Dagaal La Isku Adeegsaday Hub Culus Oo Markale Ka Dhacay Gobolka SOOL

0
Friday April 16, 2021 - 16:49:14 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2972
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dagaal La Isku Adeegsaday Hub Culus Oo Markale Ka Dhacay Gobolka SOOL

    "Goobta dagaalku ka socdo oo ayna ka shaqaynayn telifoonada gacantu "

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Goobta dagaalku ka socdo oo ayna ka shaqaynayn telifoonada gacantu "

Hargaysa (HWN)- Maanta subixii hore ayuu dagaal la isku adeegsaday rasaas ka dhacay Ceelka dhabar-dalool oo koonfur kaga beegan Degmada Xudun ee Gobolka SOOL.


Dagaalkan oo ku bilaabmay si goosgoosa ayaa wararka laga helayaa ay sheegayaan in laysu adeegsanayo hubka waaweyn noocyadiisa kala duwan.




Goobta dagaalku ka socdo oo ayna ka shaqaynayn telifoonada gacantu ayay adagtahay in la helo khasaaraha dhabta ah ee meeshass wax ka dheceen, waxaase ila wareedyada ugu dhow xaqiijinayaan in dayaanka rasaasta waaweyn meel kasta laga maqlayey.


Dhinaca kale waxaa si isdabajoog ah warbaahinta u soo gaadhaya baaqyo kala duwan kuwaas oo ay madaxda dhaqanka oo uu ka mid yahay Garaad Jaamac Garaad Cali, Garaad Cabdisalaan Xasan Maxamed, Garaad Cabdirisaaq Garaad Soofe, cuqaal iyo waxgaradkala duwan.


Sidoo kale maamulka gobolka Sool oo u horreeyo Gudoomiyaha Gobolka Cabdiqani Jiidhe iyo Gudoomiyaha Degmada Xuddun ayaa ku baaqay in la joojiyo xabbada caqliguna sheqeeyo, bisha Barakaysana la xushmeeyo.


Xukuumada Muuse Biixi ayaa ku guuldaraysatay in nabad waarta ay ka dhex dhaliso beelaha deegaankaasi wada dega ee ay ku soo noqnoqota dhiilada colaada khasaaraha nafeed iyo ta duunyaba sababtay


Hadhwanaagnews

Hargaysa/Office.

Loading...
Loading...