Maxaa Qarribay Qorshihii Guurka?

0
Sunday April 18, 2021 - 11:31:11 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 922
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa Qarribay Qorshihii Guurka?

    Qaybtii 1aad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qaybtii 1aad



Waxay aheyd maalin aysan marnaba ilaabi karin Amal, maalintaas oo ukulmisay intii ay nooleyd maalinteedii ugu wanaagsaneyd iyo midii ugu xumeyd ee soo marta, hadaba maxay yihiin Amal waxa maalintan qabsaday? Inta aynaan usii gudbin ka hadalka maalintaas iyo guud ahaanba bilowga qisada ugu horreyn aan wada barano Amal waa tuma?

Amal waa gabadha ay qisadani quseyso isla markaana naga codsatay inaan idiin soo gudbino si aad wax uun uga faa'iddaan waana gabar ay dhibaatooyin badan kasoo gaareen qisadeeda tan waqtigan xaadirka ah la ildaran ayadoo si naxariis leh idinkaga codsaneysaa inaad ducada uun ugu kaalmeysaan in ilaahay ka bogsiiyo wixii hore uqabsaday isla markaana ka baajiyo wixii dhibaato ah ee kusoo fool leh guud ahaanba.

Subaxnimo arbaco ah oo ay taariikhdu aheyd 14 april 2010 ayey amal marki ugu horreysay nolosheeda indha saartay aabaheed oo muddo fog ka dib kusoo laabtay dalka maadaama uu amba baxay ayadoo ku jirta uurka hooyadeed si dareen hilow iyo xiiso leh ayeyna laabta ugu qabatay ayadoo farxad awgeed la imeyneysay waxa ayna si heer sare ah asaga iyo laba nin kale oo la socday ugu soo dhoweysay gurigii ay deganaayeen ayada iyo hooyadeed kaasoo ay cunno iyo cabitaanba kusii diyaarsanaayeen.

Gelinkii dambe ee isla maalintaas jeer ay martidii ka nasatay daalkii safarka ayuu Amal uyeeray aabaheed isla markiiba ayadoon ka daahin ayey si dhago nugul ugu tagtay una ag fariisatay waxa uuna si farxad leh ugu bushaareeyay in muhiimmada ugu weyn ee safarkiisa ay ayada uun tahay awadeedna uu usoo jaray intaasoo mayl si uu ugu guuriyo mid ka mida labadii nin ee asaga la socday kaasoo uu ugu sheegayin uu yahay nin dhaqan isla markaana heysta hanti aad ufara badan.

Amal aad ayey warkaasi uga naxday sababo badan awgood oo ay ugu horreyso in aysan waqtigaasi guurba diyaar u aheyn ninkuna uusan aheyn mid aan ka iman dareenkeeda maadaama ay jecleyd in ay go'aankeeda ku guursato jaceyl iyo is fahmna ay dooqeedu ragga kaga soo xulato iyo ninka loo soo bandhigay oo ahaa mid aad u da'weyn oo sida ay sheegtay ay macquul tahay in uu aabaheedba ka da' weynaa taasoo aheyd caqabad kale oo ay xitaa haddii ay aabaheed dartii ku oggolaan laheyd si ay amarkiisa ufuliso ay haddana ucuntami karin in ay hadafkeedii nolosha ay ninkaa odeyga ahi ka doorbiddo.

Amal talaa ku saan iyo laba rogantay waxay ku tiraahdo aabaheed oo jawaab toosan ahina carrabkeedu wuu kari waayay argagax iyo moraal jab aan muuqan ayeyna gudaha qalbigeeda ka dareemeysay walow aabaheed waxa kaliya uu ka dheehan karay muuqaalkeeda ay ahaayeen indheheeda oo ahaa kuwo dhulka uun ku fooraray taasoo uu u macneystay in gabadhiisu ay xishood awgii la juuq gabtay inta si aayara dhabarka uga dhirbaaxay ayuuna usheegay in ay iska tagto howsha inta dhimanna uu asagu dhameystiri doono ereyadaasoo ahaa kuwo Amal kusii kordhiyay xanuunkii ay la aamusneyd.

Waxa ay maalintaasi Amal unoqotay mid ukulmisay mashxarad iyo murugo aan labaduba miisaan laheyn balse ukala mug weynaa maadaama ay tirsaneysay in godob laga galay laguna gardarooday waxey noqotase weyba dhacdee maxaa xal ah ayey is weydiisay isla markiina waxa kusoo dhacday in arrinkani cid aan hooyadeed aheyn aysan waxba ka qaban karin iyadoo inyar oo xasilooni ah dareemeysa ayeyna si deg deg ah hooyadeed ugu sheegtay arrinkii waxa ayna kala kulantay jawaab ay la yaabtay oo aheyd in aysan ufurneyn wado kale oo aan aheyn in ay aqbasho talada aabaheed tii horaba tanaa uga dartay Amal waxa ayna dareentay in seef laba afood leh ay bartankeed taagan tahay laakin sidaa ugama aysan aamusine afka ayey furatay waxa ayna usheegtay hooyadeed in aysan marnaba aqbali doonin guurkan.

Halkii ay hooyadeed jawaab kale ka sugeysay ayey qosol kala kulantay Amal oo yaaban ayaana hooyadeed weydiisay waxa ay ku qosleyso weliba ayadoo murugeysan maamada ayaana ugu jawaabtay in qorshaha guurka aysan ayada wadan isla markaana jawaabta ay bixisay ay aheyd in ay bixiso markii ay aabaheed wejigiisa hor joogtay Amal ayaa usheegtay hooyadeed in ay awoodi weysay taa maadaama ay aheyd markii ugu horeeysay ee ay aabaheed la kulanto balse ay ayada ka saaciddo sidii diidmadeedaasi loo maqashiin lahaa dhagaha aabaheed maamada ayaana usheegtay gabadheeda in ay maalmo usugto maadaama uu arrinku cusub yahay diidmo qayaxanna aan looga hortagi karin isla markaana ay si tartiib tartiib ah isugu dayi doonto in ay wax ufahansiiso aabaheed si guurka loo kansalo Amal oo aad ugu faraxsan soo jeedintaasi ayaa ammaan kala dul dhacday hooyadeed iyadoo ku tilmaantay qofka dunida ugu caqliga badan.

Dhowr maalmood ka dib ayuu amal aabaheed ugu yeeray qol ay wada fadhiyeen asaga iyo ninkii uu la doonayay waxa uuna usheegay in ay sheekeystaan si ay isu fahmaan waxa uuna ninkii kula sii dar daarmay in wax walba oo macquul ah oo ay gabadhiisu ka dalbato uu usameeyo maadaama uu aad ujecel yahay gabadhiisa waana uu isaga dhex baxay waxaan kusoo haray qolkii Amal iyo odeygii tolow maxay Amal kaga fal celin doontaa damaca odeyga? Odeyguse ma ku guuleysan doonaa in uu Amal ku qanciyo guurkiisa?

La Soco Qeybta Xigta





Mascud Toosane


 

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...