Trump oo sameeyey Ballan-qaad la Xidhiidha Doorashada 2022

0
Sunday April 11, 2021 - 16:16:40 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1071
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Trump oo sameeyey Ballan-qaad la Xidhiidha Doorashada 2022

    Kulan casho ah oo uu deeq-bixiyayaasha Jamhuuriga kula yeeshay hotelkiisa Mar-a-Lago Club

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulan casho ah oo uu deeq-bixiyayaasha Jamhuuriga kula yeeshay hotelkiisa Mar-a-Lago Club

Hargeisa(HWN):-Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa wacad ku maray inuu gacan ka gaysan doono in Jamhuuriga ay ku guuleystaan maamulka Congress-ka ee doorashada 2022.
Trump: The key to Republican success is more Trumpism | CTV News


Kulan casho ah oo uu deeq-bixiyayaasha Jamhuuriga kula yeeshay hotelkiisa Mar-a-Lago Club ee magaalada Palm Beach ee gobolka Florida, ayuu Trump ku muujiyey inuu yahay hoggaamiyaha Jamhuuriga, wuxuuna ka hadlay mustaqbalka xisbiga iyo waxa ay tahay inay sameeyaan si ay guul u gaaraan musharaxiintooda.

"Waxaan fiidnimadan taaganahay hortiina, aniga aad ugu kalsoon in 2022 aan dib ula wareegi doono Aqalka Wakiilada iyo Senate-ka, islamarkaana kadib, 2024 uu musharax Jamhuuri ah ku guuleysan doono Aqalka Cad,” ayuu yiri Trump, sida uu qof ka qeyb galay kulanka u sheegay Reuters.
Waxa uu sidoo kale sheegay in ka-hadal kasta oo ku saabsan qorshihiisa ay tahay in la sugo kadib doorashooyinka November 2022. Dastuurka ayaa u ogolaanay Trump inuu mar kale isku sharxo madaxweyne.

Hase yeeshee isla kulankaas ayaa Trump ku weeraray hoggaamiyaha aqalliyadda senate-ka Mitch McConnel iyo madaxweyne ku-xigeenkii hore Mike Pence, oo labaduba ah Jamhuuri.

Trump ayaa muujiyey inuu weli ka niyad jabsan yahay in McConnel iyo Pence aysan garab istagain kadib markii uu diiday natiijada doorashadii madaxweyne ee looga adkaaday.

Trump ayaa weli rumeysan in doorashada laga xaday, inkasta oo uusan haysan wax caddeymo ah oo taas muujinaya.
Reuters/VOA-Somali

Loading...
Loading...