Axkaamta Ramadaanta W/Q: Sh. Cabdirisaaq Rakuub Qaybtii 3aad & 4aad
Sannadkii labaad oo xidhiidh ah ayuu wali jiraa khatarta xanuunka sida dhakhsaha ah daafaha dunida isaga kala gooshay, ee caafimaadkii dadka, dhaqaalihii iyo isusocodkiiba halleelay.COVID 19 Ramadaantii labaad ayuu ina hayaa, isaga oo sannadkii hore ka khatar badan. Dad badan waxa ay iswaydiinayaan sida ay noqon doonto cibaadadoodii soon, salaad iyo masaajid ku cibaadaysi.
Dadka uu haleellay: soonku wuxuu waajib ku yahay qof kasta oo karaya in soomo
caafimaad ahaan, sida Alle SWT leeyahay, "Qofka xanuunsanaya ama safarka ah,
maalmo kale ayuu soo qallaynayaa.” Dadka uu haleello xanuunkan, xaaladdooda
caafimaadna u saamixi waydo in ay soomaan waxa u yaalla fursadda ah in ay wax
cunaan, hadhoowna soo qalleeyaan. Dadka se da’da ah ee xanuunkan haleelo iyaga
afur baa laga bixinayaa oo qalle laguma laha.
Dadka ku sugan waddamada xanuunkani ku badan yahay: dadka ku sugan waddamo xanuunkani ku badan yahay iyo waddamada lagu sheegay iyagu u afuri mayaan baqo. Qofka xanuunkani ku dhacay fursadda Ilaahay siiyey baa u taalla, laakiin qof aan xanuunkani ku dhicin isagu wuu soomayaa.
Masaajidda: bishan werwerka Muslimiinta ku dhacay waxa weeji in qaarkood masaajidda laga xidhay, bishanna si ka duwan bilaha kale ay masaajidda u soo cammiri jireen. Dadyowga masaajiddu ka xidhan yihiin waxa la gudboon in ay cibaadadii joojin ee guryaha meel salli ah ka samaystaan, jadwalkana sidiisii u wadaan.
Taraawiixda iyo Tahajudka:habeennimada Ramadaan waxa la oogaa salaadaha Taraawiix iyo Tahajud oo labaduba soo hoos gala Salaatul-laylka salaadda loo yaqaan. Waddamada masaajiddu Ramadaan ka xidhan tahay ha ogaadeen in salaadahan asalkeedu yahay salaaddaa habeennimada loo kici jiray ee aanay ahayn salaad Ramadaan u gaar ah. Qofku isaga oo gurigiisa jooga ayuu ku tukan karaa, inta guriga wada joogta ayaa wada tukan kara.
Waa ayo cidda soonku ku waajiibayo?
§ Qofka Muslinka ah
§ Qofka qaan-gaadhka ah, ( qof aan qaan-gaadh ahayn waajib kuma aha soon, se haddii uu karayo loo diidi maayo)
§ Qofka maskax ahaan caafimaadqaba. (qofka maskax ahaan xanuunsanaya ee soomaya isna loo diidi maayo haddii uu doono in uu soomo)
§ Qofka jidh ahaan caafimaadqaba (qofka da’da ah, qofka xanuusanaya iyo haweenayda uurka leh ama jaqsiinaysa iyaga soon laguma laha)
Goorma ayaa la soomayaa, maxaa se laga rabaa qofka soomaya?
§ In la arko dhalashada bisha Ramadaan. Rasuulku CSW waxa uu yidhi aragti ku sooma, aragtina ku afura. Waxa kale oo uu yidhi ; haddii bishu idinka qarsoonto Shacbaan dhammaystira.
§ Niyadda: Waa in niyad uu qofku la yimaaddaa oo uu go’aansadaa in uu soomayo. Rasuulku CSW wuxu leeyahay; camal dhammaantii waa niyadda
§ In aad ka afxidhnaato cunista iyo cabbista (ahmiyadda ugu weyn ee soonku waa in anaad la iman cunis iyo cabbis).
Maxaa sunne ah?
§ In laga tago hadallada bilaa macnaha ah. Rasuulku CSW waxa uu lahaa,"Qofka aan joojin hadalka bilaa macnaha ah Alle dan iyo muraad kama laha inuu sooman yahay iyo in kale.” Waxaa halkaa laga fahmayaa in soonku u baahan yahay in laga ilaaliyo hadalka bilaa micnaha ah iyo kiisa xunba. Mar kale waa kii Rasuulku CSW lahaa, "Haddii lagu gardaraysto waan soomanahay dheh oo iska dhaaf.” Micnuhu waxa weeye soonkaaga ilaasho oo wixii cay iyo dagaal ah ka dheerow
§ In la dedejiyo afurka: Rasuulku CSW waxa uu yidhi,"Wali dadku khayr ayey ku sugan yihin inta ay dedejinayaan afurka.” Qorraxda marka la hubsado in ay dhacday waa in la afuraa oo aan dib loo dhigin lana dhayalsan.
§ In dib loo dhigo suxuurta: Xadiiska aynu kor ku xusnay waxa ka mid ahaa in khayrku ku jiro in suxuurta dib loo dhigo, waana sunne fiican, se khayr kuma jiro qofku in uu cashada iyo suxuurta is raaciyo, muhiimadda laga leeyahay dib-u-dhigista suxuurtu waa in aan laga seexan salaadda subax iyo in naftu awood ka hesho suxuurta.
Maxaa soonka jabiya?
§ In aad diinta ka baxdo. Waxa kale oo ka mid ah haddii qofku uu diinta caayo ama Alle iyo Rasuulkiisa caayo, soonkiisii iyo islaamnimadiisiiba way burayaan. Waxaana looga baahan yahay in uu dib u islaamo
§ In aad cunis iyo cabbis u kas ah la timaaddo
§ In gabadhadhiigga caadadu ka yimaaddo
§ In aad niyadda ka jabiso (tusaale ahaan tidhaahdo; maan iska jabiyaa)
§ In aad si ula kac ah iskaga hunqaaciso
§ In aad galmo la timaaddo maalin Ramadaan si ula kac ah
§ In aad biyaha taranka gacantaada isaga keento ama si kale ba isaga keento.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!