UK Oo Si Adag Uga Hortimid Muddo Kordhintii Golaha Shacabku U Sameeyeen Farmaajo

0
Wednesday April 14, 2021 - 10:48:39 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1533
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    UK Oo Si Adag Uga Hortimid Muddo Kordhintii Golaha Shacabku U Sameeyeen Farmaajo

    UK Oo Si Adag Uga Hortimid Muddo Kordhintii Golaha Shacabku U Sameeyeen Farmaajo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

UK Oo Si Adag Uga Hortimid Muddo Kordhintii Golaha Shacabku U Sameeyeen Farmaajo

MUQDISHO(HWN):-Dowladda UK ayaa shaaca ka qaaday inay dalalka beesha caalamka kala shaqeyneyso qorshe mideysan oo lagu wajahayo Soomaaliya kadib muddo kororsigii ay sameeyeen baarlamanka iyo Farmaajo.


Wasiirka UK ee Africa James Duddridge ayaa sheegay inay aad uga niyad jabeen go’aanka uu Golaha Shacabka baarlamanka Soomaaliya uu muddo kordhin laba sano ah ugu sameeyey Farmaaajo iyo baarlaamankaba.
UK oo shaacisay qorshe ay dalalka caalamka wadaan oo ku wajahan DF Soomaaliya

Duddridge ayaa ku qeexay go’aankan mid aan xal u noqon karin is-mari waaga ka taagan hanaanka doorashada, balse uu waxyeeleynayo kalsoonidii hoggaanka Soomaaliya, uuna halis ku yahay nabad-galyada iyo mustaqbalka shacabka Soomaaliyeed.

Waxa uu sheegay inay marar badan ku celiyeen inay kasoo horjeedaan hindise kasta oo hoggaaminaya doorashooyinka is-barabar socda, kuwa hal dhinac ah iyo muddo kordhin lagu sameeyo muddo xileedyadii hore.

"Waxaan ugu baaqeynaa hoggaamiyayaasha Soomaalida inay ka fogaadaan ficillo hal dhinac ah, oo kasii dari kara xiisadda siyaasadeed ama rabshado. Waa muhiim in dhammaan dhinacyada Soomaalida ay deganaan muujiyaan ayna ilaaliyaan nabadda iyo amniga Soomaaliya,” ayuu yiri Duddridge.

"Haddii la waayo heshiis hoggaamin kara doorashooyin loo dhan yahay oo la isku haleyn karo oo la qabto ayada oo aan dib loo sii dhigin, waxaa isbeddeli doona xiriirka ay beesha caalamka la leedahay hoggaanka Soomaaliya,” ayuu yiri Duddridge.

"UK waxay kala shaqyen doontaa saaxiibada caalamka hab si isku mid ah dib loogu qiimeynayo xiriirka aan la leenahay iyo kaalmada aan siino Soomaaliya.”

Duddridge ayaa sheegay in wada-hadallo wax ku ool ah oo dhex mara hoggaamiyayaasha Soomaalida ay xudun u noqon karaan xaqiijinta fulinta heshiiskii 17-ka September ee hanaanka doorasho, heshiiskaas oo ah kan kaliya ee sharci ah ee saldhig looga dhigi karo doorashooyin.

Loading...
Loading...