Beesha Caalamka oo farriin u dirtay Madaxda Soomaalida

0
Sunday April 11, 2021 - 11:46:02 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1300
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Beesha Caalamka oo farriin u dirtay Madaxda Soomaalida

    Hargeisa(HWN):-Bayaan ay si wadajir ah ay u soo saareen Qaramada Midoobay, Midowga Africa,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeisa(HWN):-Bayaan ay si wadajir ah ay u soo saareen Qaramada Midoobay, Midowga Africa,



Hargeisa(HWN):-Bayaan ay si wadajir ah ay u soo saareen Qaramada Midoobay, Midowga Africa, Midowga Yurub iyo Urur Goboleedka IGAD ayaa madaxda dowladda Federalka iyo kuwa maamul goboleedyada loogu baaqay inay si deg deg ah ugu soo noqdaan wadahadallada xal u heilsta is-mariwaaga doorashada Soomaaliya.



War-murtiyeedkan ayaa lagu sheegay inaysan taageeri doonin hannaan doorasho oo is bar-baryaac ah, muddo kororsi iyo qorshe kasta oo dhaawici kara amniga, nabadda iyo xassiloonida Soomaaliya.

"Waxaan ugu baaqeynaa hoggaamiyeyaasha siyaasadda Soomaaliya inay sii anba qaadaan horumarka laga sameeyay dowlad-dhisidda, siyaasadda loo dhanyahay, doorashooyinka, si nabad ah xukun iskugu wareejinta, gaar ahaanna ay maanta gaarsiiyaan isbadalka muhiimka u ah umadda Soomaaliyeed ee doorasho ku dhacda si nabad, xor, caddaalad iyo kalsooni leh" ayaa lagu yiri qoraalkan oo ay sida wada jirka ah uga soo baxay Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, Midowga Africa iyo IGAD.

Waxay sheegeen inay ka walaacsanyihiin is-mariwaaga siyaasadda iyo dib u dhaca doorashooyinka, waxayna ugu yeereen labada dhinaca ee dowladda Federalka iyo Maamul Goboleedyada inay heshiis ka gaaraan is-mariwaagan, laguna saleynayo heshiiskii 17-kii September, dib u eegisna lagu sameynayo talo bixintii guddigii farsamada ee ku shiray Baydhabo February 16, 2021.

War-murtiyeedkan ayaa soo baxay kaddib shir fogaan arag ah oo ay yeesheen Xoghayaha IGAD Dr. Workneh Gebeyehu, wakiilka Midowga Africa ee arrimaha Siyaasadda, nabadda iyo amniga Bankole Adeoye, agaasimaha midowga Yurub ee Africa Rita Laranjinha iyo Rosemary DiCarlo oo ah kaaliya arrimaha siyaasadda iyo nabadeynta ee xoghayaha guud ee Qarmada Midoobay.

Loading...
Loading...