Ciiddanka Booliska Somaliland Oo Gacanta Ku Dhigay 120 Ruux

0
Wednesday April 14, 2021 - 01:28:25 in News by A. Asbaro
  • Visits: 3001
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciiddanka Booliska Somaliland Oo Gacanta Ku Dhigay 120 Ruux

    Taliyaha Ciiddammada Booliska Wajaale Maxamed Saleebaan Gooni, ayaa sheegay in hawlgalkaasi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliyaha Ciiddammada Booliska Wajaale Maxamed Saleebaan Gooni, ayaa sheegay in hawlgalkaasi


Hargeisa(HWN):-Ciiddammadda Booliska ayaa hawlgal lagu sugaayo Amniga ka bilaabay degmada Tog-wajaale, iyada oo baadhitaan ay Ciiddammada ka sameeyeen xaafadaha kala duwan ee magaaladda iyo gaadiidka u kala gudba Somaliland iyo Itoobiya.



Taliyaha Ciiddammada Booliska Wajaale Maxamed Saleebaan Gooni, ayaa sheegay in hawlgalkaasi Ciiddammada Boolisku ku soo qab qabteen ilaa 120 qof kuwaas oo lagu samayn doono baadhitaan cidii denbi lagu helana la horgeyn doono sharciga.

Taliyaha ayaa sheegay in hawlgalkani sii socon doono iyada oo baadhitaankani la xidhiidho Dab, beryihii u danbeeyay ku soo noq noqonaayay magaalada oo ay Guryo farabadani ku gubteen.

Guddoomiyaha Gobolka Gebilay Cabdikariin Aadan Xaaji Diiriye iyo Guddoomiyaha Degmada Wajaale, Cabdiraxmaan Yuusuf, oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in gubashada dabku ay ku soo noqnoqotay magaalada Wajeele baadhitaan xooganna la samayn doono si loo ogado sababta Dabkaasi keenta, waxaanay masuuliyiintani ugu baaqeen bulshada in ay la shaqeeyaan ciidamadda Booliska.

Loading...
Loading...