Denmark Oo Noqotay Dalkii Ugu Horreeyay Ee Gebi Ahaanba Joojiya Astrazeneca

0
Thursday April 15, 2021 - 18:15:40 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1216
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Denmark Oo Noqotay Dalkii Ugu Horreeyay Ee Gebi Ahaanba Joojiya Astrazeneca

    "Qiyaastii boqol iyo konton kun oo qof oo reer Denmark ah oo horey u qaatay"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Qiyaastii boqol iyo konton kun oo qof oo reer Denmark ah oo horey u qaatay"

Denmark ayaa noqotay dalkii ugu horreeyay ee gebi ahaanba joojiya isticmaalka tallaalka fayraska corona ee AstraZeneca.


Guddiga caafimaadka Qaranka ayaa sheegay inuu jiro xiriir ka dhaxeeya tallaalka AstraZeneca iyo dhiig xinjiroowga.




Waxay Denmark sheegtay in fayraska ay xakameeyeen sidoo kalana ay dalka yaallaan tallaallo kale, sidaa darteed waxay sheegeen inay gabi ahaanba joojiyeen isticmaalka tallaalka AstraZeneca.


Bil ka hora ayay hakad geliyeen isticmaalka tallaalka ka dib markii ay soo baxeen wararka sheegaya in tallaalka uu sababo dhiig xinjirow. Hay’adda dawooyinka ee Yurub iyo hay’adda caafimaadka Adduunka ayaa labaduba sheegay in faa’iidada tallaalka ay ka badan tahay halistiisa.


Qiyaastii boqol iyo konton kun oo qof oo reer Denmark ah oo horey u qaatay qeybtii ugu horreysay ee tallaalka AstraZeneca ayaa haatan la siin doonaa tallaal ka duwan kii hore.

Loading...
Loading...