Xildhibaan Doonayay Inuu Ka Qayb Galo Aaska Hooyadii Oo Isagii Geeriyooday

0
Sunday March 07, 2021 - 08:28:00 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2340
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaan Doonayay Inuu Ka Qayb Galo Aaska Hooyadii Oo Isagii Geeriyooday

    "Xildhibaanka ayaa ku sii jeeday degmada Badhan oo ay ku geeriyootay hooyadii"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Xildhibaanka ayaa ku sii jeeday degmada Badhan oo ay ku geeriyootay hooyadii"

Xildhibaan Cali Axmed Salaad (Cali Dhahar) oo ka tirsan Baarlamanka Puntland ayaa  u geeriyooday dhaawac culus oo ka soo gaaray shil gaari oo uu ku galay degaan ka tirsan Gobolka Sanaag.




Cali Dhahar ayaa Hooyadiis maanta geeriyootey, waxaana uu doonaayey in uu ka gaaro aaskeeda, laakiin shilkan waxa uu sababey in isaga iyo Hooyadiis isla maalin geeriyoodaan, tan oo ah geeri aad u naxdin badan.


Xildhibaanka ayaa ku sii jeeday degmada Badhan oo ay ku geeriyootay hooyadii marxuumad Raxma Ciise.

Xidhibaanka ayaa shilkaas ku galay degaanka Midigale oo qiyaastii 40KM u jira degmada Badhan ee Gobolka Sanaag sida laga soo xigtay Qoyskiisa iyo xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka Puntland.


Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni ayaa ka tacsiyeeyey Geerida Marxuum Xildhibaan Cali Axmed Dhahar iyo Hooyadiis Marxuumad Raxmo Ciise Rabaadin.


Xildhibaanka waxaa markii hore soo gaarey dhaawac aad u culus, waxaana uu geeriyoodey saacado yar kadib.


Xildhibaan Cali Dhahar muddo dheer ayuu ahaa Xogahaynta Golaha Wakiilada ee Puntland, Waxa uu ahaa Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Bulshada iyo Dhaqanka Golaha Wakiillada ee Puntland. waxaana uu sanadkii 2019 ka mid noqdey Baarlamaanka isaga oo ka soo galay degmada Badhan.

 

BBC

 

Loading...
Loading...