Hoggaamiyaha WADDANI Oo Ka Hadlay Sarkaal Milletariga Ka Tirsan Oo Maxkamadi Xukuntay

0
Sunday April 11, 2021 - 19:28:24 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1200
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hoggaamiyaha WADDANI Oo Ka Hadlay Sarkaal Milletariga Ka Tirsan Oo Maxkamadi Xukuntay

    Hoggaamiyaha WADDANI Oo Ka Hadlay Sarkaal Milletariga Ka Tirsan Oo Maxkamadi Xukuntay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hoggaamiyaha WADDANI Oo Ka Hadlay Sarkaal Milletariga Ka Tirsan Oo Maxkamadi Xukuntay

Hargeisa(HWN):-Hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa ka hadlay Xadhigga iyo Xaaladda Caafimaad ee Jaamac Maxamuud Aadan (Doolaal) oo ahaa Sarkaal ka tirsan Milletariga Somaliland, kaasi oo Maanta Maxkamadda Ciidammada Qalabka sidaa ku ridday Xukun laba sanadood ah, iyadoo lagu eedeeyay inuu xidhiidh la sameeyay dad ku sugan Soomaaliya.
HOGAAMIYE XIRSI : JEEGAANTII WAXAANU KU BEDELNAY

Hoggaamiyaha WADDANI oo khudbad ka jeediyey Munaasibad Hargeysa lagu qabtay, ayaa sheegay in si ujeeddaysan Xukuumaddu u bartilmaameedsanayso qaar ka mid ah Musharraxiinta Xisbiyada Mucaaradka ah ee u taagan doorashoyinka Wakiillada iyo deegaannada ee Somaliland, kuwaasi oo qaarkood la xidh-xidhay, kuwo kalena si aan sharci ahayn loogu daba-jiro.

"Waxaan cod dheer uga hadlayaa Janaraal Doolaal, oo ahaa Mujaahid soo halgamay oo xidhan oo Looyarradii ay leeyihiin nidaamkii saxda ahaa lama marin. Anigu ma lihi qofku danbi ma geli karro, qofkasta danbi waa loo qaban karraa, laakiin-se qofka ilaa Maxkamaddi ku caddayso laguma tilmaami karro inuu yahay danbiile.

Ninkaas waxa naloo sheegay innuu Xanuusannaayo oo uu liito, iyaddoo ay sidaas tahay haddana aan Maxkamad la marin, waxaannu leenahay duruuftiisa caafimaad ha laga war hayo, Caddaaladna hala mariyo, oo ha laga daayo sidan tahriibta ah iyo waxyaalaha la malmaluuqaayo ee aan hagaagsanayn ee naloo sheego. Ninkaasi hadduu danbi leeyahay u dooddi mayno, Aniga, Isaga iyo Madaxweynaha iyo dhammaanteenba sharcigaa inna sarreeya, qofkasta oo danbi gala waxaannu leenahay ha lagu caddeeyo, laakiin dariiqa loo marraayo iyo shaqsiyaddiisa, xitaa hadduu danbiile noqdo ilaalinta karraamaddiisa iyo Caafimaadkiisu waa waajib." Ayuu yidhi Hoggaamiyaha Xisbiga WADDANI

Loading...
Loading...