Axkaamta Ramadaanta ... Qaybtii 1 & 2aad
Hordhac
In la soomo bisha Ramadaan waa xikmad weyn oo Ilaahay doortay.Dadka qaarkood ayaa isku daya in ay qeexaan xikmadaha ku duuggan in la soomo, laakiin meelo kale ula kaca.Dadka qaar ayaa aaminsan; naf maalqabeen ah ayaa la barayaa gaajadu waxa ay tahay, si uu u dareemo surmigay qabaan saboolku. Taas oo ay ka dhalan doonto in maalqabeennadu u tudhaan danyarta, xoolahoodana ay wax ka siiyaan. Waxa ay sii raaciyaan intaas; saboolku kolka uu arko dadkii ladnaa oo la eedaadaya gaajo iyo oon in ay qanci doonaan kuna sabri doonaan xaaladda ay ku sugan yihiin. Ma garanayo halka ay ka imanayso in ay qancaan! Ma waxa ay ku farxayaan in ay arkaan gaajada haysa tujaartaa?Misesaboolkaa u hanqal taagaya in uu la sinmo maalqabeenka? Kolka hadalladaas iyo kuwa la mid ah dhegahaaga ku soo dhacaan soo is odhan maysid ujeedka laga leeyahay soonku waa in la gaajoodoo?
Muddo aan dhawayn waxa leexsamay aragtidii Muslinka ee ku saabsanaa fahanka fasir ee cibaadooyinka Ilaahay u jideeyey, waxa aanay huwiyaan cibaadooyinkaas go’ aan Alle saarin, ilaa cadawgoodii uu soo dhexmaray naftoodii, dhexdoodiina uu dhigay colaado huraya oo mid kolka ay danto mid kale u daarmayso. Waa sababta Muslimiin badani ugu sii durkeen gefefkay ka galayaan diintooda, waa xaalka ay maanta ku sugan yihiin malaayiin Muslimiin ah.
Soonka waxa la inoogu waajibiyey in
uu ina badbaadiyo, hase ahaatee Ilaahay ayeynu ilownay, Ilaahayna nafaheennii
ayuu ina iloowsiiyey. Cibaadada soon ee ahayd in aynu yarayno cuntada si uu
jidhkeennu u caafimaado oo aynu u quudinno masaakiinta, soonkana ku midayno
quluubteenna ma aynaan yeellin, wax badanna kamaynu haleelin, inyar ayaa
haleeshay ujeedka soon, intaasna badankood macnaha soon wuxu ka tagaa kolka
bishu dhammaato.
Haddii aynu si dhab ah u fahanno ujeedka soon ee agteenna ku dulman waxa aynu arki lahayn soon u dhexeeya Ilaahay iyo addoonkiisa.Sabool iyo hantiile u wada soomaya dar Alle, una soomaya macno ka durugsan in calooshu madhnaato. U soomaya in ay ka xoroobaan wax kasta oo qofnimadooda dullaynaya in ay Alle isu dulleeyaan mooyee.Ka xorroobaya cabsi in ay Alle ka cabsadaan mooyee, ka xorroobaya istusnimo in ay Alle cibaadada u hufaan mooyee, ogsoonaanaya in aanay jirin cid u dhaxaysa iyaga iyo Allahood.
Bal ila dhuux macnaha soon; dhankaad ka istaagtaba soonku waa xorrayn. Addoonsiga ayuu kaa xorraynayaa; addoonsiga baahida jidhka, shahwadda, cuntada iyo cabbista.Ka baqan maysid berri oo Alle ballantiisa ayaad aaminsanaanaysaa.Habrashada ayuu kaa xorraynayaa oo in Ilahaay noloshaada dammaanad qaaday ayaad rumaysnaanaysaa, xornimo dhab ah ayaad helaysaa kolka aad fahanto gundhigga soonka.
Nafta oo la xorreeyaa waa murtida ugu ballaadhan ee soonku leeyahay.Soonku wuxuu innagu hagayaa xorraynta dhabta ah. Soonka xorreeyaha ah mar waa la innagu waajibiyey marna ikhtiyaar ayaa la inoo siiyey in aynu la nimaadno. Fahmidda ujeedka ballaadhan ee noloshan la inooga dan leeyahay waa in Alle SWT, dhulkan khaliif inooga dhigay, si aynu xaqa ugu oogno, xaqna ugu xukunno.Nafta Allihii uumay taas u gartay marna uma bannaana in ay u addoomowdo addoon kale, u addoomowdo rabitaan iyo arrimo aad u hooseeya.
Arrimaha mudan istultaaggu waa isbarbardhigga Quraanku ku sameeyey soonka iyo xorraynta nafta.Saddex aayaadood Alle wuxuu isku sidkay soon iyo xorrayn.Bal ila arag suuradda Nisa’, "Qofkii kama’ ku dila qof waxa la saaray in uu xorreeyo naf mu’minad ah iyo in uu mag siiyo ehelkii qofka dhintay, haddii aannu karayna ha soomo laba bilood oo xidhiidh ah.”
Suuradda Mujaaddala ku jirta eeg, "Ragga dumarkooda ku yidhaahda waxa aad iga tahay sida dhabarka hooyaday oo kale, kana soo noqda hadalkoodaa waxa la faray in ay xorreeyaan naf inta aanay u galmoon dumarkooda. Qofkii aan karaynna ha soomo laba bilood oo xidhiidh ah.”Mar kale suuradda Baqara Alle SWT, wuxu ku yidhi, "Ka aan awoodin ha soomo saddex cisho.”
Bal u fiirso aayadahan; muxuu Alle
u jideeyey qofkii saddexdaa dambi midkood la yimaadda in uu naf u xorreeyo,
haddii uu kari waayana in uu nafta ka xorreeyo rabitaankeeda adduun? Haddaba
soonku waa kacaani xorriyad doon ah, wuxuu abuurayaa dhaqan xorriyad raadin ah,
naf kasta oo xorriyad u baahan isagaa xorreeye u ah soonku.
Nafta Muslinka waxa xorreeyey soonka iyo cibaadooyinka Alle ku addoonsaday in ay la timaaddo.Muslinku in uu gaajoodo oo harraado oo u xanuunsado sidu xorriyad u hanan lahaa kolku diyaar u noqdo waa maalinta uu dulmiga ka baxayo, quudhsi dambena aanu qaadan doonin.Maalinka Muslinku soonkooda u fahmaan in ay ka dhigtaan dugsigii xorrayn lahaa waa maalinka Ilaahayna cadowgooda jabin doono, iyaguna sharaf iyo qaddarin dunida ugu dul noolaan doonaan.”
Axkaamta Ramadaanta ... W/Q: Sh. Cabdirisaaq Rakuub Qaybtii 2aad
Qeexid
Erayga ‘soon’ waa ka joogsi laga
joogsanayo wixi Alle SWT faray in aan la samayn. Waa in qofku xilli tirsan ka
af xidhnaado cuntada, cabbitaanka iyo galmada. Culimada ku horraysa luuqadda
Carabigu waxa ay ka soo dheegtaan aayadda suuradda Ala-Cimraan, ee ka
warramaysa Maryan Bintu Cimraan kolkii ay ka aamustay hadalka in ay wax
tilmaanto mooyee, tolkeedna su’aashii ku soo celceliyeen, ee sida kooban ugu
tidhi, "Waxa aan Ilaahay nidar kula galay soon.”
Culimadaasi waxa ay yidhaahdeen; waxa ay ka joogsatay hadalkii ; sidaa darteed ayey u adeegsatay odhaahda ah sooniyada oo ula jeedda aamusni. Markaa haddii ay ka joogsigii hadalka u adeegsatay erayga soon innaguna waxa aynu u qaadanaynaa in eraygaasi yahay ka joogsi laga joogsanayo wixi Alle SWT faray in laga joogsado, gaar ahaan xilliyada Ramadaanta iyo xilliyada kale ee qofku Alle SWT u sooman yahay.
Shanta tiir ee dhidibbada u haya diinta Islaamka mid ka mid ah weeye soonku, haddii meesha laga saaro tiirkaa diintu la’aantii noqon mayso mid dhammaystiran, waana tiirka afaraad ee Islaamka.Sannadka Islaamka waa bisha ugu qiimaha badan ee la tirsado Ramadaantu, waana bil sidata dheeraad ay ku kaliyeysatay, sidaa awgeed ayey ku mutaysatay in ay ahaato bil ka khayr badan bilaha kale oo dhan.
Soonku waxa uu bilaha kale ku dhaafay waa gudashada af-xidhnaanta soddonka cisho ah, lagana af xidhan yahay cabbitaanka, cunitaanka iyo dhammaan wixii kale ee aan marka hore ba bannaanayn, taas oo aanay jirin bil la wadaagta. Af-xidhashadaasi waa tiirka ugu muhiimsan ee ay leedahay bishani, waana ta keentay in Alle SWT ku doorto in uu si gaar ah u sheegto bishan sida ku sugan xadiis-qudsiga Abu Hurayra warinayo ee Bukhaari iyo Muslin soosaareen, "Waxqabad kasta oo aadamuhu la yimaaddo isagaa leh soonka mooyee, soonka anigaa leh, anigaana ka abaal celinaya.”
Hadalkaa Alle SWT waxa laga dheegan karaa in ay la gaar noqotay bishani sirta ah in qofka af-xidhan iyo Alle SWT uun ay is og yihiin. Waayo qofka tukanaya waa la arkaa tukashadiisa, qofka wax sadaqaysanayana waa la arkaa haba arko ka uu siinayaaye, sida oo kale ka xaj gudanaya isna maaha mid qarsoomaya, se ka af-xidhan isaga iyo Allihii uun baa is og, waana ta keentay in Alle SWT sidaa u soo dhawaysto.
Bishani maaha bil ugub ku ahayd soosaaristii ergaygii ugu dambeyey ergooyinkii Alle SWT.hase ahaate, waa bil la yaqaannay oo ergooyinkii hore ummadahooda fari jireen, Sida Alle SWT yidhi, "Kuwa iimaanka laga helayoow waxa korkiina lagu waajibiyey soon, sidii kuwii idinka horreeyeyloogu waajibiyey, si aad u baqataan.” Halkaa waxa aad ka arkaysaa in arrinta ugu weyn ee loo amray samaynteedu tahay in Alle SWT laga baqo.Haddaba bishani waxa ay leedahay tiirar ka kooban waajibaadyo iyo sunnayaal guntin u ah gudashada cibaadadaa Alle SWT.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!