Guddoonka Wakiillada Somaliland oo ka hadlay Dagaal Beeleed Ka Dhacay Degmada Xudun

0
Saturday April 17, 2021 - 01:30:14 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1131
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoonka Wakiillada Somaliland oo ka hadlay Dagaal Beeleed Ka Dhacay Degmada Xudun

    Guddoonka Wakiillada Somaliland oo ka hadlay Dagaal Beeleed Ka Dhacay Degmada Xudun

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoonka Wakiillada Somaliland oo ka hadlay Dagaal Beeleed Ka Dhacay Degmada Xudun

Hargeisa(HWN):-Guddoomiyaha golaha Wakiiladda Somaliland Baashe Maxamed Faarax ayaa ka hadlay dagaal beeleedka ka dhacay degmad Xudun ee gobolka Sool oo dagaal ku dhex-maray laba beelood oo halkaasi wada dega.


Guddoomiyaha golaha Wakiillada ayaa sidoo kale baaq u diray labadaasi beelood ee dirirtu halkaasi ku dhex-marayso, isagoona u soo jeediyay inay dagaalka joojiyaan.

Sidoo kale, guddoomiye Baashe ayaa fariin u diray ciiddammada Milateriga Somaliland ee halkaasi ku sugan iyo Madax-dhaqameedka gobolka Sool, waxaanu ugu baaqay inay kala dhex galaan labada beelood ee dirirtu u dhaxayso.
Bashe Mohamed Farah - Wikipedia

"Dhibaato xun baa dhacday, waxaan leeyahay Illaahay ha u naxariisto dadkii dhibaataddii ku dhintay, wixii dhaawac ahna Illaahay ha u booggo dhayo, Alle ha bogsiiyo, waxa weeye dagaal aan macno lahayn oo horenna u dhacay oo in badan loo fadhiyay deegaanka Adhi-caddeeye. Walaalayaal, waxaynu ku jirnaa bil Ramaddaan, waxa jira Abaar, waxa jira Xanuunka COVID 19, iyaddoo waxaas oo dhammi ay jiraan, haddana dadka u badheedhaaya Dhiigga Walaalahood, waa wax cid weliba ay ka naxayso." Ayuu yidhi Guddoomiye Baashe Maxamed Faarax.

Waxaannu intaas ku daray oo uu raaciyay "Dadkani waa dad wada dhashay oo Illaahay meel qudha ku wada abuuray, oo aan meel kala aaddi karin, oo aan kala guuri karin, Illaahay baa halkaas ku wada beerray, markaa dhibaataddani way soo noqnoqotay oo waxaad maqlaysaa gobolka Sool waxbaa la dilay iyo dagaal baa dhacay, ummaddii kale ee reer Somaliland-na naxdin bay ku tahay.

Dadka wax dilayaanna Caddaab Alle ayay ku mutaysanayaan, guulna ma gaadhayaan, markaa farriinta ama baaqa aan u dirayaa waxa weeye Walaalayaal dagaalkaas joojiya oo wixii dhacay soo noqon maayee yaan wax kale lagu darin, oo halkaas ha lagu joojiyo.

Ganacsatadda iyo Qurbo-jooga labaddaas beelood waxaan leeyahay dhiigga Walaalihiin haku bixinna adduun, waayo labadda dhinac-ba waa ehelkaagii, markaa waxaan idin leeyahay haddaad wax bixinaysaan ku bixiya siddii loo dhex-geli lahaa ee Odayaal loogu diri lahaa, taasaa idinka Xasannaad badan Boqol jeer, markaa dadka wanaaga isu taaga ee ka shaqaynaaya ayaa wanaagsan inaad la shaqaysaan oo gacan siisaan.

Markaa waxaan leeyahay waar Caqligu ha shaqeeyo, oo Illaahay ha laga baqdo, Somalilandna waxaan ugu baaqayaa in si deg-deg ah loogu gurmaddo Dirirta ceelkaas Xuddun agagaarkeedda ah ka socota oo Sallaadiinta iyo Odayaasha waxgaradka ah ee Somaliland ha gaadhaan oo ha dhex-gallaan labaddaas beelood.

In maalin walba Ceel aan macno lahayn Dhiigga dadka wada dhashay lagu daadiyaa waa caqli xumaan, waxaan Ciiddammada qaranka ee Somaliland ugu baaqayaa inay dhex-gallaan oo hubka ka dhiggaan oo ciddii joogsan wayda si buuxda gacanta loogu qabto oo la hor istaago, Boqolaal ceel baa la samayn karraa, waa Caqli darro in maalinkasta raggu ku dhinto wax aan macno lahayn oo aakhirro iyo adduun-ba lagu halaag maayo." Ayuu yidhi Guddoomiyaha golaha Wakiillada Somaliland Baashe Maxamed Faarax.

Loading...
Loading...