Tirada Wadamada Afrika Ee La Gaadhsiiyey Talaalka Cudurka Covid-19 Iyo Mid Kastaaba Xadiga Uu Helay
Qaar ka mid ah wadamada qaarada Afrika ayaa si rasmi ah u helay qaybo ka mid ah talaalka cudurka Covid-19.
Kenya ayaa noqotay dalkii sadexaad ee ka tirsan wadamada bariga Afrika oo la soo gaadhsiiyo talaalka cudurka Covid-19 ka dib markii dhawaan la soo gaadhsiiyey 500,000(Shan boqol oo kun) oo ah talaalka Tallaalka Oxford-AstraZeneca.
Xadiga talaalkan la gaadhsiiyey dalka Kenya ayaa si gaar ah muhiimada loo siin doonaa inay qaataan hawl wadeenada caafimaad ee safka hore kaga jira la dagaalanka cudurka,macalimiinta, saraakiisha ciidanka booliska iyo dadka waa weyn.
Wasiirka arimaha dibada dalka jamhuuriyada dimuqraadiga Kongo Eteni Longondo ayaa sheegay in wadankiisu uu helay talaal gaadhaya 1.7 milyan oo ah Oxford-AstraZeneca.
Dalka DR Congo waxay rajaynayaan inay helaan xadi talaal oo gaadhay 6.9 kaas oo la bixin doono ilaa dhamaadka bisha may ee sanadkan.
Sidoo kale wadanka Angola ayaa helay 624,000(Lix boqol iyo afaryo labaatan kun) halka Gambia ay heshay 36,000(lixyo sodonkun) oo ah talaalka cudurka Covid-19.
Sidoo kale xukuumada Itoobiya ayaa shaacisay inay maanta helayso talaal gaadhay2.2 kaas oo ay hay’adda caafimaadka aduunku soo gaadhsiinayso.
Wadamadan Afrika ayaa helay talaalka Covid-19 ka dib markii ay hay’adda caafimaadka aduunka ee WHO ay fulinayso qorshaheeda COVAX oo ah qorshe khafiif ah oo loogu tala galay in dalalka caalamka si loo siman yahay loo gaadhsiiyo talaalka xanuunka Covid-19.