4 Ka Mid Ah Madaxdhaqameedka Beesha Dhexe iyo Suldaan Saleebaan: Wadahadalka Ay Galeen iyo Waanwaantooda Wanaag Baa Aan Ka Filayay!

0
Tuesday April 20, 2021 - 09:23:04 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1805
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    4 Ka Mid Ah Madaxdhaqameedka Beesha Dhexe iyo Suldaan Saleebaan: Wadahadalka Ay Galeen iyo Waanwaantooda Wanaag Baa Aan Ka Filayay!

    W/Q: Siciid Maxamuud Gahayr

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Siciid Maxamuud Gahayr

Eed iyo cambaarayn kastaa ha i gaadho’e, marka horena waxa aan diiddaanaa in arrinku sii murgo, markii dambena ka-dabatag ayaan sameeyay. Waxa aan ku dedaalay oo la igu taageeray 100% in xaajadii Safya Tusmo iyo Cabdi Ciise Cajuun



laga saaro warbaahinta, loona gacangeliyo madax-dhaqameedka. Qormadan waxa dib iiga riday hadalkii odayaasha xagga inanta ee 9kii Abril 2021ka, imaka ayaan bayaamin doonaa habkii ay ugu wareegtay madaxda dhaqanka, sixitaankii loo diyaarka ahaa iyo waxa baajiyay in xal buuxa illaa hadda la maqlo.


Dareenka samadoonka ahi wuxuu ahaa mid laga siman yahay Boorama, Hargeysa, Berbera, Burco illaa Ceerigaabo. Imaka iyo mar hore toona ma jiro qof garaadsame ah oo ka helaya naxliga iyo nashuushadda faafaysa. Eebbe waa uu innaga reebay sharaf-dilka.


Ma ahayn mid ku kooban laba jufo ee beelweynaha labada qof ka soo jeedaan iyo ummadda kale ee Soomaaliduba waa ay ka sinnaayeen in arrinkaas la maareeyo. Wiil iyo waalid, inan iyo abti, soddog iyo soddoh, ood iyo ab-wadaag baa la yahay. Cid fidno/collaytan ku farxaysa oo garasho lihi
Habeenka Cabdi Ciise Cajuun uu waraysiga bixiyay 31kii Maarij 2021ka oo ahaa Arbaca ay Khamiisi soo gelayso, waxa ila soo xidhiidhay Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buurmadaw). Waxa aan taas ka sabab u ahayd waxgaradnimada uu ku rabay in wax la hagaajiyo. Ayaantii labaad ee Khamiista: habeen Jimce soo gelayo 1dii Abril 2021ka, waxa aannu kala warhelnay Boqor

Mohamed Boqor Isse


Boqorka Beelaha Hargeysa, Hawd, Togdheer iyo Saaxil (Arab). Waa laba ka mid ah hoggaanka dhaqanka ee beelaha Somaliland oo diyaar u ahaa in arrinka la saxo. Labadaba waxa aan ku sharfayaa xilkasnimadooda.


Jimce, 2dii Abril 2021ka ayaannu la kulannay Boqor Maxamed Boqor Ciise iyo Siyaasi Cali Xasan Cawaale oo talooyin togan ka bixiyay arrinka. Waxan Ali Nageye u xusayaa, uguna halqabsanayaa inuu ka warbixiyo masuuliyadda aanu isa saarnay. Hortayo ayuu xalka keligii ugu tebiyay bulshada. Waa garaadsame rabay in qallooca la toosiyo. Si kasta oo xaajada loo xallin karo, walaalnimada loo xoojin karo, fidno looga hortegi karo, gefka dhacay loo sixi karo ama carqaladda loo furdaamin karo ayaannu faallaynnay.


Isla maalintaas waxa aannu la wada hadalnay Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buurmadaw) oo aan ku ammaanayo geesinnimada, guurtinnimada iyo doorka weyn ee uu ballanqaaday inuu ka geysanayo sixitaanka xaajada.


Boqor Osman Buurmadow


waxa uu yidhi "Waa inaynnu samaynno wax kasta oo aynu haweenaydaas, qoyskeeda iyo qabiilkeeda ku dawbixinaynno. Xukun, xaal iyo xoolo kasta oo la innagu yeesho aniga ayaa geelayga ka saaraya iyaga oo socdana bixinaya”. Aniga, Boqor Maxamed Boqor Ciise, Siyaasi Cali Xasan Cawaale iyo Cabdi Ciise Cajuun oo maalintaas wada joognay, waanu u mahadnaqnay una ducaynnay Boqor Cismaan.


Waxa aannu wadajir ugu nidhi "Marka la gaadho goobteeda iyo goorteeda ayaad goaankaas wanaagsan shaacin doontaa Boqor Cismaanow haddii Alle idmo”. 9kii Abril 2021ka oo ahayd intii aanay hadlin odayaasha Safiya Tusmo ayaan ka warceliyay farriin uu Boqor Cismaan Aw Maxamuud ii soo diray oo ku saabsanayd halka ay hawshu marayso. Waxa uu igu dardaaray in hawshaas la hagaajiyo. In wadahadal socdo ayaan Boqor Cismaan Aw Maxamuud u sheegay.
Madax-dhaqameedka beelaha dhexe waxa ay milgaynayeen beesha hoose ee Cabdi Ciise ka soo jeedo, sidaas awgeed ayaa ay noqotay in la wargeliyo Suldaan Daauud Suldaan Maxamed iyo Suldaan Axmed Cismaan Caddagude. Waxa kale oo aannu isla cawayskaas la xidhiidhnay dhallinyarada, cuqaasha iyo salaaddiinta Awdal intii uu taarkayagu gaadhi karayay. Qaar ka mid ah salaaddiinta waaweyn ee Awdal sida Suldaan Dhawal ayaa sheegay in aanu hawsha maqln.


Qof ahaantayda waxa aan goaansaday inaan faafiyo maqaal garawshiyo xambaarsan, waxaanan kala tashaday laba qof oo aanu hawshan in badan ka wada soconnay. Waa ay u garaabeen. Waxa uu noqday dab-demis qaboojiyay 70% xaaladdii cirka isku shareertay. Markiiba waxa ay dadku fasireen nuxur aan dhambaalkaas ku jirin.


Waxa aanu isla saacaddaas la xidhiidhnay Suldaan Daauud Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaaddir oo noo sheegay in uu hawsha ka warhayo, waxa aannu la ballannay maalinta xigta oo Sabti ahayd. Isla markaas waxa aanu afti ama xogo ka haynnay Suldaan Axmed Cismaan Caddagude oo diyaar u ahaa dawbixinta.


Maalinnimadii Sabtida, 3dii Abril 2021ka waxa arrintii la wareegay Suldaan Axmed Caddagude oo ah Boqorka Ardaaga uu Cabdi Ciise Cajuun ka soo jeedo. Xilli duhur ayay is-raaceen Cabdi Ciise Cajuun iyo Suldaan Caddagude, waxaanay madax-dhaqameed kala duwani isla dharaartaas waraysi la yeesheen Cabdi Ciise Cajuun.


Waxa ay odayaashu ku yidhaahdeen "Annaga ayaa kuu soo sheegi doonna wixii aanu goaan gaadhno”. Isla kulankaas ay qoysku yeesheen ayaa judhiiba warar kala duwani naga soo gaadheen. Annagii ayaa leexo nala saaray "Wuu soo bixi warku. Xaqiiqadada shirka waa la ogaan” ayaan ku dhaafayay. Markaas waxa bilaabmay wadahadal toos ah oo u dhexeeya madaxdhaqameedka labada dhinac.


Kulanka kowaad ee madax-dhaqameedka ay kala hoggaaminayeen Suldaan Saleebaan Ismaaciil Cali oo ka mid ah Salaaddiinta waaweyn ee dalka kana soo jeeda Awdal iyo Suldaan Axmed Cismaan Caddagude, waxa uu dhacay maalin Isniin ah 6dii Abril 2021ka, waxaana dhinacyo kala geddisan laga eegay arrinta taagan, xalkeeda iyo dhammaystirkeeda. Iyada oo aan wax goaan ah la gaadhin ayaa la ballamay in maalin kale la isku soo laabto. Ballanta 2aad ayaa dib ug dhacday maalin Sabti ah 10kii Abril 2021ka.


Odayada Safiya Tusmo oo 13 ahaa waxa ay ku doodeen in gabadh la qabo wax laga duubay, la faafiyay, lana dafiray oo wixii ay lahayd ay rabaan. Waxa la yidhi "Annagu guurkaas ma ogin, soo caddeeya oo goobtii, goortii, sheekhii, maragyadii iyo waaligii bixiyay keena”. Suldaan Saleebaan Ismaaciil Cali ayaa yidhi "Maya'e gabadh/inan la xumeeyay wixii ay lahayd ayaannu rabaa”.


Oday Caaqil ah ayaa yidhi "Suldaan, taasi way ka duwan tahay waxa na loo haysto, ee wax isku soo raaca”. Suldaan Saleebaan Ismaaciil Cali wuu ka baxay ergadii markaas, qoladii kalena waxa ay u sheegeen inay warbaahinta ka hadlayaan. Halkaas ayay odayaashaasi ku kala tageen. Taladii Suldaan Saleebaan Ismaaciil Cali lama dhegeysan.


Haddaba 9kii Abril 2021ka oo Jimce ahayd waxa dhacday:


1. Fannaanadda Safiya Tusmo ayaa dalka ka dhooftay iyada oo aan xal laga gaadhin hawsha
2. Odayaal dhinaceeda ah oo nin caaqil ahi ku jiro ayaa sheegay in loo jaray, garawshiiyo la bixin waayay, wax laga duubay gabadh la qabo, la faafiyay, lana dafiray, beelna ku sheegay inay fadeexaddaas yihiin kuwii kowaad ee sameeya Soomaali, una hanjabay hablaha beesha Ciidagale. 01:40 habeennimo ayaa warkaas hawada la soo geliyay


Haddaba subaxnimadii 10kii Abril 2021ka markii hadalkaasi baahay, waxa aan la hadlay Suldaan Axmed Cismaan Caddagude oo ii sheegay sida wadahadalku u dhacay iyo in aanay jirin ballan ay ka baxeen. Isla subaxaas waxa aan wada hadalnay Boqor Cismaan Aw Maxamuud, waxa uu hore odayaasha Safiya Tusmo ugula taliyay inaanay warbaahinta ka hadlin ee geedka iyo gole dhaqan lagu dhammeeyo hawsha, aroorimada ay hadleenna waxa uu soo jeediyay in aan loo jawaabin. Waxa ay se noqotay in eeddaas la iska barraxo.

12kii Abril 2021ka waxa hadlay odayaasha Cabdi Ciise Cajuun oo ka warramay sida wadahadalku u dhacay. Waxa ay iska barraxeen eedda loo jeediyay iyaga oo sheegay in ay odayaasha kale weyddiiyeen waxa caddayn u ah guurka ay sheegeen, waxa ay xaqiijiyeen inay qaabbileen odayada Awdal, ee aanay ka dhuuman, isla markaasna ay diyaar u ahaayeen inay dawbaxaan. Odayadu waxa ay iftiimiyeen in kulanku ku koobnaa beesha Yoonis, ee aan Ciidagale u dhammayn.
Gefafka dhacay waxa aan u arkaa:


1. Waxa laga daaddejiyay heerkii labada beelweyne, xitaa qaabka wadahadalku u dhacay aniga ayaa daaqadda ka baxaya kkkk

2. Waxa la keenay qodob iyo xujo meher ah oo caddaynteedii la isku mari waayay. Taasi waxa ay leexisay gartii iyo garawshiyihii la kala guddoomi lahaa

3. Arrinkii taagnaa geedka iyo golaha dhaqanka waxa lagu soo celiyay warbaahinta


4. Eedaha saxaafadda la mariyay ayaa adkeeyay in mar kale la isu soo noqdo, oo odayaashii dhinaca inanta/gabadha ee la dawbixin lahaa ayaa qudhoodu aflegaaddo geystay.


5. Xaajadii waxa laga dhigay laba jufo oo labaduba wax kala tabanaya, cid garsoor ahina aanay ku dhex jirin


6. Arrinta malaha waxaba ku habboonaa Guurtida Warbaahinta kkkk iyo Bahda Fankaoo ka odayeeya


Yeelkeed’e weli waxa aan filayaa in xal la gaadho, khilaafkiina la af-jaro…….. Heerkaas qaran ayaa diyaar loogu ahaa waanwaanta iyo walaalaynta ummadda aan is hurin.
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...