Siyaasaddu waa Dan waqtigga la socota ''....Axmed Nuur Guruje

0
Tuesday April 13, 2021 - 15:29:03 in Articles by
  • Visits: 1250
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Siyaasaddu waa Dan waqtigga la socota ''....Axmed Nuur Guruje

    Siyaasaddu waa Dan waqtigga la socota ''....Axmed Nuur Guruje

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Siyaasaddu waa Dan waqtigga la socota ''....Axmed Nuur Guruje

1960 Maxamed Ibraahin Cigaal wuxuu ahaa Xoghayaha Guud ee Xisbigii SNL ee ku guulaystay aqlabiyadda Baarlamanka Somaliland sidaa darteed wuxuu noqday Wasiirkii koobaad ee Somaliland Febuary 1960 .
May be an image of 2 people, including Ahmed Nour Guruje and text


Sidoo kale Cabdilaahi Ciise Maxamuud isna wuxuu ahaa Xoghayaha guud ee Xisbigi SYL ee hogaaminayay dawlad hoosaadkii koonfureed .

Markii ay dhacday midnimadii labadii geesood waxaa la isku daray labadii Baarlamaan labadii ee labada qaybood , waxaanay si wada jirra u doorteen Madaxwayne Aadan Cabdile Cismaan isagoo booska ka cidhiidhsaday Cabdilaahi Ciise oo isku waday .

Sidda la wada filan karro Cigaal wuxuu filayay in uu noqdo Raysal wasaare laakiin Madaxwayne Aadan Cadde wuxuu u magacaabay Madaxwayne Cabdirashiid Cali Sharmaarke , Cigaala sidaasuu ku hungoobay .

Cigaal oo baadi goobaya in uu noqdo Raysal wasaare iyo Oday Ismaaciil Jimcaale ayaa ka dib wada furtay Xisbi la odhan jirey SNC kaasoo ay wadeen muddo dheer .

Dhinaca kale doorashadii Baarlamaan ee dhacday 1964 ka dib Aadan Cadde wuxuu raysal wasaare u magacaabay C/risaaq xaaji xuseen , Cabdirashiidna wuu nasiyey sidaas ayaanu cabdi rashiid ku noqday mucaarid .

Hadaba 1966 markii Cigaal mucaarid ahaa 6 sanadood wuxuu gartay in aanu riixi karaynin Syl , sidaa darteed wuxuu dib ugu noqday Xisbgii SYL , waxaanu la hesheeyey C/rashiid Cali sharmaarke in uu noqdo Madaxwayne isna ka dhigo Raysal wasaare .

1967 Doorashaddii Madaxwayne ee dhacday ayuu ku guulaystay Cabdirashiid , ka dibna wuxuu raysal wasaare u magacaabay Cigaal, maalmo ka dib na Cigaal wuxuu kala wareegey C/risaaq xaaji xuseen Raysal wasaare nimadii iyo Xoghaye-nimadii guud ee Xisbigga Syl .

Si kastaba ha ahaatee , asxaabtayda aan siyaasadda ku garaado goyn waxaan odhan lahaa ,adeerayaal siyaasaddu waa dan waqtigga la socota .

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...