Shariif Sheekh Axmed iyo Taliyaha xoogga dalka Soomaaliyeed oo kulmay

0
Saturday April 17, 2021 - 09:34:42 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1742
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shariif Sheekh Axmed iyo Taliyaha xoogga dalka Soomaaliyeed oo kulmay

    Shariif Sheekh Axmed iyo Taliyaha xoogga dalka Soomaaliyeed oo kulmay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shariif Sheekh Axmed iyo Taliyaha xoogga dalka Soomaaliyeed oo kulmay

Hargeisa9HWN):-Madaxweynihii hore Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa kulan xalay la qaatay taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya Jen Odawaa Yuusuf Raagge.

Taliyaha oo taggay hoyga uu magaalada Muqdisho ka tagan yahay Shariif Sheekh Axmed ayaa dhab ahaan la ogeyn waxa ay ka wada hadleen labada dhinac .



Laakiin ilo xog ogaal ah ayaa sheegay in Shariif Sheekh Axmed uu ka dalbaday taliyaha ciidanka xoogga dalka in aan ciidamada loo adeegsan arrimaha siyaasadda.

Madaxweynayaashii hore ayaa sheegay dhawaan in taallaabadii uu qaaday Baarlamaanka Soomaaliya ee muddo kordhinta ay horseedi karto in dalku dib dagaal ugu noqdo, waana tan ugu weyn ayaa leys leeyahay sababta kulanka labada mas'uul

Labadii maalmood ee la soo dhaafay magaaalada Muqdisho waxaa ka soconayay kulamo siyaasadeed oo iska soo horjeeda oo dhamaantood salka ku haya mudo korarsiga labada sano ee Baarlamaanku meel mariyay.

Loading...
Loading...