Hal-Abuur Qoraa Xamse Riiraash Oo Ka Sheekaynaya Faa'idada Caafimaad Ee Timirtu Leedahay

0
Saturday April 17, 2021 - 17:34:31 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 966
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hal-Abuur Qoraa Xamse Riiraash Oo Ka Sheekaynaya Faa'idada Caafimaad Ee Timirtu Leedahay

    "sida dhakhataradu sheegeen timirta waxa ku jirta maaddooyinka kala ah iron iyo copper"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"sida dhakhataradu sheegeen timirta waxa ku jirta maaddooyinka kala ah iron iyo copper"

Waxa aynu wali dhex mushaaxanaa maqaaladeeni wax ku oolka ahaa,taasi oo aynu ugu tallo galnay bisha barakada badan ee soon qaad.



maanta waxa aynu is yar dul istaaganaa faa'idooyinka ay leedhay timirtu taas oo aynu waxooga yar ka sheegi doono.


timirtu waa geed qurxoon u roon dhaayaha. waa geed weyn misna billic iyo qurux uu rabbi ku manaystay, waa mid lagu sheegay qur'aanka isla markaasna lagu faahfaahiyay iyada oo dhawr meeloodna ay kaga soo aroortay.haa.


sida dhakhtaradu sheegeen waxa ay yidhaahdeen timirtu waxa ay yaraysaa kastorolka dhiiga ku Jira,waxana laga hellaa maadad loo yiqaano Pectin taa oo halbowlaha dhiigga ka ilaaliya inuu isku dhago ama xidhmaba.


sida dhakhtaradu sheegeen waxa ku jirta timirtayyidhaahdeen maaddada loo yiqaano fluoride taas oo ka hor tag ku samaysa suuska iyo waxyaalaha dhiba ilkaha.


sida dhakhtaradu sheegeen waxa ay timirtu jidhka ka ilaalisaa sunta waxana ku jirtay leeyihiin maadooyinka kala ah sodium iyo potassium iyo weliba vitamin C.


sida dhakhataradu sheegeen timirta waxa ku jirta maaddooyinka kala ah iron iyo copper iyo vitamin B. waxana ay ka ilaalinasaa dhiig yaraanta qof soo waajihi kartaa.


haddii aynu akhrino qisadiii cajiibka ee maryan bintu cimraan markuu ilaah la hadlaayay waxa lagu lahaa waxaad ruxdaa oo gilgishaa jirrida Timirta waxaa kuu soo daadan timir fiican oo curdanee.


timirtu waa geed barakaysan oo qurxoon rasuulkuna jeclaa sida dadyowgu yidhaahdaan haddiiu aadkaliya isku hesho timir iyo caano wax kalaba uma baahnaan kartid iyada oo u dhiganta cunto kaste.


hamse Riiraash

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...