Ramadaan Kariim

0
Wednesday April 14, 2021 - 08:39:22 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 647
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ramadaan Kariim

    W/Q: Abdiqani Salaf.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Abdiqani Salaf.

Dadkii masaakiinta aha waxa isugu darsamay abaar biyo la,aan iyo xanuuno ee bisha Ramaadaan ilaahay dartii aan isugu naxariisano oo dadkeena baahan aan kaalmayno.



Bisha Ramadaan tobanka cisho ee hore waa raxmad, tobanka dhexena wa danbi dhaaf tobanka u danbeeyaa waa naarta oo laga xoreeyo adoomaha wanaagsan.


Hadaba si intaba Allah inoo siiyo waa inan ku dedaalna waxtarka dadka masaakiinta ah bishani wa bil kharash badan oo khayr badan dadka danyaraha ah iyagoo awalba noloshu ku adkayd ayay hadana culays bishani ku haysa qof soomana haduu wax uu ku affuro wayo isagoo jaarkaaga ah isagoo qaraabadada ah adiguna gurigaaga cuntada soo hadha la daadiyo maalinkasta walaahi aakhiro waa lays waydiinayaa.


Ilaahay swt. wuxu yidhi isu naxariista aan idiin naxariistee waqti adag ayaa jira abaaro aya jira xanuuno aya jira ilaahay inuu ka bad baadiyo ka war hay jaarkaaga cidii baahan u gargaar ilaahay dartii maalin aakhiro ayaad kalidaa u aayi doonta.


Ganacsatada Somaliland bisha Ramadaan maciishada ayay qaali gareeyaan si ay uga faro qabsadaan dadka masaakiinta ah bishan ay ahayd inay dadka muslimiinta ah ilaahay dartii ugu naxariisan lahaayeenoo maceeshada ka jabin lahaayeen way sii qaali gareeyaan taasi waxay ku tusaysaa naxariis la,aanta ganacsatada dalka. Waxan ugu baaqaya wasaarada ganacsigu inay ilgaara ku eegto gudiyo xaqiiqo raadina u dirto goobaha iyo bakhaarada iibiya maciishada daruuriga ah.


Sidoo kale waxaan ugu baaqayaa qurbo joogta waar dadkiinii awalba idinku noola bishan sigaara ugu dedaala gaar ahaan dadka masaakiinta ah een cidna waxba waydiisan iyo reer miyigii oo waqtigu ku adag yahay xaalad abaareed iyo biyo la,aaneed ku jira.


Gunaanadkii, ilaahay waxan ka baryayaa inuu qalbiyada muslimiinta naxariis isu galiyo oo xanuunada inaga dulqaado raxmaadkiisana inoo shubo nabad gelyadana inoo sii adkeeyo ammiiin yarabi.


Allah Mahad leh

Abdiqani Salaf.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...