Rai'sul wasaaraha UK oo aan ka qeyb gali doonin aaska amiir Philip

0
Sunday April 11, 2021 - 09:05:14 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1298
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Rai'sul wasaaraha UK oo aan ka qeyb gali doonin aaska amiir Philip

    Waxaa la shaaciyay in Amiirka la aasi doono Sabtida soo socota, 17 April. Amiir Philip ayaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa la shaaciyay in Amiirka la aasi doono Sabtida soo socota, 17 April. Amiir Philip ayaa


Dadka ayaa ubaxyo dhigaya goobta tacsida

"si inta suurtagalka ah ay xubno badan oo qoyska ka mid ah uga qeyb galaan xilli ay jiraan xannibaadaha feyriska Corona " ayaa lagu yiri war qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska rai'sul wasaaraha.

 

Aaska amiirka ayaa lagu wadaa in uu dhaco sabtida soo socota.

 

30 qof oo kali ah ayaa lagu wadaa in ay ka qeyb galaan aaska loo sameynayo amiir Philip oo jimcihii geeriyooday.

Dadka ka qeyb galaya ayaa waxaa ay isugu jiraan caruurtiisa, caruurta uu awowga u yahay iyo xubnaha kale ee qoyskiisa.

 

Dad waynaha dalka Britain ayaa laga codsaday in aysan ka qeyb galin aaska amiirka.

 

Amiir Philip ayaa waxay da'diisu ahay markii uu dhimanayay 99 sano jir

Sidee ayuu u dhici doonaa aaska?

Waxaa la shaaciyay in Amiirka la aasi doono Sabtida soo socota, 17 April. Amiir Philip ayaa la sheegay inuu codsaday in loo sameeyo munaasabad yar, dadkuna ma awoodi doonaan inay daawadaan naxashkiisa, waxaana lagu aasi doonaa Windsor Castle.

 

Maamus sharafeed ayaa loo sameeyay saddexdii qof ee ugu dambeysay ee Qoyska Boqortooyada ka tirsanaa, oo ay ku jirtay Hooyada Boqoradda sanadkii 2002, markaas oo 200,000 oo qof ay muddo ka badan saddex maalmood saf ugu jireen inay xushmad u muujiyaan.

 

Diana, Amiiradda Wales ayaa sidoo kale loo sameeyay munaasabad taas la mid ahayd.

 

Balse College of Arms, oo gacan ka geysata qabanqaabada munaasabadaha dalka, ayaa sheegtay in qorshaha munaasabadda duugta ay u dhici doonto sida uu doonayay Amiirka.

 

Calanka u gaarka ah Amiirka, ayaa la filayaa in laga taago munaasabadaha.

 

Calanka wuxuu muujiyaa waxyaabo noloshiisa ku saabsan, raadkii uu ku lahaa Giriigga iyo waxyaabihii uu ka soo qabtay Britain.

 

Sidee ayay dadku xushmaddooda u muujin karaan?

Xayiraadaha Coronavirus ee diidaya in dad badan ay isku yimaadaan gudaha England ayaa waxay ka dhigan yihiin in qorshooyinkii in muddo ahba uga degsanaa maalmaha ka horreeya duugta wax laga beddeli doono.

 

Bulshada ayaa laga codsaday inaysan isku dayin ka qeyb galka munaasabadaha duugta, sababo la xiriira talooyinka caafimaadka.

 

Qoyska Boqortooyada ayaa sidoo ka codsaday dadweynaha inaysan ubaxyo dhigin bannaanka dhismaha aqalka Boqortooyada.

Barta Internet-ka ee Qoyska Boqortooyada, xubno ka tirsan dadweynaha ayaa laga codsaday inay sadaqo siiyaan hay'ad gargaar beddelkii ay ubaxyo ku maamuusi lahaayeen Amiirka.

 

Boor lagu soo bandhigay bannaanka Aqalka Buckingham, oo lagu shaacinayay geerida Amiirka, ayaa markii dambe laga qaaday, iyadoo laga cabsi qabo inuu soo jiito dad fara badan. Si kastaba, dadka ayaa ubaxyo, kaarar iyo qoraallo maamuus ah dhigayay bannaanka aqalka oo ku yaalla Windsor Castle, inkastoo laga codsaday inaysan sidaas sameyn.



bbc/somali

 

Loading...
Loading...