ISIRKA IYO FIRKA SOMALIDA

0
Tuesday April 13, 2021 - 11:23:08 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 1311
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    ISIRKA IYO FIRKA SOMALIDA

    Waa Maxay Hidde-side iyo DNA?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waa Maxay Hidde-side iyo DNA?

Asalka iyo halka ay Soomaalidu fir ahaan ka soo jeedaan iyo cidda uu xiriir fireed kala dhexeeyo ummadaha kale ee dunida ku nool, waxa ay in badan ahayeen welina yihiin arrin ay dood dheer ka taagan tahay. Haddii aad dib ugu noqotid daraasaadka cilmiyeedee arrinkaa la xiriira, waxa aad u gu tagaysaa dooddo badan oo qaarkood ay iska soo horjeedaan. Qaybo badan oo Soomaalida kamid ah waxa ay ku andacoodaan infirkoodu Carab yahay. Kuwo kaloo iyana waxaa jira ku doodda in aan isku bah nahay qaar ka mid ah ummaddaha jaarka inna la ah. Wixii ka horreeyay qarniga ​21’​aad ee aan hadda ku jirno, dooddahaas badankoodu waxa ay ka dhici jireen kuna koobnaayeen garoomada kala duwan ee culuunta bulshada. haddaba 2005​-tii bay ahayd markii ugu horraysay ee doodda ku sabaabsan isirka iyo firka Soomaalida la hoosdhigay shaybaarka oo lagu eegay indho saynis. Haddaba, halkan waxaan idin ku gu soo gudbindoonnaa waxyaabihii ka soo baxay mid ka mid ah daraasaadka fireed ee lagu sameeyay dad Soomaali ah.

Daraasadda oo kooban

Dr. Juan J. Sanchez iyo afar cilmi baadhe kale oo saddex ka mid ah ay Dr Juan ka wada hawlgalaan jaamacadda Copenhagen ee waddanka Denmarka, qaybteeda ka shaqeysa in hidda-sidayaasha loo addeegsado qaab aqoonaysan, loogana faa’iideysto baadhis la xidhiidha raadinta firka dadka iyo weliba falalka la xidhiidha khilaafyada sharci iyo dembi(Forensic Genetics). Iyo mid ka hawlgalla Mac-hadka Qaranka Canaris ee ka tirsan Jaamacadda La Lugana, waaxdiisa lagu daraaseeyo saamaynta taban eefalgallada kiimakadaad ku yeellan karan noollayaasha(Toxicology), ee ku yaalla magaalada Tenerife ee waddanka Isbayn. Shantoodu waxay si wada jir ah baadhis aqooneed oo la xidhiidha firka hidda-sidayaasha ku sameeyeen dad ka kooban laba boqol iyo kow (201) qof ​oo Soomaali ah, shan iyo lixdan (​65)​ qof oo asal ahaan kasoo jeedda Galbeedka Afrika, balse ku dhaqmay in ka hoosaysa saxaraha, sagaal iyo konton(​59) ​qof oo Turki ah iyo afar iyo lixdan (​64) ​qof oo Ciraaqiyiin ah oo ku wada nool waddanka Denmark. Waxyaabaha la eeggayey waxay ahayeen laba wax, oo ah caalamadaha shan iyo afartan (45) ​hidde-side, oo kala duwan kana kala yimi labada waalid (biallelic markers) iyo mid si gaar ah u khuseysa Y-chromosomes-ka ragga, weliba iyadoo la isticmaalayo habka STR. Waxaana la gu daabacay joornaalka ‘‘European Journal of Human Genetics’’.

Waa Maxay Hidde-side iyo DNA?

Noollayaashu waxa ay ubadkooda u gudbiyaan firka hidda-sidaha ee ku kaydsan DNA-dooda. DNA, waa walax qaabkeedu u eegyahay sida sawirka kore ka muuqato salaan marmaroora, oo ka kooban saddex qayboood, oo kala ah mulukiyuul sonkor ah, mulukiyuul phosphate ah iyo afar bays kiimikaad(four chemical bases), oo kala ah: adenine (A), guanine (G), cytosine (C), and thymine (T), oo laba laba iskugu xidhan. tusaale ahaan: (A iyo T) iyo (G iyo C), dabar Hydrogen ahina isu hayo. Dhammaan bu’aha unugyada noollaayaashu lee yihiin ayaa laga hella DNA-da. Xogta ku kaydsan DNA-da, waxa loo gudbiya ubadka, iyadoo ilmuhu ka dhaxlayo labadiisa waalid midkasta saddex iyo labataan koromosome (chromosome).

Choromosome-ka, oo ka kooban borotiin la dhaho Histones iyo DNA. Koromosome kasta, waxa uu kasiikoobanyahay hiddo-sidayaal(genes), hidda-sidayaashuna, waa qayb hoosaadka DNA-da, ee xambaarsan furaha (code) hadba borotiinka jidhku u baahanyahaydhismihiisa. Hiddo-wade(gene) kasta, waxa uu ka koobanyahay baysyo(bases) isku xigxiga. Saddexdii kasta, ee bays ee isku xiga waxay koodh u yihiin hal amino acid.

Amino acids-ku waxa weeye tusaale ahaan: haddii gidaarku ka samaysan yahay jaajur, jaajurka borotiinku waa amino acids, halka gidaarkuna yahay borotiinka. DNA-du, waxay ka koobantahay laba qaybood, oo kala ah: hiddo-sidayaal xambaarsan koodhka borotiin samaynta(protien-coding genes) iyo qaybo badan oo kale oo aan sidin koodhka borotiin samaynta(Noncoding DNA), oo loo yaqaano "Junk DNA”. Madaama qaybta DNA-da ah, ee xambaarsan fariimaha borotiin samaynta badanaa dadku ka simanyihiin, waa ay dhici karta in meelaha qaarkood is beddel ka dhaco. Laakiinsaynisyahanadu waxa ay aaminsan yihiin in isbedelka ku dhacaa qaybta DNA-da ee aan xambaarsanayn fariimaha borotiin samaynta(noncoding part) yahay, wax dadku ku kala duwanyihiin. Tusaale ahaan: qaybahani waxay caan ku yihiin soo noqnoqoshada gobollo DNA ah, oo dhererkoodu ku kala duwanyahay shakhsiyaadka dhexdooda,waxaana loo yaqaana, short tandem repeat (STR). Waana halka marka la diraasaynayo isirka iyo firka ummadaha la ga eego hidda-sidayaasha.

Natiijada ka soo baxday Daraasadda

Summadaha hidde-sidayaal ee Soomaalidii ka qaybgashay daraasadda lagu arkay waxa ay noqodeen ​14 ​summadood. Waxaase ugu muhiimsanaa summadda E3b oo lagu arkay 77.6%, K2 oo asna laga helay 10% iyo summaddaha ka la ah J, A3 iyo E3a oo mid walbaa 3% la gu arkay. Marka loo barbardhigay xogta hidde-sidayaal ee hore loo ogaayne, waxaa soo baxday in Soomaalidu yihiin dadka ugu badan ee summadda E3b illaa iyo hadda la ga helay, balse ay jiraan ummado kale oo iyagane la gu arkay summaddaan oo kala ah: Booraanta Kenya degta oo la gu arkay 71.4% iyo ragga Itoobiyaanka oo iyagane lagu arkay 30%. Waxaa kaloo xusid mudan in summad-hooseedyo ka tirsan summadda E3b ee loo yaqaan DYS19-11 iyo DYS392-12 ee Soomaaida (98%) ku badan aanan dunida inteeda kale la gu arag. ​11 ​qof kaliya ayaa illaa hadda la gu arkay wixii dad hidde-sidayaashooda la baaray oo gaaraya 26654 qof. Summadda kale ee K2 iyadane waxaa caan ku aha bulshooyinka Eurasian-ka la dhaho. summadda saddexaad ee ah Eba ee 3% la gu arkay Soomaalida waxaa caan ku ahBantuuga.

Gunaanad

Ugu dambayn daraasaddu waxa ay ku soo gunaanadaysaa in Soomaalidu yihiin qayb ka mid ah bulsha waynta ku dhaqan bariga Afrika, qaraabo dhowna yihiin Oromada Itoobiya degto iyo Booranta waqooyiga Kenya ku dhaqan. Xiriir hidde-side (​15%)​ oo aan sidaa u sii buurnayna ka la dhexeeyo Eurasian-ka Carabtu ka mid tahay iyo in ayaad u ga sii fogtahay Afrikada kale ee koofurta iyo galbeedka ku dhaqan.

Mohamed Gønzalez



AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...