Yaa ku guuleystay tartanka dib u dhiska Masjidka weyn ee Mowsil?

0
Friday April 16, 2021 - 08:05:11 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1543
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Yaa ku guuleystay tartanka dib u dhiska Masjidka weyn ee Mowsil?

    Yaa ku guuleystay tartanka dib u dhiska Masjidka weyn ee Mowsil?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Yaa ku guuleystay tartanka dib u dhiska Masjidka weyn ee Mowsil?

Hargeisa(HWN):-Koox injineerro ah oo u dhashay dalka Masar oo ku takhasusay naqshadeynta dhismooyinka ayaa ku guuleystay tartan loogu jiray dib u dhiska Masjidka weyn ee Magaalada Mowsil ee Al-Nuri, kaa oo muddo haatan afar sano laga joogo ay burburiyeen mintidiinta kooxda la baxday Dowladda Islaamka ee IS.


Mintidiinta kooxdani ayaa bishii Juun ee sanadkii 2017 qarxiyay masjidkaasi oo la dhisay qarnigii 12-aad, xilli ciidamada dowladda Ciraaq ay u soo dhaqaaqeen dhanka magaaladaasi oo ay doonayeen in ay dib u qabsadaan.

Seddex sano ka hor, ayaa hoggaamiyaha kooxdaasi Abu Bakr Al-Bagdaadi waxa uu masjidkaasi kaga dhawaaqay "Dowlad Islaami ah".
masjid

Dib u dhiska masjidkani ayaa qeyb ka ah mashruuca Qaramada Midoobey ee dib loogu dhisayo magaalada Mowsil.

Siddeeda Injineer oo dhismaha iyo naqshadeynta ku takhasusay oo u dhashay dalka Masar ayaa laga soo xushay 123 kooxood oo u tartamayay dib u dhiska Masjidkani.

Dagaalkii Mowsil ayaa socday ku dhawaad sagaal bilood, wuxuuna inta badan baabi'iyay magaaladaasi. Kumannaan qof oo rayid ah ayaa colaaddaasi ku dhimatay halka in kabadan 900,000 oo qofna ay ku barakeceen.

Dib u dhiska masjidkaasi Mowsil "wuxuu astaan u noqon doonaa geedi socodka lagu horumarinayo dib u heshiisiinta magaalada uu dagaalku ragaadiyey", ayuu yiri Audrey Azoulay, oo madax ka ah hay'adda UNESCO ee Qaramada Midoobey u qaabilsan tacliinta, sayniska iyo dhaqanka.

Hay'addaasi ayaa sheegtay in gudaha masjidkani laga dhigi doono sidii uu ahaa ka hor inta aan la dumin balse isbaddal weyn uu ka muuqan doono, iyadoo la ballaarin doono qeybaha loogu tala galay haweenka iyo mas'uuliyiinta sar-sare.

Masaajidkaasi weyn ayaa loogu magac daray Nuur Al-Diin Maxmuud Zangi - oo caan ku ahaa mideynta xoogaggii Muslimiinta ee ka soo horjeeday xoogaggii masiixiyiinta.

Nuur Al-Diin ayaa sanadkii 1172-kii amray dhismaha masjidkaasi qaddiimiga ahi. Masjidkaasi ayaa caan ku ahaa minaarad qalloocan, waxaana si xun u burburiyay dagaalladii ka dhacay magaalada Mowsil. Dib u dhiska masjidkani ayaa billaaban doona dabayaaqada sanadkan.
BBC-Somali

Loading...
Loading...