War Deg Deg Ah:-kornayl Doolaal oo la sii daynayo.
War Deg Deg Ah:-kornayl Doolaal oo la sii daynayo.
Hargeysa(HWN):-Muuse Biixi oo xejin waayey culaysyada siyaasadeed ee kaga furmay beesha bariga Burco ka dib markii uu xadhig iyo xukun iskugu daray gaashaanle sare Jaamac Maxamuud Doolaal ayaa qorshaynaya inuu cafis ku sii daayo sarkaalkaas ka tirsan ciidanka milatariga.
Gudoomiyaha golaha guurtida somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan oo haatan ku sugan wadanka dibadiisa ayey wararku sheegayaan inuu Muuse Biixi si adag ugu canaantay xadhiga iyo xukunka layskugu daray gaashaanle sare Maxamuud Jaamac Doolaal isla markaana uu ka dalbaday inuu xoriyadiisau soo celiyo.
Xildhibaan Mubaarig Yuusuf Bidhi oo ka tirsan golaha deegaanka Burco islamarkaana ka mid ah xubnaha sida culus uga soo horjeeda xadhiga gaashaanle sare Doolaal oo ay isku deegaan yihiin ayaa baahiyey in Muuse Biixi uu diyaariyey warqad cafis ah oo uu xabsiga dhexe ee Hargeysa kaga sii daynayo sarkaalka xukunku ku dhacay ee ka tirsan ciidanka milatariga somaliland ka dib cadaadiska gudoomiye Saleebaan hogaaminayo ee lagaga dalbanayo inuu xoriyadiisa u soo celiyo Doolaal.
Loading...
Loading...