Saacadaha Soonka Adduunka: Kuwa ugu badan uguna yar

0
Tuesday April 13, 2021 - 15:32:04 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 1076
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saacadaha Soonka Adduunka: Kuwa ugu badan uguna yar

    Dalalka Ustareeliya ,New Zealand, Chile, Koofnur afrika iyo Urugway

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dalalka Ustareeliya ,New Zealand, Chile, Koofnur afrika iyo Urugway




Sannadkan 2021 miilaadiga oo waafaqsan taariikhda Islaamka 1442, soonka mulsimiinta adduunku aad ayuu u kala fog yahay, marka laga eego dalalku siday u kala durugsan yihiin dhinaca cadeed soo baxa iyo cadeed dhaca. Haddii aynu ku horrayno dalalka ugu badan saacadaha ay soomayaan waxa sannadkan hogaaminaya dalka Finland oo laga soomaya 23 saacadood iyo shan miridh. Waxa aan isla saacadahaasi ka fogeyn inta badan dalalka la isku yidhaa Iskandaneefiyaanka, oo ay ku jiraa Norway iyo Sweden.

Dalalka Ustareeliya ,New Zealand, Chile, Koofnur afrika iyo Urugway ayaa ah kuwa ugu yar dhinaca saacadaha soonka oo laga soomayo 11 saacadood iyo miridho. Inta badan dalalka Carabta qaybta hore ee Rabadaanta waxa laga soomayaa 14 saacadood, hasayeeshee qaybta dambe ee Rabadaanta waxa laga soomi doonaa 15 saacadood. Dalalka Carabta dalka saacadaha ugu yar laga soomayaa waa jasiirada Komoros oo laga soomayo 12 saacadood. Dalalka Yurubta galbeed intooda badani waxa ay soomi doonaan inta u dhaxaysa 16 saacadood ilaa 17 saacadood.

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.

Hargaysa, Soomaalilaan

[email protected]



AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...