"Marnaba ma socon doono muddo kororsiga beenta ah, arrintan wadahadal uunbay ku dhamaaneysaa"

0
Tuesday April 13, 2021 - 07:28:00 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1169
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Marnaba ma socon doono muddo kororsiga beenta ah, arrintan wadahadal uunbay ku dhamaaneysaa"

    "Marnaba ma socon doono muddo kororsiga beenta ah, arrintan wadahadal uunbay ku dhamaaneysaa"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Marnaba ma socon doono muddo kororsiga beenta ah, arrintan wadahadal uunbay ku dhamaaneysaa"

Muqdisho(HWN):-Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka federalka Soomaaliya ayaa u codeeyay in dalka uu aado doorasho qof iyo cod ah taasoo muddo labo sano gudahood ah lagu qabto.


Guddoomiye Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa kadib markii qaar ka mid ah xildhibaanada ka hadleen mooshinka la horkeenay ayuu cod geliyay waxana uu sheegay in muddo 7-bil ah oo ka bilaabaneysay 1-da November 2020 Ku siman 8-da Febaraayo 2021 xubnaha heshiiska 17-kii September 2020 galay ay dayaceen fursad lagu hirgelin karay Doorashooyinka sida uu hadalka u dhigay.

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo dhaweeyey Sharciga Gaarka ah ee Golaha Shacabka Federaalka Soomaaliya ay ka soo saareen jiheynta doorashooyinka heer Federaal, kaddib markii sida uu sheegay qaar ka mid ah Dowlad Goboleedyadu ay curyaamiyeen Heshiiskii 17-ka Sebteembar ee Doorashooyinka dalka oo 26-kii Sebteembar 2020 uu ansixiyey Baarlamaanka Soomaaliya.
.

Go'aankan ayaa waxaa jira xildhibaano taageersan iyo kuwa ka soo horjeeda oo sharci darro u arka oo ku doodaya in xilidhibaanada uu waqtooga dhammaaday.

Xildhibaanada ka soo horjeeda waxaa ka mid ah xildhibaan Odowaa oo sheegay in xildhibaanada "waqtigooda dhammaaday ay qaadeen tallaabo muddo xilieedka loogu kordhinayo hay'adaha dowladda, taasi oo uu ku timaamay inay tahay ayaan darro weyn iyadoo Soomaaliya ay xaalad adag ku jirta.

"Soomaaliya waxaa lagu heshiiyay in afar sano kasta ay doorasho ka dhacdo dalka marka tan waxay muujinaysaa inay tahay tallaabo uu qaaday madaxweynaha mudoo xileedkiisa dhamaaday oo ku fashilmay in doorasho heshiis lagu yahay dalka ka qabto."
Xildhibaan Odowaa

"Waxaa ayaan darro ah inuu Farmaajo ka saxdo baarlamaanka mudoo kororsi laba sannadood ah ay guddoonka baarlamaankana ka qabalaan marka waa kherul caadi ah oo khilaafsan dastuurka iyo daruufaha uu dalka ku jiro."

"Afar sano oo la soo dhaafay waxay qaban waayeen madaxweyne farmaajo iyo xukuumadda uma maleeynayo in laba sano ay ku qabanayaan marka ima muuqato sabab muddo kordhin loo sameeyo marka waxaad iska mooddaa inay tahay anigaa iska iri."

"Aniga iyo xildhibaanada saaxibaday ah waan iska diidnay inaan u codeeyno, halka xildhibaano kale oo badanna albaabada si sharci darro ah looga xirtay oo ciidan ayaa la hordhigay."

"Anaga markasta waxaan u taaganahay inaan dadka ka wacyi gelino waxaan inay khalad yihiin u sheegno marwalbana arrintan waxay ku dhammaaneysaa in la wada arrinsado ee muddo kororsiga beenta ah ma soconayo."

Dhinaca kale xildhibaanada taageeray go'aanka golaha shacabka waxaa kamid ah xildhibaan Ibraahim Issaq Yarow oo sheegay in go'aanka baarlamaanka ee maanta uu ku saleysnaa qodobka 47-aad ee dastuurka.

"Arrimaha doorashooyinka way cakirmeen ka dib markii sidii baarlamaanka u ansixiyay loo meelmarin waayay oo madaxdii loo xilsaaray ay ku meelmarin waayeen heshiiskii 17-kii Sebteemar xilliigii loogu talagalay oo muddo dheer ay ku qaadatay ayna muuqato in haatan aan rajo laga qabin inay xal ka gaari karaan marka baarlamaanka waxa uu wakiil ka yahay cakirnaanta taagan haatan in laga baxo, awoodana shacabka loo celiyo oo dastuurka la waafajiyo."
Xildhibaan Isaaq Yarow

"Waxa uu ahaa sharci gaar ah oo la waafajiyay jahaynta doorashada heer federaal waxaana uu guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka u ogolaanayaa in maandeedkoodii ahaa in doorashada ay iyaga maamulaan farogelin la'aan."

"Baarlamaanka waa uu dulqaatay oo waxa uu sugayay arrimaha doorashada sebteembar ilaa maanta oo ah muddo ku siman 7 bilood marka baarlamaaka ma sugu karo waxaan meel u socon marka baarlamaanka maata waxa uu qaaday tallaabo looga baahnaa mugdigina meesha waa laga saaray."
Loading...
Loading...