Masaajiddada Hargeysa Oo Ganafka Ku Dhuftay Go'aan Ka Soo Baxay Xukuumada Muuse Biixi

0
Thursday April 15, 2021 - 12:27:28 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2127
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Masaajiddada Hargeysa Oo Ganafka Ku Dhuftay Go'aan Ka Soo Baxay Xukuumada Muuse Biixi

    "Fulin La'aanta Awaamiirta Wasaaradda Diinta Iyo Cudurka Covid19 Oo Wali Faro Baas Ku Haya Somaliland"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Fulin La'aanta Awaamiirta Wasaaradda Diinta Iyo Cudurka Covid19 Oo Wali Faro Baas Ku Haya Somaliland"

Hargeysa - (HWN) – Inta badan masaajidada Hargeysa kuyaala ayaa ganafka ku dhuftay awaamiirtii ku soo rogay masaajidada Hargeysa Wasiirka Diinta iyo Awqaafka Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed go’aankaasi oo qayb ka ahaa la dagaalanka fiditaanka xannuunka Covid-19 oo faro baas ku haya Shacabka Somaliland.




Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed ayaa maalintii Isniintii oo beegnayd April 14, 2021 oo ah maalintii ka horaysay Curashada Bishan Soon ee Ramadaan, waxa uu soo saaray awaamiir ku saabsan qaabka loogu tukunayo Masaajidada Hargeysa maadaama lagu jiro wakhti kala tagoornaan ah oo dagaal lagula jiro Fidista Cudurka Covid-19, awaamiirtaasi oo aad loosoo dhaweeyay.


Wasiirka ayaa maalintaasi kulan balaadhan oo uu la qaatay imaamada maajidda Hargeysa waxa uu kala hadlay awaamiirtaasi waxaannu u soo jeediyay in Masaajiddu masuuliyad iska saaraan xakamaynta Cudurka Covid-19 iyo sida bulshada looga wacyigalin karo, waxa kale oo uu kala hadlay in Masaajidada gudahooda lagu fuliyo nidaamka kala fogaanta, isagoo qoraalo ku soo saaray awaamiirtaasi islamarkaana masaajid walba ugu dhejiyay gidaarka si ay udhaqan galiyaan, bulshadana ugu qanciyaan inay Amar wasaaraddeed fulinnayaan.


Nasiib daro, iyadoo geeriddu maalinta walba socoto, oo ay dadkeeni u dhimanayaan caabuqa Cudurka Covid-19, waxa ay inta badan Masaajidda Magaaladda Hargeysa ay ganafka ku dhufteen islamarkaana ay hal bacaad lagu lisay ka soo qaadeen go’aankii waxtarka lahaa ee Wasaaradda Diinta iyo Qaafta ee iskugu jirtay socod siinta Cibadda Alle ee Bisha Barakaysan ee Ramadaan iyo fayodhawrka bulshada si looga taxadiro masiiba cudurkan oo dunida faro baas ku hayo, islamarkaana Somaliland si baahsan dad badan ugu laynaya, kaasoo ka hortag mooyee aan ka daba tag lahayn.


Dhinaca kale wasiirka diinta iyo awqaafta Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed ayaa lagu dhaliilaa inaanu maamul daadejin samaynin, siiba marka ay jiraan awaamiir noocan oo kale ah, oo u baahan in dabagal lagu sameeyo si ay u hirgalaan, iyadoo lagu dhaliilo inaanu wax kadaba tag ah samayn ismarkaana aanu si fiican uga wada warqabin masaajido badan oo Hargeysa kuyaala oo xiitaa aan ka xaadirin kulamada uu u qabto Maamulka masaajidada Hargeysa kuwaasi oo qayta ugu wayn hadda ka ah hirgalid la’aanta awaamiirtan.


Sidoo kale, waxa keli ah uu Wasiirku ka warqabaa Masaajidada waa weyn oo aan illaa 20- masjid ka badnayn kuwaasi oo iyagu si fiican u qaatay awaamiirtii uu soo saaray, balse waxa looga baahan yahay Wasiirku inuu si deg deg ah uga war doon halka ku dambeeyeen Awaamiirtiisii iyo sida ay u hirgaleen.


Si kasta ha ahaatee, waxa walii Somaliland laga soo sheegayaa kiisas badan oo ay dad ugu dhinteen cudurka covid-19-ka, iyadoo xaaladdu aanay wax is baddal ah lahayn wax cusub oo qorshe ahna xukuumaddu la iman.

Loading...
Loading...