Farmaajo Oo Degdeg U Saxeexay Sharciga Muddo Kordhinta Ee Baarlamaanku Ansixiyeen

0
Wednesday April 14, 2021 - 07:47:27 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 829
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Farmaajo Oo Degdeg U Saxeexay Sharciga Muddo Kordhinta Ee Baarlamaanku Ansixiyeen

    "Xeerrkan ay Baarlamaanka anxiyeen ayay ka soo horjestay musharixiinta mucaaradka"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Xeerrkan ay Baarlamaanka anxiyeen ayay ka soo horjestay musharixiinta mucaaradka"

Muqdisho (HWN) Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa xalay saxeexay Sharciga Gaarka ah ee Jihaynta Doorashooyinka heer Federaal oo Baarlamaanka Soomaaliya dhawaan ansixiyeen.




Xeerrkan ay Baarlamaanka anxiyeen ayay ka soo horjestay musharixiinta mucaaradka, qaar kamid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka iyo dowladaha taageerada siiya Soomaaliya, kuwaas oo sheegay inay ka fiirsanayaan xidhiidhka ay la leeyihiin Soomaaliya.


todobadkan markii ay Xildhibaannada Golaha Shacabka ansixiyeen Xeerka jiheynta doorashooyinka ayaa waxaa soo dhaweeyay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaana uu uga digay Beesha Caalamka inay faragelin ku sameeyaan Arrimaha Soomaaliya.


Xeerka ay ansixiyeen Golaha Shacabka Madaxweyne Farmaajana uu saxiixay ayaa waxaa kujira qodobo ay kamid yihiin in muddo laba sano gudahood ah in guddiga Madaxa bannaan ee doorashooyinka inay ku qabtaan doorasho qof iyo Cod ah.


Lama oga tallaabada ay qaadi doonaan dowladaha taageerada siiya Soomaaliya maadaama ay sheegeen inay kasoo horjeedaan muddo kordhin, waxaana ay ku hanjabeen inay cunaqabateyn saari doonaan madaxda dowladda Soomaaliya.

Loading...
Loading...