Iiraan oo wacad ku martay 'inay ka aargoosan doonto weerrarkii Israa'iil' ku qaadday barteeda nukliyeerka

0
Tuesday April 13, 2021 - 10:16:36 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1112
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Iiraan oo wacad ku martay 'inay ka aargoosan doonto weerrarkii Israa'iil' ku qaadday barteeda nukliyeerka

    Waxay sheegeen in tani ay geysatay waxyeelo ka baaxad weyn tii ay Iran sheegtay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxay sheegeen in tani ay geysatay waxyeelo ka baaxad weyn tii ay Iran sheegtay.



Wasiirka arrimaha dibadda ee Iiraan ayaa sheegay in dalkiisa "uu ka aargudan doono" weerrar lagu soo qaaday xarun dhulka hoostiisa ku taal oo nukliyeerka lagu farsameeyo, arrintaas oo uu ku eedeeyay Israa'iil.

 

Saraakiisha Iiraan ayaa sheegay in xarunta lagu kobciyo uranium-ka ee Natanz ay bartilmaameed u aheyd "argagixiso nukliyeer" oo dhacday Axaddii, kaddib markii la soo tabiyay in korantadii ay tagtay.

 

Waxaa halkaas laga howlgaliyay qalab cusub oo lagu kobcinayo uranium-ta.

 

Israa'iil ayaanan weli wax war ah umuurtaasi ka soo saarin, hasayeeshee warbaahin ayaa waxa ay soo xigatay ila wareedyo sirdoon oo sheegaya in howlgalka ay u filyeen waaxda internetka ee sirdoonka Israa'iil ee Mossad.

Waxay sheegeen in tani ay geysatay waxyeelo ka baaxad weyn tii ay Iran sheegtay.

 

Saraakiisha sirdoonka Mareykanka ayaa u sheegay New York Times in qaraxa weyn uu gebi ahaanba baabi'iyay nidaamkii awoodda gudaha ee madaxa-bannaanaa ee keenayay tamarta ay gabi ahaanba burbureen. Waxay ku qiyaaseen inay qaadan karto ugu yaraan sagaal bilood si dib loogu bilaabo kobcinta halkaas.

Wakaalada Iran ee Nour News, oo gacansaar la leh Golaha Sare ee Amniga Qaranka, ayaa dhanka kale soo xigatay ilo ka tirsan wasaaradda sirdoonka iyadoo sheegtay in "dambiilaha ugu weyn" ee ka dambeeya carqaladeynta nidaamka korontada la aqoonsaday sidaa darteedna la qaadayo tallaabooyin lagama maarmaan ah si loo soo xiro qofkan".

 

Israa'iil ayaa dhowaanahan sare u qaadday digniinta ay ka bixinayso barnaamijka nukliyeerka Iran iyada oo ay socdaan dadaallo dib loogu soo nooleynayo heshiiskii nukliyeerka ee 2015-kii oo uu gaashanka u daruuray madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump.

 

Joe Biden oo xilka kala wareegay Trump, wuxuu sheegay inuu doonayo inuu ku laabto heshiiskii taariikhiga ahaa. Laakiin Iran iyo shanta quwadood ee kale ee adduunka ayaa wali ka mid ah heshiiskaasi - Shiinaha, Faransiiska, Jarmalka, Ruushka iyo Boqortooyada Ingiriiska - waxay u baahan yihiin inay raadiyaan waddo uu uga qaado cunaqabateynta Mareykanka iyo in Iran ay ku laabato xadka lagu heshiiyay ee ku saabsan barnaamijkeeda nukliyeerka.

 

Saraakiisha Mareykanka iyo Iiraan waxay si dadban uga hadlayaan inay isku dayaan inay jabaan ismariwaaga.

Shalay ayey aheyd markii ay soo shaacbaxday in xarun nukliyeer oo ku taal waddanka Iiran ay gebi ahaanba hakad gashay maalin un kaddib markii xariga laga jaray sida uu sheegay sarkaalka arrimaha nukliyeerka ugu sareeya ee dalkaasi.

 

Cali Akbar ma uusan sheegin cidda ay ku eedeynayaan "weerarka argigixiso'' ee sababay in maalintii Axadda ay danto quwadda tamarta ee xarunta nukliyeerka ee Natanz ee Magaalada Tehran.

Warbaahinta maxalliga ee Israa'iil ayaa soo xigatay ilo wareedyo sirdoon oo sheegay in xarunta nukliyeerka ay dantay kaddib markii Israa'iil ay geeysatay weerar dhanka Internetka.

 

Illaa iyo hadda Israa'iil si toos ah ugama aanay hadlin dhacdadaasi.

 

Maalmihii ugu dambeeyay Is'raail waxay ka digaysay barnaamijka nukliyeerka ee Iiraan.

 

Dhacdadan ayaa ku soo aadaysa iyadoo ay socdaan dedaalo diblumaasiyadeed oo lagu doonayo in dib loogu soo celiyo heshiiskii nukliyeerka ee Mareykanku uu ka baxay xilligii xukuumaddii Madaxweyne Donald Trump ee sanadkii 2018ka ay haatan dib u bilowdeen.

 

Maxay Iiraan sameysay?

Iiran ayaa jabisay xayiraadihii lagu soo rogay dhaqdhaqaaqyadeeda atoomiga ah ee sanadkii 2015-kii arrintaan oo jawaab u ah heshiiska uu ka baxay Madaxweynihi hore ee Mareykanka Donald Trump ee sanadkii 2018kii.

 

Labada dal ee Iiran iyo Mareykanka ayaa ku kala aragti duwanaadey wadahadaladii Vienna ee Usbuucaan ee la isugu dayayay in heshiiskii 2015-kii labada dhinac ay u hogaansamaan balse wax heshiis ah ma aysan gaarin oo waxaa dib loo ballamay usbuuca soo socda.

Madaxweynaha Iiran ayaa sheegay in tallaabada Iiran ay qaadday ee ay sare ugu qaadayso tayadeeda uranium-ka ay tahay mid nabdoon.

 

"Waxaan mar kale cadeynayaa in howlaheena nukliyeerka ay yihiin kuwo nabad ku dhisan islamarkaana aysan ahayn kuwo ujeedooyin milateri laga leeyahay, sida uu marar badan caddeeyay hogaamiyaha ruuxiga ee Iiraan, marka la eego Islaamka iyo fahamkiisa, in la raadiyo hub wax gumaada ma aha wax ay Iiraan sameynayso, waxaan arki karnaa marka aad booqato Hiroshima and Nagasaki saameynta iyo halista tallaabadii khaladka ahayd ee ay Mareykanku ka qaadeen Japan''.

 

Wufuud ka socota Midowga Yurub iyo Ruushka ayaa sheegay in usbuucii ugu horreeyay ee doodaha ay ahaayeen kuwo wax ku ool ah. Laakiin Washington iyo Tehran waxay isku khilaafeen in laga baaran dago cunaqabateynta saaran Iiraan kuwo la qaadi karo iyo kuwo kale balse ay ku xirantahay oo keli ah hadii Iiraan ay u hogaansanaato heshiiskii nukliyeerka.

 

Farriin uu u diray xubnaha wadahadallada nukliyeerka ayaa Madaxweyne Ruuxasni waxaa uu ku sheegay in dalkiisa uu u hogaansami doono heshiiska balse la doonayo in kooxaha kale ay balamahooda fuliyaan.

 

"Heshiiskeenna waxa uu ahaa in aan qeyb ka noqono heshiiskan, taasi oo ah in aan la soo saarin, islamarkana idinka aad na siisaan qalabka aan u baahannahay, hay'adda shaqadeeda ma aha oo kali ah in ay wax kormeerto waxay leedahay shaqooyin kale, mid ka mid ah shaqooyiiinkeeda ayaa ah inay wax taageerto, ma jirto si aad u caawiseen Iiraan? Waa tan waxa aan hay'adda ka doonayno waa tan waxa aan ka doonayno dalalka warshadaha ku horumaray, waana tan waxa aan caalamka ka doonayno''.

Iiraan ayaa hadda haysata in ka badan toban jeer xaddiga macdanta uranium-ka ee loogu oggolaa heshiiskii caalamiga ahaa, sida ay sheegtay hay'ada Qaramada Midoobay u qaabilsan la socoshada nukliyeerka.

 

Wakaaladda Caalamiga ah ee Tamarta Atoomigga (IAEA) ayaa sheegtay in keydka uranium-ka ee Iiraan kororkiisu uu gaadhay 2,105kg (4,640lb) - oo aad uga sarreeya 300kg oo ahaa intii lagu heshiiyay 2015.

 

Iiraan ayaa had iyo goor sheegta in ay xaq u leedahay in ay hesho tamarta nukliyeerka, waxaanay ku nuuxnuuxsataa in barnaamijkeeda nukliyeerku yahay mid nabadgelyo oo keli ah.

 

Arrintan ayaa timid kadib markii Iiraan ay fursad u siisay kormeerayaasha IAEA inay galaan mid ka mid ah laba goobood oo looga shakisan yahay inay horey uga kaydiyaan tamarta nukliyeerka.

bbc/somali


Loading...
Loading...