Senate-ka Mareykanka oo ka horyimid muddo kororsiga hay'adaha DF Soomaaliya

0
Tuesday April 13, 2021 - 10:04:30 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1431
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Senate-ka Mareykanka oo ka horyimid muddo kororsiga hay'adaha DF Soomaaliya

    "Doorashada waqtigeeda lagu qabto waxey muhiim u tahay demoquraadiyad caafimaad leh

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Doorashada waqtigeeda lagu qabto waxey muhiim u tahay demoquraadiyad caafimaad leh




Madaxa Xiriirka Arrimaha Dibadda ee Aqalka Senate-ka ee dalka Mareykanka Senator Bob Menendez ayaa ka hor yimid Go’aankii shalay Xildhibaanada Golaha Shacabka ay muddo kordhinta ugu sameeyeen hay’addaha Dowladda ee waqtigoodu dhammaaday.

 

Senator Bob Menendez oo Qoraal soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa waxaa uu ku sheegay in tallaabada muddo kordhnta labada sanno lagu sameeyay ay tahay mid ka hor imaaneysa dimquraadiyadda.

 

Madaxa Xiriirka Arrimaha Dibadda ee Aqalka Senate-ka ee dalka Mareykanka ayaa sharci darro ku tilmaamay Go’aanka Xildhibaanada, isagoo xusay in arrintaas ay Soomaaliya u horseedi karto xasilooni darro.

"Doorashada waqtigeeda lagu qabto waxey muhiim u tahay demoquraadiyad caafimaad leh. In la naqshadeesto mudo kordhin waxey ka hor imaaneysaa dimquraadiyadda, waxeyna Soomaalia u horseedi kartaa xasilooni darro” ayuu yiri Bob Menendez.

 

Sidoo kale Madaxa Xiriirka Arrimaha Dibadda ee Aqalka Senate-ka ee Mareykanka ayaa Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada ugu baaqay inay heshiis wadajir ah ka gaaraan khilaafka ka taagan doorashada Soomaaliya ka dhaceysa.

 

"Saamileydda waa in ay gaaraan heshiis is oggol ah. Iskudayadda lagu baalmarayo wadda hadalada waa in si degdeg ah loo joojiyaa” ayuu sii raacsiiyay Qoraalkiisa Senator Bob Menendez oo ka hadlaayay muddo kordhintii ay sameeyeen Golaha Shacabka.

 

Beesha Caalamka ayaa sidoo kale la filayaa in ay kahor timaado mudo kororsiga dadban ay shalay sameeyeen Xildhibaanada Golaha Shacabka, waxaana Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha ay Beesha Caalamka ugu baaqeen tallaabo adeg inay qaadan.


Loading...
Loading...