Qareenkii Saddam Hussein iyo Slobodan Milosevic oo geeriyooday

0
Sunday April 11, 2021 - 10:51:44 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1112
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qareenkii Saddam Hussein iyo Slobodan Milosevic oo geeriyooday

    Qareenkii Saddam Hussein iyo Slobodan Milosevic oo geeriyooday

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qareenkii Saddam Hussein iyo Slobodan Milosevic oo geeriyooday

Muqdisho:-Xeer-ilaaliyihii guud ee hore ee Mareykanka Ramsey Clark, ahaana qareenkii Madaxweyneyaashii Iraq iyo Yugoslavia ee Saddam Hussien iyo Slobodan Milosevic ayaa ku geeriyooday magaaladda New York ee gobolka New York ee wadanka Mareykanka.

Intii Clark uu ka tirsanaa waaxda caddaaladda Mareykanka, gaar ahaan xilligii madaxweyne Johnson wuxuu kormeere ka noqday sharcigii xuquuqda codbixinta ee 1965, kii xuquuqda madaniga ah ee dadweynaha Mareykanka ee sanadkii 1968, isagoo sidoo kale ka soo horjeestay ciqaabta dilka ah.
Ramsey Clark


Markii uu ka tagay shaqada dowladda Mareykanka wuxuu Clark talooyin sharci siiyay madaxweyneyaal caan ahaa, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Saddam Hussien, Slobodan Milosevic, hoggaamiyihii Libya Kolonel Muammar Gaddafi iyo madaxweynihii Liberia Charles Taylor, wuxuuna Clark aad uga soo horjeestay siyaasadda gaashaan-dhigga iyo arrimaha dibadda Mareykanka.

Inkasta oo difaacista hoggaamiyeyaashaas uu kala kulmay dhaleeceyn adag, haddana maadaama loo arkayay shakhsi ay qadariyaan wadamadda qaar, ahna u dhaq-dhaqaaqe xuquuda aadanaha ayaa madaxweyne Jimmy Carter wuxuu sanadkii 1979 Clark ka codsaday inuu Iran kala xaajoodo siideynta 53 qof oo Mareykan ah oo Tehran ay qabsatay, hase yeeshee qorshahaas kuma guuleysan madaxweyne Carter.

Clark, wuxuu ahaa shakhsigii ugu dambeeyayay ee ka noolaa xukuumaddii madaxweyne Lyndon Johnson.
Xigasho:-VOA


Loading...
Loading...