Dawlada Maraykanka Oo Xayiraad Socdaalka Ah Ku Soo Rogtay Siyaasiyiin U Dhashay Dalka Uganda Iyo Sababta Keentay.

0
Saturday April 17, 2021 - 06:32:37 in News by
  • Visits: 713
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawlada Maraykanka Oo Xayiraad Socdaalka Ah Ku Soo Rogtay Siyaasiyiin U Dhashay Dalka Uganda Iyo Sababta Keentay.

    Dawlada Maraykanka Oo Xayiraad Socdaalka Ah Ku Soo Rogtay Siyaasiyiin U Dhashay Dalka Uganda Iyo Sababta Keentay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dawlada Maraykanka Oo Xayiraad Socdaalka Ah Ku Soo Rogtay Siyaasiyiin U Dhashay Dalka Uganda Iyo Sababta Keentay.


Maraykanka ayaa xayiraad dhanka visaha ah ku soo rogay saraakiil u dhashay dalka Uganda oo uu ku eedeeyay inay wiiqeen dimuqraadiyadda waddankaas.

Uganda


Go'aanka oo uu shaaciyay xoghayaha arimaha dibedda ee Maraykanka, Antony Blinken, ayaa daba socda xarig loo geystay boqolaal ka tirsan taageerayaasha mucaaradka Uganda.


"Waxaa jira cawaaqib ka dhasha faragelin kasta oo lagu sameeyo hannaanka dimuqraadiyadda," ayuu ku qoray bartiisa Twitter.


Lama shaacin magacyada mas'uuliyiinta uu Maraykanka ku beegsaday xayiraadda.


Mucaaradka ayaa sheegay in dad ka badan 400 oo qof weli la la' yahay kuwaas oo ay qabteen laamaha ammaanka ka hor doorashadii dhacday January.


Horraantii todobaadkan, khubarada xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqay dowladda Uganda inay joojiso cadaadiska ka dhanka ah mucaaradkeeda.


Xukuumadda Uganda ayaa Khamiistii qirtay inay xirtay dad ka badan kun qof oo ay u haysato falal la xiriira doorashadii dhacday.


Balse faahfaahin dheeraad ah kama aysan bixinta sababta ay ilaa iyo hadda dadkaa u xiran yihiin iyo weliba goobaha lagu hayo.


Hay'daha xuquuqda aadanaha ayaa ku eedeeyay laamaha ammaanka inay dil, afduub iyo tacaddiyo kale u geysteen xubnaha mucaaradka intii ay socotay doorashadii dhacday horraantii sanadkan.


Madaxweyne Yuweri Museveni ayaa ku guulaystay ku dhawaad 59% codadkii laga dhiibtay doorashadaas, sida uu shaaciyay guddiga doorashada ee Uganda.


Robert Kyagulanyi, oo caan ku ah magaca Bobi Wine, ayaa helay 35% codadkii la dhiibtay. Balse ninkaas oo horay fannaan u ahaa ayaa qaadacay natiijadaas.


Museveni oo 76 jir ah ayaa Uganda xukumayay tan iyo 1986, waxaana uu sheegay inuu astaan u yahay xasilloonida dalkaas.


Loading...
Loading...