Shirweynaha Shanaad Ee Ururka Qareenada Somaliland....W/Q Jibriil Jirde
Shirweynaha Shanaad Ee Ururka Qareenada Somaliland....W/Q Jibriil Jirde
Asalkaba, ururada qareenada waxa loo unkaa si kor loogu qaado xirfada qareenada, loona ilaaliyo ku dhaqanka sharciga xirfad ahaan, lana dhawro anshaxa iyo in la dhiirrigeliyo bulshada adeegga u soo raadsanaysa qareenada.
Ururka qareenada Somaliland (SOLLA), waxa la aasaasay 2004tii iyada oo laga duulayo isla ujeedooyinkaas. Waa qaangaadh 17 jirsaday, oo qiimayn, eed iyo ammaanba ay tahay in wax laga yidhaa. Waa qaangaadh aan u gudanin metaladdii iyo xilkii saarnaa sidii la rabay. Waase wax maanta la sixi karo.
Ururka qareenada Somaliland (SOLLA), waxa looga fadhiyay; in uu waxbarasho joogto ah siiyo qareenada, in uu adeegyo sharciyeed ( Pro Bono), siiyo dadka aan awoodin, in bulshada lala sameeyo wada shaqayn iyo fursad lagula fadhiisto isla markaana la siiyo wacyigelin dhanka sharciga ah iyo in la ilaaliyo sumcadda iyo xasaanadda qareenadda. Midhka ugu muhiimsanina, waa in ururku uu yahay, barta horumarinta xirfad-yaqaan xoog leh, madax-bannaan, oo wax-ku-ool ah, isla markaana ururka qareenadu uu sal u yahay horumarinta dimuqraadiyadda iyo xuquuqda aadanaha, ilaalinta isku xukunka sharciga iyo muwaaddiniintu inay helaan xuquuqdooda. Dhammaan waajibaadkanina waa kuwa aan ururku ugu turjumin sidii saxda ahayd, dhaliilahooduna dul hoganayaan.
Waxa ugu fudud ee aad ku ogaan karto in doorkii ururku meesha ka maqan yahay ayaa ah, in maanta qofka qareenka ah Somaliland aannu wax badan dhaamin macmiilkiisa (Client), xorriyadu ka maqan tahay ee xidhan ama si uun u raadinaya xaq ka maqan. Waxa ugu dambeeyay in qareenno dacwad u gudbinayay macmiilkooda sifo sharciga ka baxsan loo xidhay. Waxa aanay iska noqotay wax caadi ah ruqsad laalista qareenka, xadhiga qareenka, ku tacadiga qareenka iyo in uu noqday guud ahaan wax aan qiima lahayn ba. Waana tan ka lifaysa xirfad beddelashada qareenada qaarkood iyo ka tagista shaqada halkii laga dugsan lahaa dulmiga iyo liidashada.
Maanta se dhaliila waxa igala qumman in laga wada hadlo, lagana dedaalo sidii dib boodhka looga jafi lahaa ururka. Bar bilawgeeduna waa in doorashada hoggaanka ee hadda taagan si miyir qabta oo ka caagan caadifad, kooxaysi iyo qabyaalad lagu doorto hoggaan arrimaha furdaamin kara. Waliba xubnaha ururkuna aanay ku daawan ee ay hiil iyo hooba la garab istaagaan.
Haatan iyo dan, waxa aan kula talin lahaa dhammaan xubnaha codka dhiiban doona, in aanay qabiil iyo kooxaysi wax ku dooran ee ay u meel dayaan codkooda, isla markaana doortaan qof u qalma aqoon ahaan iyo karti ahaan ba oo ay ka go’an tahay dib u dhisidda ururka, u diyaar ah isku wadida xubnaha ururka, soo celinta sharfta ururka iyo qareenada ba. Isla markaan u tafaxaydanaya in uu ururka kor u qaado sumcad ahaan iyo dhisma ahaanba si uu u qaato doorkiisa ilaalinta xuquuqda, horumarinta dimuqraadiyadda iyo guud ahaan waajibaadka kaga beegan dawladnimada.
Ugu dambayn waxa aan ula talin lahaa hoggaanka imika ee ay ugu horreeyaan Garyaqaan Jamaal Hussein Mandeela iyo Garyaqan Maxamed Maxamud Timo in talo, toosin iyo tilmaanba siiyaan kuwa xilka qaban doona si ay uga badbaadaan caqabadihii ay la kulmeen. Waxa aannan uga mahadcelinaya halka ay maanta soo gaadhsiiyeen ururka.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...