Kulan Cilmiyeed Uu Soo Agaasimay Midawga Ardayda Soomaaliyeed Oo Suudaan Lagu Qabtay.

0
Tuesday April 13, 2021 - 18:51:32 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1264
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kulan Cilmiyeed Uu Soo Agaasimay Midawga Ardayda Soomaaliyeed Oo Suudaan Lagu Qabtay.

    W/Q: Abubakar Muse Yasin

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Abubakar Muse Yasin

kulan balaaran oo ay soo gabanqaabiyeen, midawga ardayda soomaliyeed ee sudan ayaa lagu qabtay magalada caasimada dalka Sudaan EE khartoum, kulankaan oo ahaa aqoon isweydaarsi la xiriira sharciga iyo qaannuunka ayaa lagu gorfeeyay sida lagu helo bulsho caafimaad qabta iyo siyaabaha lagu kordhin karo garaadka bulshada, iyada oo laga eegayo dhinacyo muhiim ah sida: diinta, sharciga, Dhaqaalaha' iyo qaanuunka.



kulankaan waxaa soo jeediyaal ka ahaa sheikh xusein arab oo si weyn loogu yaqaan faafinta diinta kana mid ah culimada soomaaliyeed ee suudaan kunool


iyo ustaad nuux ibrahim sugaal(cikrima) oo shahaadada 2aad ka diyaarinaya qaanuunka jaamacada INTERNATIONAL UNIVERSITY OF AFRICA.


mowduucaan oo muhiimad gaar ah lahaa dartii waxaa kulanka soo xaadiray arday badan oo daneynaayay inay wax ka kororsadaan soo jeediyaasha kuwaas oo ah arday badankoodbarta cilmiga sharciga iyo qaannuunka. waxaana dhankooda ay qeybtii dambe kubiiriyeen mowduuca aragtiyo iyo afkaar kusaabsan sida ay tahay in bulshada soomaaliyeed loogu jiheeyo mustaqbal wanaagsan.


kulan cilmiyeedkaan oo ah mid taxana ah oo xoogga lagu saaro culuumta kala duwan oo ay ardaydu bartaan islamarkaan faa,ido uleh bulshada soomaaliyeed, ayaa wax weyn kataraya waxna ku kordhinaya garaadka ardayda soomaliyeed guud ahaan.


W/Q: Abubakar Muse Yasin

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...