Cuqaal, Wax-Garad, Haween Iyo Dhallinyaro Si Adag Uga Hadlay Xadhiga Musharrax Buurane Oo Xabsiga La Dhigay Iyo Farriimo Ay U Direen Madaxweyne Muuse Biixi

0
Monday April 12, 2021 - 11:25:59 in News by
  • Visits: 806
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cuqaal, Wax-Garad, Haween Iyo Dhallinyaro Si Adag Uga Hadlay Xadhiga Musharrax Buurane Oo Xabsiga La Dhigay Iyo Farriimo Ay U Direen Madaxweyne Muuse Biixi

    Cuqaal, Wax-Garad, Haween Iyo Dhallinyaro Si Adag Uga Hadlay Xadhiga Musharrax Buurane Oo Xabsiga La Dhigay Iyo Farriimo Ay U Direen Madaxweyne Muuse Biixi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cuqaal, Wax-Garad, Haween Iyo Dhallinyaro Si Adag Uga Hadlay Xadhiga Musharrax Buurane Oo Xabsiga La Dhigay Iyo Farriimo Ay U Direen Madaxweyne Muuse Biixi


Hargeysa(HWN):-Musharrax Sheekh Ibraahim Cabdi Xuseen ( Buurane) oo kamid ahaa Musharraxiinta Golaha Wakiillada Somaliland oo ka sharraxnaa Xisbiga UCID ayaa ay ciidamada Booliisku xabsiga u taxabeen maalintii jimcihii,waxaana xadhigiisa ka hadlay Madax-dhaqameedka, wax-garadka iyo haween iyo dhallinyarada Beeshiisa, kuwaas oo war-baahinta kula hadlay xarunta Guud ee Xisbiga UCID ee Magaalada Hargeysa.




Musharrax Ibraahin Cabdi Xuseen ayaa waxa xadhigiisa ka hadlay Cuqaal –wax-garad, Haween iyo Dhalinyaro,kasoo jeeda Beeshiisa,waxaanay ku tilmaameen mid xaq darro ah, iyagoo Madaxweynaha ugu baaqay in Xorriyaddiisa dib loogu soo celiyo Musharraxaa,maddaama aanu jirin wax debi ah oo uu galay.


Odayaashan ayaa sheegay in 65 oday iyaga oo ka kooban ay Madaxweyne Biixi kullan hore ula yeesheen uu u sheegay inay beeshu Musharraxooda ay u madax-bannaan yihiin Xisbiga ay geynayaan,balse arrintan hadda dhacday aanay ka filayn ee ay tahay mid uu Madaxweynuhu ka daba yimi, waxaanay ugu baaqeen Madaxweyne Biixi inuu xorriyaddiisa u soo celiyo Musharraxaa.


Haddaladoodii ayaa u dhignaa sidan:-"Ummadda reer Somaliland waxaanu u sheegaynaa inuu naga xidhan yahay Sheekh Ibraahin Cabdi Xuseen oo jimcihii la xidhay iyadoo Hay’ad shaqaynaysaa aanay jirin, ninkaas oo wax denbi ah oo waddanka uu ka galayna aanay jirin, waxaanu codsanaynaa in xorriyadiisi loo soo celiyo, xaq darro ayaa lagu xidhay, wuxuu galay Xisbi Qaran oo sharci ah, Koomishanka ayey waraaqihiisu yaalaan, wax allaaliyo wax denbi ah oo lagu haysto waanu garan weynay, Muwaadin kastaa xaq ayuu u leeyahay in la doorto isna wuu wax doorto, waana in la raaco distoorka iyo dimuqraadiyadda nin waliba Xisbiga uu doonno ayuu geli karraa, cid cid u xidhani ma jirto, waxaanu leenahay xaq daro ayuu ku xidhanyay Musharrax Ibraahin Cabdi Xuseen,.”ayey yidhaahdeen.


Waxaanay ay intaas ku sii dareen" Waxaan leeyahay Madaxweyne 65 nin ayaanu kuugu nimi ,waxaad nagu tidhi ma haysto musharraxiinna waan idiin daayey, waxaanu kaa codsanaynaa in aad soo dayso Musharrax Sheekh Ibraahin oo xorriyadiisii loo soo celiyo.”


Geesta kale waxay sheegeen in isagoo xidhan ay codka siinayaan,isla markaana ay bar-bar taagan yihiin Musharraxooda "Shalay waxa uu ahaa kaabaynarkaagii annaga ayuu nagu kaa khasbayey, marka uu maanta han yeeshay, hanka uu Muuse yeeshay oo kale ee uu salaanka cagta saaray inuu Muuse yidhaa uma qalantid mana geydid suurtagal maaha, waxa aanu u dul-qaadan doono oo aanu ka yeelayno maaha, isaga oo xidhan oo halkaa ku jira ayaanu u codaynaynaa, isago oo xidhan ayuu Xildhibaan noo yahay, dadkiisii wuu diiwaangeliyey muruq iyo maalba wuu ku bixiyey kaadh qaadashadiina wuu dhammays tiray,wax ka dhiman ma jiro,tageerayaashiisuna kuma niyad jabayaan xadhigiisa isaga oo xidhan ayey u codaynayaan, halkaa aad geysay iyo halkaa uu ku jiro ayuu musharrax noogu yahay oo aan ku dooranaynaa.” ayey sheegeen.


Gunaanadkii waxay sheegeen in Ibraahin Cabdi Xuseen uu ahaa Kaabaynarkii Madaxeweyne Biixi doorashadii Madaxtooyadda,isla markaana aanu wax dambi ah lahayn shalay, balse markii uu Xisbiga UCID galay" Waxaanu leenahay Madaxweyne noo sii daa Xildhibaankayaga, Musharraxayagu ma markii uu Xisbiga UCID tegay ayuu dembiile noqday, markii uu kaanbaynkaaga ka shaqaynayey muxuu dembiile u noqon waayey, qofka xisbiyadda Mucaaradka ah tagaa ma dayrkii Makka ayuu gubay,Madaxweyne faraha ka qaad oo soo daa Musharrax Sheekh ibraahin Cabdi Xuseen danbiilena ma ahayn, Maxkamad-na wax uma ool, Hay’addaha amaankana lagama haysan markii uu adiga kaanbaynarka kuu ahaa, laakiin uu cududiisii iyo beeshiisii iyo degaankiisii iyo tageerayashiisii uu Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID galay, ayuu dambiile ka noqday xagaaga.”ayey yidhaah-deen


Loading...
Loading...