Nooc cusub oo tallaalka Covid 19 ah oo maanta soo gaadhaaya magaalada Muqdisho

0
Sunday April 11, 2021 - 10:42:37 in News by A. Asbaro
  • Visits: 867
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nooc cusub oo tallaalka Covid 19 ah oo maanta soo gaadhaaya magaalada Muqdisho

    Nooc cusub oo tallaalka Covid 19 ah oo maanta soo gaadhaaya magaalada Muqdisho

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Nooc cusub oo tallaalka Covid 19 ah oo maanta soo gaadhaaya magaalada Muqdisho


Hargeisa(HWN):-Sida lagu shaaciyay warbaahinta dowladda maanta oo Axad ah ayaa lagu wadaa in dowladda China ay dalka soo gaarsiiso 200.000 oo ah nooc cusub oo tallaalka Covid 19.



Keenista noocan cusub ee tallaalka oo lagu magacaabo Sinopharm Vaccine ayaa waxaa horay uga heshiiyay dowladdaha Soomaaliya iyo China.

Danjiraha Soomaaliya u jooga dalka China Cawaale Cali Kulane ayaa la saxiixday dowladda dalkaas heshiis tallaalka looga hortago cudurka Covid 19 shirkadda Sinopharm ee dalka Shiinaha lagu keenayo Soomaaliya.

Danjiraha ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay in talaalkan ay dowladda Shiinaha ay dalkeena ugu deeqdo si Bulshada Soomaaliyeed ee uu dhibaatada ku hayo Cudurka Cornavirus uga hortagaan.

Tallaalkan oo galinka danbe ee maanta la filayo in uu dalka soo gaaro ayaa imanaya xili uu horey dalka u soo gaaray tallaalka Astrazenica oo ay qaateen dad badan oo Soomaaliyeed.


Loading...
Loading...