Somaliland:-Dhacdo Banaanka Keentay Dulmiga Iyo Tacadiga Ka Jira Xabsiyada Somaliland

0
Saturday March 06, 2021 - 17:33:54 in News by
  • Visits: 1998
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland:-Dhacdo Banaanka Keentay Dulmiga Iyo Tacadiga Ka Jira Xabsiyada Somaliland

    Somaliland:-Dhacdo Banaanka Keentay Dulmiga Iyo Tacadiga Ka Jira Xabsiyada Somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Somaliland:-Dhacdo Banaanka Keentay Dulmiga Iyo Tacadiga Ka Jira Xabsiyada Somaliland

Waxaa xasbi ku yaal magaalada Hargeysa laga sii daayay nin u dhashay qowmiyadda Oromada ee waddanka Itoobiya, ka ddib 20 sano oo xabsiga uu ku jiray.




Maxamed Gantisa:

"Markii la i xirayay waxaan jiray 21 sano, markaas baa iigu dambeysay magaalada”, ayuu u sheegay BBC Somali, Maxamed Muuse Gantisa.


Sannadkii 2001-dii, maxkamad ku taal Hargeysa waxa ay ku heshay inuu dilay nin kale oo Itoobiyaan ah, markaas oo ay maxkamaddu ku xukuntay 8 sanadood oo xarig ah iyo inuu bixiyo magta ninka gacantiisa ku baxay.


Balse Maxamed ayaanay u suuragelin inuu helo lacagtii uu diyada isaga bixin lahaa, sidaas daraadeedna waxa uu xabsiga ku sii jiray 12 sano oo dheeraad ah.


Sannadkii 2019-kii ayey Maxamed Gantisa xabsiga isku barteen Cabdimaalik Muuse Coldoon, oo isagana halkaa ku xirnaa.


Wuxuu ka codsaday in kharashka diyada usoo uruuriyo. Coldoon ayaa arrintaas u istaagay, taa oo fududeysay in shalay si ramsi ah loo sii daayo ninka Oromada ah.


Waxaa laga bixiyay qeyb ka mid ah diyadii loo haystay oo gaareysa illaa $700 oo dollar.


"Qofkasta waan kaa bixinayaa ayuu ku odhanayaa (diyada) mana jirin qof iga bixiyay”, ayuu sheegay.


Maxamed Gantisa, wuxuu tilmaamay in reerkiisa aysan ka warhayn in uu xiran yahay. "Waxay u haystaan in aan dhintay. Beri hore ayaa la i illaaway. Hadda wax xiriir ah lama lihi”, ayuu yiri.


"Farxad ayaan dareemay markii la ii sheegay in la is siideynayo. Labadii bilood ee aan sugayay in la i sii daayo, hurdaba waan iska daayay farxad daraateed”.


Maxamed Gantisa ayaa la sii daayay ka dib markii kala bar diyadii laga bixiyay, barka kalena laga cafiyay. Waxaa ka cafiyay niman qaraabo la ah ninkii uu Maxamed Gantisa dilay ee xabsiga uu ku muteystay.


Xaaladda ninkan Oromada ah ayaa saamayn weyn ku yeelatay Bulshada waxaana si weyn warkiisa la isugu gudbiyay shalay illaa dorraad baraha Bulshadu ku xidhiidho iyada oo walaac laga muujiyey muddoda dheer ee uu xidhnaa looguna duceeyey cid kasta oo soo dayntiisa saamayn weyn ku lahayd gaar ahaan suxufiyiinta Cabdimaalik Muuse Coldoon iyo Cabdimanaan.


Loading...
Loading...