu waa geed loo bogay guud ahaan manaafacaadkiisa, gaar ahaanna macaankiisa. Waxa lagu ammaanay Diinta Islaamka marar badan, yada oo sidoo kale uu Rasuulku CSW ku booriyay ummadda in ay cunaan. Si gaar ah, waxay u wanaagsantahay marka uu afurayo qofku.


Haddaba, waxa muhiim ah inaan ka eegno xagga Sayniska iyo faa’idooyinka uu daah-furay ama ku sheegay in timirtu ay leedahay. Timirtu waxa loo adeegsan karaa: cabbitaan ahaan, midho ahaan, khudrad ahaan iyo tamar ahaan ba. Waxay tiraabeen Saynisyahannadu in ay afar-laab laga helo tamarta laga helo tufaaxa; toddoba-laab tamarta laga helo liinta; saddex-laab tamarta laga helo shamaamka.


Daraasado badan ayaa muujiyay in cunnidda timirtu aad ka quudato maalintii 7 xabbadood ay ( 100 g oo timir ah) ay daboolayso baahiyaha maalin laha ah ee uu jidhku uga baahanyahay macdanaha: magniisiyam, manganiis, ayroonta, bataasiyamta iyo sida oo kale kaalsiyamta.


Intaa waxa dheer in timirtu ay ka kooban tahay jaadadka kala duwan ee faytamiinada ee jidhku u baahanyahay. Tusaale ahaan, waxa laga helaa; faytamiin A, faytamiin B ( weliba waa Faytamiin B2 ama Riboflavin qofba sida uu u yaqaano, thiamin). Waxaan isna aan meesha ka maqnayn Foolik faytamiinka la yidhaahdo. ( Dadka qaarna u yaqaanaan faytamiin C).


Ku darsoo, timirtu waxay ka kooban tahay maaddo muhiimaddeeda aan ka wada dharagsannahay – fuluwariin. Ta ka sii daran waa in shan-laab qaddarka fuluwariin ee laga helo midhaha laga helo timirta. Waxa aad ka war-qabtaa akhriste in dawada aan ku cadayanno ay ku jirto fuluwariin. Sidaa si la mid ah, waxay ku jirtaa timirta – suus ilkaha gala innagga dheer haddii aan quudanno, bi idni Allah.


Dheef-Shiidka:Timirtu waxay si mug leh uga qeyb qaadataa dheef-shiidka qofka yadoo dar-dargelisa si dhakhso ah inay u gutaan hawshooda xubnaha loogu talo galay. Si gaar ah waxay ugu habboon tahay qofka sooman. Tusaale ahaan, marka uu cuno xabbadda ugu horreysa ee timir ah ayaa waxa soo noqda boqolley sarreysa oo tamartiisa ah, waxa si tartiib ah u bilaabma dheef-shiidkiisa; waxaana tiraab suubban laga helaa afkiisa udgoonku ka burqanayo. Nebiga SCW waxa ka sugan in uu yidhi, " Midkiin kolka uu afurayo, ha ku afuro dhawr xabbo ah timirta rudubka, haddii aannu heysanna timir, haddii aannu helayna biyo; biyuhu waa daahir’e.”


Ka hor-tagidda cudurro badan: Waxa hubaal ah in timirtu ka hortagto cudurro badan qaar kalena daweyso. Tusaale ahaan; timirtu waxa ay baabiisaa dhagaxaanka kalyaha geli raba; waxay ka hortagtaa madax wareerka; waxay ay hortag weyn u tahay kansarka; waxay geed dheer iyo mid gaaban ba u fuushaa sidii ay meesha uga saari lahayd xaasaasiyadda; waxay horumar baaxad weyn ka muujisaa isku buuqa ku dhaca gaalada yadoo u horseeda daganaan ku meel gaadh ah; waayo Iimaankii weynaa ayaaba ka maqan marka horeba.


Cunnida timirtu waxay faa’ido togan oo taam ah u leedahay odayaasha. Waxay si deg-deg ah u daajisaa muruqyadooda, yadoo sahasha in si fudud muruqyadoodu u kala baxaan; isuguna soo ururaan. ( Muscle relaxation and contraction). Firfircooni xad-dhaaf ah ayuu dareemaa gadh-caska guri jooga ah; talo laga sugeenka ah.


Faa’idada koritaanka caruurta ay u leedahay timirtu: Koritaan degdeg ah ayay bilaabaan caruurta cunta timirta. Faytamiin A da ku jirtaa wuxuu dardar galiyaa aragga caruurta. Waxa ay timirtu muhiim u tahay sida oo kale hooyada kolka ay leedahay uurka. Timirtu muddadan waxay hoos u dhigtaa werwerka, walaaca iyo walbahaarka soo waajaha hooyada. Kolkay umusho laftigeeda kama maaranto hooyadu.

Axkaamta Ramadaanta



AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...