Gabadh Soomaali ah oo indhaha naafo ka ah oo kaalinta koowaad ka gashay Imtixaanka Dugsiga Dhexe

0
Saturday April 17, 2021 - 09:26:44 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1380
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gabadh Soomaali ah oo indhaha naafo ka ah oo kaalinta koowaad ka gashay Imtixaanka Dugsiga Dhexe

    "Sannadihii ay halkan joogtay oo dhan waxay si dhow ula shaqeyneysay macallimiinteeda"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Sannadihii ay halkan joogtay oo dhan waxay si dhow ula shaqeyneysay macallimiinteeda"
Kaddib markii la shaaciyay natiijada imtixaanka Dugsiga Hoose/Dhexe ee dalka Kenya oo loo yaqaanno KCPE, Ifraax Maxamed Shuuriye oo ah ardayad indhaha naafo ka ah ayaa kaalinta 1-aad ka gashay gobolka Waqooyi Bari halka ay kaalinta 7-aad ka gashay guud ahaan dalka Kenya.


Kaalmahan waxay ka gashay qeybta waxbarashada gaarka ah ee la siiyo ardayda baahiyaha gaarka ah leh.



Gabadhan oo dhameysay kasoo jeeda magaalada Gaarisa ayaa farxad galisay dhammaan dadka kasoo jeeda gobolka, gaar ahaan waalidiinteeda iyo macallimiinta iskuulkii ay dhammeysay. Imtixaankan ayaa ahaa kii 2020-ka oo u baaqday saameynta fayraska corona awgeed.


Wareysi ay siisay telefishinka NTV ee dalka Kenya ayay ku sheegtay inay mustaqbalka rajeyneyso inay noqoto dhakhtar.


"Waxaan jeclaan lahaa inaan noqdo dhakhtarka caafimaadka dhiigga (Hematologist) si aan markaas u caawiyo bukaannada aniga ila midka ah," ayay tidhi Ifraax.


"Waxaan jeclaan lahaa inaan noqdo dhakhtarka caafimaadka dhiigga (Hematologist) si aan markaas u caawiyo bukaannada aniga ila midka ah," ayay tidhi Ifraax.


Macallinkeeda ayaa sheegay inay "tahay gabar aqlaaq badan oo dadaal u sameyneysay sidii ay heer fiican uga gaari lahayd waxbarshadeeda, iskuulkaasina ay dhiganeysay ilaa markii ay fasalka ugu horreeya billaabeysay".


"Sannadihii ay halkan joogtay oo dhan waxay si dhow ula shaqeyneysay macallimiinteeda, waxaana uga mahad celinaynaa sida ay dadaalka u sameysay," ayuu yidhi.

Wasiirka waxbarashada ee Kenya, George Magoha, ayaa Khamiistii shaaciyay natiijada oo muddo la sugayay.


Isku darka arday ay tiradoodu gaareyso 1,191,616 ayaa isu diiwaan galiyay imtixaanka KCPE laakiin 12,424 ayaa ka maqnaa goobihii imtixaanka lagu galay iyagoo u seegay sababo kala duwan awgood.


Barfasoor Magoha ayaa markii uu natiijada shaacinayay ku dhawaaqay in uusan jiri doonin arday waayi doona booska dugsiyada sare.


1,179,192 ka mid ah ardayda imtixaanka u fariistay intooda badan oo gaarayay 889,011 waxay keeneen natiijo ka hooseysa 300 oo dhibcood halkii laga rabay meesha ugu sarreysa 500 oo dhibcood.


Waxaa jiray 8,091 arday oo keenay wax ka sarreeya 400, iyadoo ardaygii ugu sarreeyay ee natiijada hoggaaminayay uu helay 433 dhibcood.


Ardayda heshay inta u dhaxeysa 300 ilaa 399 dhibcood waxay ahayeen 282,090, kuwa helay inta u dhaxeysa 200 ilaa 299 waxay ahaayeen 589,027, halka kuwa u dhaxeeyay 100 ilaa 199 dhibcood ay ahaayeen 299,677 arday. 307 arday ayaa helay inta u dhaxeysa 1 ilaa 99 dhibcood.


BBC

Loading...
Loading...