Puntland iyo Jubaland Oo ka hadlay Muddo Korarsiga Madaxweyne Farmaajo

0
Tuesday April 13, 2021 - 07:39:59 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1616
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Puntland iyo Jubaland Oo ka hadlay Muddo Korarsiga Madaxweyne Farmaajo

    Puntland iyo Jubaland Oo ka hadlay Muddo Korarsiga Madaxweyne Farmaajo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Puntland iyo Jubaland Oo ka hadlay Muddo Korarsiga Madaxweyne Farmaajo

Muqdisho:-Qoraallo kooban oo kasoo kala baxay dowlad goboleedyada Jubbaland iyo Puntland ayaa looga fal-celiyey go’aankii muddo kororsiga ahaa ee Xildhibaannada golaha Shacabku ay u sameeyeen Hay'addaha dawladda.


Ugu horeyn qoraal lagu daabacay twitterka madaxtooyada Jubbaland ayaa lagu sheegay in tallaabadii uu maanta qaatay baarlamanka mudo xileedkiisu dhamaaday ay dib u celineyso dhismaha dowladnimada Soomaaliya.
Puntland iyo Jubaland oo qoraallo kooban kasoo saaray muddo kororsiga

"Dowlada Jubaland waxay cadaynaysaa wixii maanta ka dhacay Golaha Shacabka ee muddo xileedkiisu dhamaaday inaysan wax sharci ah ku dhisnayn. Arrinkan wuxuu dib u celinayaa hannaanka geeddi socodka dib u dhiska dowladnimada dalka,” ayaa lagu yiri qoraalka Jubaland.

Sidoo kale wasiirka arrimaha gudaha maamulka Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa bartiisa twitterka ku soo qoray in Puntland ay aad uga xuntahay tallaabadii ay maanta qaadeen xildhibaanada golaha shacabka, taas oo uu ku tilmaamay sharci darro.

"Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed waxay ka xuntahay tillaabadii sharci darrada ahayd ee Aqal hoose ee Baarlamaanka muddo xileedkiisu dhammaaday maantay qaaday. Dowladda Puntland dib ayey Ummadda Soomaaliyeed kala soo wadaageysaa mowqifkeeda ku aadan dhacdadii maantay,” ayuu yiri wasiir Dhabancad.

Madaxda labadaan maamul goboleed ayaa isku mowqif ka ah xiisadda siyaasadeed ee dalka, halka madaxda waqtigu ka dhamaaday ee dowladda federaalka iyo madaxda maamullada kale ay is xulufeysteen.

Xildhibaanada golaha shacabka ayaa maanta ansixiyey sharci uu hor keenay guddoomiye Mursal, kaas oo horseedaya laba sano oo mudo kororsi ah, kadibna la aadayo doorasho qof iyo cod ah oo uu qabanayo guddigii doorashooyinka ee Xaliimo Yarey ay hoggaamineysay.

Loading...
Loading...