Xukuumada Madaxweyne Muuse Oo Boodhadh Ay Ka Taagtay Shaaricyada Hargeysa Ugu Jawaabtay Proff Samatar

0
Monday May 06, 2019 - 22:41:39 in News by
  • Visits: 13208
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumada Madaxweyne Muuse Oo Boodhadh Ay Ka Taagtay Shaaricyada Hargeysa Ugu Jawaabtay Proff Samatar

    Xukuumada Madaxweyne Muuse Oo Boodhadh Ay Ka Taagtay Shaaricyada Hargeysa Ugu Jawaabtay Proff Samatar

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukuumada Madaxweyne Muuse Oo Boodhadh Ay Ka Taagtay Shaaricyada Hargeysa Ugu Jawaabtay Proff Samatar

Hargeysa(HWN):-Xukuumada somaliland ayaa boodhadh ay ka taagtay shaaricyada magaalada Hargeysa kaga jawaabtay hadal ka soo baxay Proff Axmed Ismaaciil Samatar.


Professor Axmed Ismaaciil Samatar, ayaa dhawaan Hargeysa ka sheegay in xoghayihii guud ee Qaramada Midoobay Mr. Kofi Annan, aanu aqoon u lahayn Somaliland islamarkaana aanu haynin warbixino ku saabsan Somaliland, kaas oo xukuumadu kaga halcelisay jawaab ay ku soo xaradhay boodhadh laga taagay qaybo ka mid ah caasimada.

Image may contain: 1 person, text


Hadalka ka soo baxay Proff Axmed Ismaaciil Samatar ayaa u dhignaa sidan "Inyar hadaan idiinku daro nin ahaan jiray xoghayaha Qaramada Midoobay oo Afrikaan ah oo magaciisa la odhan jiray Kofi Annan, jaamacada aan joogo ayuu arday ka ahaan jiray oo uu ka soo baxay 1959, markii danbena waxa uu noqday boodhka jaamacada ninkii ugu magaca weynaa ee boodhkaas ku jira aniga iyo isaguna waxaanu noqonay labada Afrikaanka ah ee la garanaayo ee jaamcada joogay kolkaas waanu isku soo dhawaanay oo waanu sheekaysan jirnay sanadkii inaga tagay hadda ayuu yimi jaamacada isaga oo markaas sideetan jir ah, waanu ka hadlay, kolkay xafladii dhamaatay ayuu yidhi inagu gooni ayaynu Afrika uga sheekaysanaynaa ee aynu is raacno gurigaygaan geeyay, markaas waxa uu igu yidhi haye Samatar Somaliya ka waran arimuhu baryahan halkay marayaan, waxaan ku idhi ma waxaad sheegaysaa Somaliyadii hore mise Somaliyada imika wadan kale ayaa jira oo la yidhaahdo Somaliland, yaa Somaliland ayaa jirta, sideebay u dhacday taasi waxiibaan yara micneeyay, markaasu igu yidhi kuwii Ingiriiska xornimada ka qaatay 1960 sow maaha sheekadooda halkeebaan ka akhristaa ayuu igu yidhi iyo waxay Somaliya uga baxeen iyo waxaas oo dhan, waan waayay, wax yar oo meelahaas lagu qorqoray oo qaarkood aad loo naax naaxiyay oo marka farta la saaro ee la cadaadiyo jabaaya. Kofi Annan waxaan siiyo waan waayay. Somaliya in aan la dhayalsan oo dadka aduunka ee markhaatiga inoo noqonaayana in aan la dhayalsan waa dad inaga Cilmi Badan Oo Inaga Xarfad Badan.”


Hadalka Proff Samatar ayaa u muuqda mid ay dhibsatay xukuumadu kaas oo keenay in jawaab la siinayo lagu xardho sawir ay ka wada muuqdaan xogyahii qaramada midoobay ee Koffi Anan iyo madaxweynihii 2aad ee somaliland Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal, isla markaana la soo raaciyey hal ku dhag si dadban loogu sheegayo Proff Samatar inuu taariikhda barto.

Loading...
Loading...