Dowladda Federaalka oo ku gacanseyrtay baaqii Beesha Caalamka

0
Thursday April 15, 2021 - 08:17:04 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1154
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Federaalka oo ku gacanseyrtay baaqii Beesha Caalamka

    Dowladda Federaalka oo ku gacanseyrtay baaqii Beesha Caalamka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Federaalka oo ku gacanseyrtay baaqii Beesha Caalamka

MOGADISHU(HWN):-Dowladda Federalka Soomaaliya ayaa ku adkeysay go'aankii muddo kordhinta he'ydaha dowladda, iyadoo ku gacanseyrtay baaqyo uga yimid beesha caalamka iyo saamileysa siyaasadda Soomaaliya, kuwaas oo ugu yeeray inay dib ugu noqdaan miiska wadahadallada xal u helista is-mariwaaga siyaasadda.



Waa kuma wasiirka cusub ee arimaha dibada Soomaaliya loo magacaabay, Maxaan ka naqaan? (Akhriso) – Radio Daljir

Qoraalkan oo ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo u muuqday inuu jawaab u yahay baaqyada is xiriirka ah ee maalmihii ugu dambeeyay ka soo baxayay Qaramada Midoobay, Mareykanka, Ingiriiska, Midowga Yurub, Midowga Africa iyo IGAD ayaa lagu sheegay in dowladdu ay ka xuntahay in saaxiibada caalamku ay ka horymaadeen waxa ay ugu yeertay "sharci ay soo saareen hey'adaha dowladda oo lagu ilaalinayo xuquuqda dimoqraadiga ah ee shacabku ku dooranayaan hoggaankooda".


Warsaxaafadeedkan ayaa sidoo kale eedeeyn loogu soo jeediyay madaxweyneyaasha maamul goboleedyada Puntland iyo Jubaland oo ka mid ah todobadii saxiixe ee heshiiskii 17-kii Septemer.


"Hoggaamiyeyaasha Puntland iyo Jubaland oo uu saarnaa cadaadis shisheeyaha uga imaanaayay ayaa isku dayay inay hakiyaan oo ay afduubtaan wadahadalka, iyagoo keenayay dalabaadyo aan dhammaad laheyn, kuna baaqaay in la bur-buriyo hey'adaha dowliga ah" ayaa lagu yiri warsaxafadeedkaas.


Bayaankan ayaa sidoo kale lagu sheegay in sharciga doorashooyinka oo uu Talaadadii saxiixay madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed C/llahi Farmaajo inuu fursad siinayo soo jeedintii Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaran, kaas oo hore u sheeegay in muddo 13-bilood gudahood ah ay ku qaban karaan doorasho qof iyo cod ah.


Sharcigan muddo kordhinta hey'adaha dowladda oo Baarlamanku ugu yeeray "Jiheynta doorashooyinka heer Federal" ayaa meesha ka saaraya dhammaan heshiisyadii hore sida kii 17-kii September, waxaana ka soo horjeestay midowga musharaxiinta, mucaaradka, maamul goboleedyada Puntland iyo Jubaland, iyo guddoonka Aqalka Sare, iyagoo ku tilmaamay in muddo kororsigaas uu yahay mid sharci darro ah.

Loading...
Loading...