Masuuliyiin Fariin Hanjabaad Ah Udiray Shacab Mudaharaad Ka Sameeyay Burco

0
Thursday April 15, 2021 - 08:48:16 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1471
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Masuuliyiin Fariin Hanjabaad Ah Udiray Shacab Mudaharaad Ka Sameeyay Burco

    "Kiiska Hargeysa ka jira iyo ninka odayga ah iyo nabadgelyada Burco waa kala laba shay"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Kiiska Hargeysa ka jira iyo ninka odayga ah iyo nabadgelyada Burco waa kala laba shay"

Burco (HWN) Gudoomiyaha gobolka Togdheer Maxamed Diiriye Xayd ayaa sheegay in ciidaamada aammaanku ay u xil saaran yihiin in ay iilaaliyaan ammaanka guud ee gobolka, cidkasta oo dhibaataynaysa nabadgelyadana ay talaabo sharci ah ka qaadaan.


Gudoomiye Maxamed Diiriye wuxuu xusay in shacabku caban karaan, laakiin aanay sax ahayn inay qaadaan talaabooyin halis galin kara ammaanka, waxaanuuu guu ahaan dadka ku nool magaalada Burco u soo jeediyay inay ilaaliyaan xasiloonid iyo ammaanka.




Taliyaha qaybta booliska ee gobolka Togdheer Maxamed Faarax Nuur abaan duulaha ciidanka qaranka ee qaynta 12-aad ayaa si wada jir ah u sheegay in aanay cidna ka ogolaan doonin in ay khal-kahl galiyaan ammaanka magaalada Burco isla markaana laga sameeyo rabshado sababi kara haliso abni oo kala duwan.


Duqa degmada Burco Maxamed Yuusuf Muraad ayaa sheegay in magaalada Burco aanay u baahnayn in la khal-khal galiyo ammaanka, isla markaana dhibaato loo gaysto ganacsiga iyo goobaha danta guud ee ku yaala magaaladaas.


Gudoomiye Maxamed Diiriye wuxuu xusay in shacabku caban karaan, laakiin aanay sax ahayn inay qaadaan talaabooyin halis galin kara ammaanka, waxaanuuu guu ahaan dadka ku nool magaalada Burco u soo jeediyay inay ilaaliyaan xasiloonid iyo ammaanka. "Waxaanu ugu baaqayna in dadweynuhu nagala qayb qaataan nabadgelyada guud ee gobolka, ka guddi nabadgelyo ahaan waxaa aanu diyaar u nahay cidkasta oo wax tabanaysa oo ka tabanaysa xukuumaddii maadama aanu wakiil u nahay iyada oo aan dhagaxna la tuur, taayirna la gubin in naloo yimaado oo la yidhaaho tabashadaasi ayaa jirta tabashadaasi ayaa jirta ee waa in wax laga qabto, dadka imika xidh xidhana waxaa aanu diyaar u nahay in aanu isaga nimaadno duqaytidii iyo wax walba”


Taliyaha qaybta booliska ee gobolka Togdheer gaashanle sarre Maxamed Nuur Faarax, ayaa sheegay in aanay cidna ka ogolaanaynin khal-khalgelinta ammaanka magaalada Burco. "Arrinta amniga anniga ayaa ka masuula, hawshaasi yar ee loo tirinayo ninka xidhan markii hore gabdho ayaa soo galay meesha, haweenkii aanu nidhi mudaharaadka joojiya ee aanu xidhnay ayay arrimahani sii daba socdaaan.


Nabadgelyadu Burco ayay u dan tahay, gaadiidka wax aan badneyn ayaa la jabiyay, tabasha kastana waala dhammeynayaa”


Maayar Muraad wuxuu dadweynaha ku nool magaalada Burco u soo jeediyay in ay ilaaliyaan ammaanka magaalada isla markaana aanay qaadin talaabooyin dhibaatayn kara ammaanka guud ee degmadaas, isaga oo arrimahaasi ka hadlayana waxaa uu yidhi. "Annaga oo mar walba dadkayaga u tudhayna oo jecel in aanay dhibaato xagayaga ka soo gaadhin, haddana in aanu nabadgelyada, abniga iyo xasiloonida ilaalina waa nagu waajib.


Kiiska Hargeysa ka jira iyo ninka odayga ah iyo nabadgelyada Burco waa kala laba shay, waxaanu ku cel celinaynaa, dhallinyaradda iyo haweenka, in aanay mar danbe gudaha magaalada ka dhicin mudaharaad iyo fawdo, wixii intaas ka badan ama la tabanayo ama dad la xidhay ah wada la maraabay leedahay”


Loading...
Loading...