Maxamuud Cabdi Shide Danjire,Siyaasi, Daljire iyo Waddani Aan Dib Loo helayn. Q2aad.

0
Sunday March 07, 2021 - 09:07:32 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1113
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxamuud Cabdi Shide Danjire,Siyaasi, Daljire iyo Waddani Aan Dib Loo helayn. Q2aad.

    Qore: Cabdi Muhumed.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qore: Cabdi Muhumed.

Siyaasi:

Waa markan marka si balaadhan uu magaciisu u faafayaa waana hirdankii SNM iyo xukuumaddii Maxamed Siyaad Barre, qarniggii tagay badhtamihii siddeetanaadkiisa, iyadoo xilligaa lagu hirdamayay gobaladdii Waqooyi ee hore (Somaliland) maanta iyo siddii loo soo dhicin lahaa gobanimaddii Somaliland ee ay lumiyeen 32 kii Xildhibaan ee Somaliland laga doortay marka laga reebo kii 33aad oo ahaa Michael Maryamo Cali oo ahaa Xildhibaankii ku taliyay inuu inala sii joogo xukunkii boqortooyadda Great Britain oo aynu ka barano qaabka dawladnimadda loo maamulo, ilayn ninankaa Taliyaani ka kacayo ee aynu doonayno inaynu bilaa shuruud gobanimaddeena farta ka saarnaa waxay haystaan 10 sanno oo is maamul hoose ah. Waana 10 kii sanno ee markii danbe inagu dileen ee ay inagaga adkaadeen, waana halka aan mar walba uga qiro Michael Maryamo Cali inuu ahaa Siyaasi aragti fog oo waliba ku darsaday sharci yaqaanimo (Lawyer). Taladiisii la diidayna waa la eeday, isaga iyo Garaad Cali oo isna talo taa la mid ah bixiyay oo aan dhag jalaq loo siin. Waxaase laga dheefay laga soo bilaabo 1960 kii ilaa 1991kii taasi oo ahayd 30 sanno oo halaag ah.

 

 

Aan ku soo laabto Maxamuud iyo kaalinta uu ku lahaa halgankaa aan kor ku soo xusay waxa uu kaga qayb galay filim duubid uu jiidda hore ee dagaaladda ay foodda isku dareen SNM iyo xukuumaddii Siyaad Barre. Waxaanu noqday mid dhiiran oo soo duuba dagaaladdii faraha badnaa ee labadaa ciiddan ku dhex maray goobbo kala gadisan oo aan waxba la isku hanbayn si garab waliba guusha u hantiyo. Waxa caan noqotay in la yidhaa ma haysaa cajaladii dagaal hebel iyo dagaal hebel ee uu soo duubay Maxamuud Cabdi Shidde. 

Muqaaladaas oo aad waadax u ahaa sida loogana bogan karayay wixii dhacay. Goob goobahaas dagaalka ka mid ahna ay ku kulmeen si kedis ah Muuse Biixi Cabdi ( Shaani) iyo Maxamuud Cabdi Shidde,  kaasi oo inta uu ka firka naxay Maxamuud oo aanu meesha ka filayn maadama oo uu ahaa nin ladan oo hantiile ah oo aanay u badnayn  inuu iman doono goobbahan dagaalka. Halkaas oo wadahadalkii dhexmaray ay ka mid ahayd suaalsha Muuse ee uu waydiiyay waxa uu halkan ka soo doonay Maxamuud Cabdi Shidde? Taasi oo Maxamuudna kaga falceliyay in uu soo dagaal tagay oo uu wax ka soo dhicin doono Gobaad oo hore ay u lumiyeen 32 Muddane wakiilo ee Somaliland 1dii July 1960, taasi oo Muusena waa Muuse Shaaniye uu kaga fal celiyay in uu u baahan yahay in qori la siiyo hase ahaatee Maxamuud Cabdi Shidde waxa uu si fudud ugu sheegay, inuu sito mid ka tiiro dheer kaa uu Muuse Shaani ka hadlayo. Hadalkiisaas oo markii danbe dhaboobay markii aqalka sare ee odayaasha  (Senator House) ee Maraykanka lagu daawaday cajaladihii uu duubay Maxamuud Cabdi Shidde oo aasaas u noqoatay in mucaawimaddii lagaga joojiyo Siyaad Barre iyo xukuumadiisii ka dib markii xukuumaddii Ronald Reagan ay garowsatay falalkii uu Siyaad Barre kula kacay Shacabkii ku noolaa magaalooyinka Hargaysa, Burco, Berbera iyo guud ahaan goboladdii Waqooyi ee hore. Miyaanu haddaba Maxamuud Cabdi Shidde  ka siyaasisanayn.

 

Muuse Biixi Cabdi (Shaani) oo maanta inoogu magacaaban madaxwayne qaran isagoo gees uu u la kaco garan la’ qaranimaddii halkaa adag lagu soo guryo hooyay. Allaylehe waa uu ka siyaasisanaa kana aragti dheeraa isaga waa Muuse Shaani iyo kuwo kale oo badan.  Maxamuud Cabdi Shidde waxa uu lahaa (influence) saamayn uu wax ku badali karo, waxaana astaantaa yeesha qofka siyaasigga ah, waana ta ugu yar in la soo helo qof Somaliland u dhashay oo leh hibbo uu ku dhacsiin karo ama ku badali karo dad go’aan leh oo go’aankoodaasina saamayn milatari iyo mid siyaasadeedba yeelan karo, waana uu xaqiijiyay oo 100 Senator oo Aqalka duqaydda ee Maraykan ayaa uu ku badlay muuqaaladdii uu soo duubay oo tustay xaqiiqdii meesha taalay, beenisayna wararkii beenta ahaa ee Siyaad barre ku shubayay caalamka isagoo adeegsanaysa awooddii dawladeed oo dhan. Haddana waxaa taa beeniyay muuqaaladdii iyo kamaraddii Maxamuud Cabdi Shidde ee ka tiiro dheeraatay qorrigii Muuse Biix Cabdi oo isku arkayay inuu ahaa geesi balaayo ka dhacday, laakiin Maxamuud Eebbe qabrigga ha u nuuree in halkaasna ku dhaliyay goolkii uu ku hantay hibbaddii iyo awooddii uu Eebbe u siiyay si isbedel loo dhalin karo.

Qormooyin danbena waxaan ku lafo guri doonaa haddii Hal-abuurnimaddiisii ganacsi iyo kaalintii uu ku lahaa Somaliland hadii Eebe ogolaado.

 

Qore: Cabdi Muhumed.

[email protected]

 

 


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...