Siyaasi Jaamac Shabeel Oo Saddexda Xisbi Qaran Ku Tilmaamay Shandado Saddex Nin Sitaan Lana Gaadhay Wakhtigii La Is Dhaafin Lahaa!

0
Monday April 12, 2021 - 11:46:14 in News by
  • Visits: 802
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siyaasi Jaamac Shabeel Oo Saddexda Xisbi Qaran Ku Tilmaamay Shandado Saddex Nin Sitaan Lana Gaadhay Wakhtigii La Is Dhaafin Lahaa!

    Siyaasi Jaamac Shabeel Oo Saddexda Xisbi Qaran Ku Tilmaamay Shandado Saddex Nin Sitaan Lana Gaadhay Wakhtigii La Is Dhaafin Lahaa!

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Siyaasi Jaamac Shabeel Oo Saddexda Xisbi Qaran Ku Tilmaamay Shandado Saddex Nin Sitaan Lana Gaadhay Wakhtigii La Is Dhaafin Lahaa!


Hargeysa(HWN):-Siyaasi Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac Shabeel) oo ka mid ah siyaasiyiinta madaxa bannaan kadib markii muddo hore bannaanka laga dhigay xisbigii uu ka mid ahaa ee KULMIYE ayaa waxa uu si weyn u soo dhaweeyey xeerka ururrada iyo axsaabta qaranka ee ay Golaha wakiilladu wax ka baddalka iyo kaabista ku sameeyeen oo uu sheegay in uu meesha ka saarayo nidaamkii ururradu u soo baxayeen oo uu sheegay in uu qabyaalad ku fadhiyay halka uu sidoo kale aad u dhaliilay xisbiyada wakhtigan ee saddexda ah oo uu ku tilmaamay saddex shanadood oo saddex nin gacanta ku sitaan oo aan haba yaraatee wax shuruuc ah iyo nidaam toona ah ku dhisnayn ama dhexdooda lagaga dhaqmin.

Boqor Buur Madow Waan Ku Tageersanahay Shirka uu Ku Baaqey”Jaamac Shabeel | Mandheera News


Siyaasi Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac Shabeel) waxa uu dhallinyarada ugu baaqay in ay ka faa’iidaystaan fursadda xeerkani siinayo oo meesha laga saaro saddexda xisbi qaran ee wakhtigan isaga oo ugu baaqay dhinaca kalena in ay dadku hadhaw marka ay xisbiyada dooranayaan ku qiimeeyaan dadka hogaammada u ah.


Siyaasi Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac Shabeel) oo shalay Telefishanka Goob-joog kula hadlay magaalada Hargeysa waxa uu yidhi: "Maaha macquul in la yidhaa saddex xisbi oo kali ah ayaa dalka ka jiraya. Saddex xisbi oo ah saddex shandadood oo saddex nin kala sitaan. Waynu ognahay xisbiyada imika jiraa wax sharciyad ah oo ay ku dhaqmaan ma jirto. Waxaan maqlayay qaar lahaa waxa loo gudbay oo la faro galiyay xeerarkii xisbiyada. Waa kuma xisbiga ku dhaqma xeer u yaallaa. Ma jiro dalkeena xisbi ku dhaqma xeer u yaallaa dhexdiisa. Waynu wada ognahay ee umadda yaan been loo sheegin. Saddexduba khaarajal qaanuun ayay ku shaqeeyaan. Xisbiyadan saddexda ahi waxa ay caqabad ku yihiin dhallinyaradii u soo bixi lahayd hogaaminta dalka. Waddankeenu maanta waxa uu horumar ku gaadhi karaa oo caqabaddan jirta kaga bixi karaa marka ay dadka da’da yari soo galaan hogaaminta iyo talada dalkooda (Leadership). Agaasimayaal baa loo magacaabay iyo waxaasi macno ma samayso. Agaasimayaal baa qaar laga dhigay waxaasi wax macno samaynaya maaha. Waa in ay dhallinyaradu hogaaminta dalka timaaddaa. Xisbiyada wakhtigan jira liisankiiba waa ka dhacayaa ay haysteen tobanka sano waxa uu ka dhacayaa February haddii Alle yidhaa. Dhiig cusub baa loo baahan yahay dhiig cusub”.


Dhinaca kale Jaamac Shabeel waxa uu sheegay in aanu qabin fikradda ah in dawladda iyo xisbigeeda KULMIYE doonayaan in ay labada xisbi ee kale meesha ka saarto isaga oo sheegay in aanay awood u lahayn arrintaasi ee ay tahay wax ku xidhan shacabka oo dooran doona xisbiga uu doono. Isaga oo arrintaa ka hadlaya waxa uu yidhi Jaamac Shabeel sidan:


"Ma aha wax Muuse ku xidhan. Xisbiyadan haddii ay shacabku diidaan way iska tagayaan haddii ay doortaanna way joogayaan ma aha wax cid gaar ah ku xidhan waa wax ku xidhan doonista shacabka. Ma aha wax ku xidhan xisbiga KULMIYE. Mar haddii la yidhi doorasho toos ah ayay ku soo baxayaa way ka wanaagsan tahay qaabkii hore ee ahaa ururro ayay ku soo baxayaan. Waynu soo aragnay qaabkaasi waaka qabyaaladda toosiya ee waliba tartanka xun galiya qabyaaladda. Marka ururrada laga hadlayay lamaba arkayn dadka hogaanka u soo taagan. Waxa la arkayay xildhibaan yar oo reerkiina ah oo loo codaynayay. Tani ayaa ka wanaagsan imika. Waayo tan waxa loo codayn doonaa dadka u taagan hogaanka xisbiga la dooranayo. Kuwaasi ayay dadku kala dooran doonaan” ayuu yidhi Siyaasi Jaamac Ismaaciil Ciga (Jaamac Shabeel) oo hore uga tirsanaan jiray xisbul muxaafidka KULMIYE ahaana guddoomiyihiii golaha dhexe ee xisbigaasi.

 


Loading...
Loading...