Biden oo ka laabtay go'aankii tirada qaxootiga imanaya Mareykanka

0
Saturday April 17, 2021 - 14:20:07 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1564
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Biden oo ka laabtay go'aankii tirada qaxootiga imanaya Mareykanka

    Biden oo ka laabtay go'aankii tirada qaxootiga imanaya Mareykanka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Biden oo ka laabtay go'aankii tirada qaxootiga imanaya Mareykanka

Hargeisa(HWN):-Kadib markii uu dhaleecayn kala kulmay qaar badan oo ka mid ah xisbigiisa iyo dadka u dhaq-dhaqaaqa qaxootiga, ayuu Aqalka Cad sheegay in madaxweyne Joe Biden uu bisha danbe qaadi doono go’aankii uu madaxweynihii isaga ka horreeyay ku yareeyay tirada qaxootiga uu dibadda ka soo qaado Mareykanka.
Radio Galgaduud - Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa kordhiyay muddo sanad ah cunaqabateyn lagu xayiray Dhaqaalaha Soomaaliya, iyadoo labadii Madaxweyne ee ka horreeyay Barack Obama iyo Donald Trump ay hore tallaabadan oo


Tani waxay ka danbeysay markii uu Biden shalay saxiixay wareegto uu maamulkiisu ku sheegay in uu raaci doono siyaasaddii qaxootiga ee madaxweynihii hore ee Mareykanka Trump, taasoo dhigeysay in qaxootiga ay dowladda Mareykanka soo qaadato sanadkii aysan ka badnaan 15 kun oo qof.

Haseyeeshee cadaadis xoog leh oo qaar ka mid ah Dimuqraadiyiinta kaga yimid madaxweyne Biden ayuu isla Jimcihii shalay uga laabtay go’aankaasi.

Bayaan ka soo baxay Aqalka Cad ayaa lagu sheegay in madaxweyne Biden uu 15-ka bisha May kordhin doono tirada qaxootiga sanadkii imaan doona Mareykanka.
VOA-Somali

Loading...
Loading...