Guddida Beelaha Bariga Burco Oo Ku Eedeysay Madaxweyne Muuse Biixi Inuu Bartilmaameed Ka Dhigtay Ganacsigoodii Iyo Birmageydada Beeshooda

0
Monday April 12, 2021 - 11:52:07 in News by
  • Visits: 1089
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddida Beelaha Bariga Burco Oo Ku Eedeysay Madaxweyne Muuse Biixi Inuu Bartilmaameed Ka Dhigtay Ganacsigoodii Iyo Birmageydada Beeshooda

    Guddida Beelaha Bariga Burco Oo Ku Eedeysay Madaxweyne Muuse Biixi Inuu Bartilmaameed Ka Dhigtay Ganacsigoodii Iyo Birmageydada Beeshooda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddida Beelaha Bariga Burco Oo Ku Eedeysay Madaxweyne Muuse Biixi Inuu Bartilmaameed Ka Dhigtay Ganacsigoodii Iyo Birmageydada Beeshooda


Hargeysa(HWN):-Guddida Guud ee Beelaha Bariga Burco, ayaa ku eedeeyey Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi in tan iyo markii uu xilka la wareegay talada dalka inuu si gaar ah Bartilmaameed uga dhigtay, dagaalna uu ku qaaday Shirkaddo Ganacsiga ee ay leeyihiin Ganacsatada ka soo jeeda Beeshaas, Shaqaale laga eryey shaqooyinkii ay dawladda ka hayeen iyo Xadhigga Xubno ay sheegeen in ay Beeshooda ka soo jeedaan oo uu ka mid yahay Mujaahid Doolaal.




Xubanaha Guddida Beelaha Bariga Burco oo shir Jaraa’id oo ku qabtay Magaalada Burco, ayaa sheegay in dul qaadkii ka dhamaaday oo aanay u dul qaadan doonin beegsiga lagu hayo ganacsigooda iyo birmageydadooda.


Guddoomiyaha Guddida Beelaha Bariga Burco Cabdi Salaad oo bayaan ka akhriyey shirkaasi jaraa’id, ayaa waxa uu si adag u cambaareeyey xadhigga Mujaahid Doolaal, waxaanu yidhi, isaga oo arrimahaas ka hadlaya "Tan iyo intii uu xilka la wareegay Madaxweyne Muuse Biixi, waxa uu beegsanayey oo uu ugaadhsanayey dhammaan wixii khuseeya beelaha Habar jeclo, haddii aan ka bilaabo markii uu xilka la wareegay Madaxweyne Muuse Biixi waxa uu si badheedha ah shaqadii uga eryey shaqaale Hay’addaha Dawlada u shaqaynayey, Dawladda Muuse Biixi waxa ay sifo sharci darro ah kula wareegtay oo uu ka mid yahay Huteelka Hargeysa Club oo muwaadin ka soo jeeda Beeshu sifo sharci ah lagu siiyey inuu maal gashado, dawladdu waxa ay si sharci darro ah u joojisay Laba diyaaraddood oo ay Wakiillo ka ahaayeen Ganacsato Beesha Habar jecelo ah, halkaas oo ay ku shaqo waayeen dad badan, waxay dawladdu la wareegtay Haamihii Shidaalka, oo sifo sharci ah ugu kiraysnaa ganacsato Beesha ah, Dawladdu waxa ay dhibaato joogto ah u haysaa Ganacsatada Beesha, ha ugu sii badnaadaan Wershadlayduye.”


Guddoomiye Cabdi Salaad oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi "Maanta waxa wax lala yaabo ah, in Birmageydadii iyo Mujaahidiintii dalkan iyo dadkan dhiigooda u soo huray in loo maleego shirqoollo aan la fahmayn, isla markaana Jeelaha Hargeysa ay niman isku reer ahi kolba mid geynayaan. Waxaanu sheegaynaa Mujaahid Dolaal, waa nin birmageydo ah oo xanuunsanaya, oo shirqool loo maleegay, oo rag isku reer ahi kolba Jeel geynayaan, markaa aanu leenahay haddii dawladdu sidaasi dan mooday wax ay ka hesho waxba ayey naga siin.”


Loading...
Loading...