Maxay salka ku haysaa xiisadda Erdogan iyo Mario Draghi?

0
Thursday April 15, 2021 - 23:07:58 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1652
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxay salka ku haysaa xiisadda Erdogan iyo Mario Draghi?

    ANKARA(HWN):-Madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan ayaa Arbacadii weerar ku qaaday

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

ANKARA(HWN):-Madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan ayaa Arbacadii weerar ku qaaday


ANKARA(HWN):-Madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan ayaa Arbacadii weerar ku qaaday ra’iisul wasaaraha Talyaaniga Mario Draghi sababo la xiriira inuu ugu yeeray "kaligii taliye,’ hadalladaas oo uu sheegay inay ahaayeen edeb darro.


Draghi ayaa toddobaadkii tegay dhalleeceeyey habka uu Erdogan u marti-geliyey labada hoggaamiye ee ugu sarreeya Midowga Yurub, markaas oo madaxad guddiga Midowga Yurub Ursula von der Leyen ay weysay kursi ay fariisato.
Erdogan fires back at Draghi over 'dictator' comment - Daily Monitor

Laba kursi oo lasoo dhigay halka ay ku kulmayeen ayaa waxaa kala fariistay Erdogan iyo madaxweynaha Golaha Midowga Yurub Charles Michel.

Saraakiisha Turkey ayaa diiday eedeynta dhacdadaas, ayaga oo sheegay in hab maamuuska ay sameeyeen ay ku salleeyeen amaro ay ka heleen Brussels.

Kulan madaxeedkaas oo ahaa kii ugu horreeyey ee dhex-mara Turkey iyo Midowga Yurub muddo sanad ah, ayaa hadalheynta ugu badan waxay noqotay dhacdada kursi ka’aanta ku dhacday Ursula von der Leyen, ayada oo loogu yeeray "sofagate” ama fadeexaddii kursiga.

Isaga oo weriyayaasha kula hadlayey Rome ayaa Draghi waxa uu yiri "Waan ka xumahay bahdilka ay madaxweynaha guddiga kala kulantay kuwan. Aan ugu yeerno waxa ay yihiin, kali-taliyeyaal.”

Isaga oo markii ugu horreysay si rasmi ah ugu jawaabaya ayaa Erdogan wuxuu Arbacadii sheegay in hadalka Draghi uu halis geliyey xiriirka Turkey iyo Talyaaniga.

"Hadallada kasoo yeeray ra’iisul wasaaraha Talyaaniga waxay ka dhigan yihiin xushmad darro buuxda, iyo edeb darro dhameystiran,” ayuu Erdogan ku yiri muuqaal qeyb ka mid ah lasoo dhigay twitter-ka.

"Xilli aan rajeeneynay in xiriirka Turkey iyo Italy uu gaaro meel wanaagsan, ninka loogu yeero Draghi ayaa quusiyey xiriirkii.”

Erdogan ayaa ku booriyey Draghi – oo uu xusay inuu yahay nin la magacaabay oo aanay shacab dooran – inuu dib u eego taariikhda Talyaaniga, isaga oo u muuqda inuu kala jeedo xukunkii fashiistaha ee kaligii taliyey Benito Mussolini.

Hadallada Draghi ayaa sababay in Turkey ay saacad gudaheed ugu yeerto safiirka Talyaaniga ee Ankara oo ay ka dalbato saraxaad ku aadan hadalka ra’iisul wasaaraha.

Dhacdada kursiga ayaa sidoo kale fadeexad ka abuurtay Brussels, halkaasi madaxweynaha Golaha Midowga Yurub Charles Michel lagu dhalleeceeyey inuu qaatay mid ka mid ah labada kursi, islamarkaana uu von der Leyen ku qasbay inay fariisto kursi yaalay meel fog oo ahaa sofa.
AFP/VOA-Somali

Loading...
Loading...