Dastuurka Soomaaliya Miyuu Kasoo Hor Jeedaa Muddo Kordhinta Loo Sameeyay Dowladda?

0
Thursday April 15, 2021 - 08:14:37 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1075
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dastuurka Soomaaliya Miyuu Kasoo Hor Jeedaa Muddo Kordhinta Loo Sameeyay Dowladda?

    "Hal midna ogaada, Dastuurku ma siinayo baarlamaanka inuu kororsiimo sameysto

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Hal midna ogaada, Dastuurku ma siinayo baarlamaanka inuu kororsiimo sameysto

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya, Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa sheegay in xeerkii uu Golaha shacabka ee Aqalka Hoose ku ansixiyay muddo kordhinta dowladda ahaa mid aan waafaqsaneyn dastuurka oo ay ahayd in lasoo mariyo Aqalka Sare.




Wareysi uu BBC-da siiyay ayuu sidoo kale guddoomiyaha ku xaqiijiyay in xiriirka ka daxeeya isaga iyo guddoomiyaha Golaha Shacabka uusan wanaagsaneyn.


"Qodobka 55-aad ee Dastuurka Federaalka Soomaaliya ku meel gaarka ah ayaa sheegaya inuu baarlamaanka Soomaaliya ka kooban yahay labo aqal oo kala ah Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare. Waxaan idiin sheegayaa in sharci kasta oo baarlamaanka Soomaalida sameeyo waa inay labada aqalba ansixiyaan, Markii ay labada aqal ansixiyaan waa inuu madaxweynaha u tagaa oo uu saxiixaa," ayuu yidhi Cabdi Xaashi.


Wuxuu carrabka ku adkeeyay in "hal aqal uusan gaar u lahayn inuu sharci kaligiis ansixiyo"


Khilaafka labada guddoomiye

Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa sheegay in isaga iyo guddoomiyaha Golaha Shacabka aysan isku wanaagsaneyn.


"Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka xiriir fiican hadda kama dhaxeeyo waxaana u sabab ah qodobo sharci gaf ah oo guddoomiyahaasi uu sameeyay ayaan anigu.... waayo sharci baan ku shaqeynaa sharci gaf uu ku shaqeynayo, dee ma jiro, ayuu yidhi.


Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yidhi: "Hal midna ogaada, Dastuurku ma siinayo baarlamaanka inuu kororsiimo sameysto ama u sameeyo madaxweyne, iska daa inuu hal Aqal taas sameeyee labada Aqal xitaa xaq uma laha."


BBC-da uma aysan suuragalin isku day ay xirir kula sameysay Guddoomiyaha Golaha Shacabka, si uu uga jawaabo hadallada ku saabsan khilaafka uu Cabdi Xaashi sheegay.


Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo madaxweynaha dowladda federaalka ayaa horay isugu khilaafay mid ka mid ah qodobbada lagu murmay ee ku saabsan doorashada, kaasoo la xiriira hannaanka doorasho ee gobollada waqooyi.


Madaxweyne Farmaajo ayaa qalinka ku duugay qaraarka Golaha Shacabka ee labada sano loogu kordhiyay xilka inkastoo ay tallaabadaas si aad ah uga soo hor jeesteen mucaaradka iyo qaar ka mid ah dalalka beesha caalamka.


War saxaafadeed wadajir ah oo ay maanta soo saareen Beesha Caalamka ayay ku sheegeen in mowqifkooda uu yahay sidii dib loogu laaban lahaa miiska wadahadalka.

Bayaanka ayaa lagu yidhi:-


"Waxaan si isdaba joog ah u sheegnay in geeddi-socod siyaasadeed oo is barbar socda, doorashooyin dhinac ah, ama tallaabooyin hor seedaya muddo kordhin cusub aan la taageeri doonin.


"Qaraarkii 12-kii April wuxuu wiiqay nabadda, amniga, iyo xasilloonida Soomaaliya iyo meelo ka baxsan. Qaraarkan wuxuu sidoo kale sii daahinayaa qabashada doorashooyinka lagu kalsoonaan karo ee ay sugayaan dadka Soomaaliyeed.


"Waxaan ku qanacsan nahay in hirgalinta heshiiskii 17 Sebtember uu yahay waxa ugu wanaagsan ee la heli karo si tallaabo loo sii qaado sidaa darteedna waxaan ku boorineynaa Dowladda Federaalka iyo hoggaamiyeyaasha Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Federaalka in ay si deg deg ah ugu soo laabtaan wadahadallada si loogu heshiiyo tallaabada xigta ee la qaadayo. Waxaan ugu baaqeynaa dhammaan dhinacyada inay aad isu xakameeyaan, sii wadaan wadahadalka, iskana ilaaliyaan ficillada hal dhinac ah oo kicin kara xiisadaha.


"Waxaan diyaar u nahay inaan siino xafiisyo wanaagsan si loo fududeeyo loona soo nooleeyo wadahadal loo dhan yahay oo ku saleysan heshiiskii 17 Sebtember."


Mudada xilheynta madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo afar sano ahayd ayaa ku ekeyd 8dii February. Mucaaradku waxay sheegeen inaysan madaxweynaha aqoonsaneyn. Dowladdu se waxay sheegtay in madaxweynahu xilka heyn doono ilaa inta laga dooranayo maamul cusub. Ma jiro waqti la og yahay oo ay doorashadu dhici doonto.


BBC

Loading...
Loading...