Maxamuud Cabdi Shide Danjire,Siyaasi, Daljire iyo Waddani Aan Dib Loo helayn Q1aad

0
Saturday March 06, 2021 - 10:27:55 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1073
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxamuud Cabdi Shide Danjire,Siyaasi, Daljire iyo Waddani Aan Dib Loo helayn Q1aad

    Qore: Cabdi Muhumed.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qore: Cabdi Muhumed.

Maxamuud Cabdi Shidde waxa ay u yaqaanaan dadka reer Somaliland badiba inuu ahaa aabbaha saxaafadda cusub ee Somaliland, dabcan wuu ahaa oo waa lagu majeeran doonaa taa inta madaxeen saan leeyahay. haddana waxa uu ahaa horseedihii aaladda internetka oo aan isaga la’aantii suurta gal noqoteen in ay Somaliland soo gaadho. Waxa kale oo uu ahaa mid danyarta jecel oo ka xorroobay aragtidda qabiilka oo ah sun ku mudan dadka Soomaalidda ah guud ahaan iyo gaar ahaan dadka reer Somaliland. Haddana waxa uu ahaa nin gacan furan oo aanay bakhaylnimaddu agtiisa oolin waxaana taa marag kac uga ah sida Xasan Xaaji Cabdillahi(Xasan Ganey) iyo Abwaan Gaariyeba oo labaduba uga marag kaceen. Intaas oo kaliya ma’aha ee waxa uu lahaa hibbooyin wax curineed oo dhif ku ah dadka Somaliland iyo Somaliyaba inay keenaan fikraddo wax curineed taasi oo adduunka kale millaayiin dollar lagu kala siisto hindise ama fikir qof lahaa lana maalo isagoo adduunka ka hoyday oo sannooyim badan ka sii mootanaa kuwaasna Saudi Arabia ayaa u uku daah furay oo Adduun badan kaga helay.




Intaas kuma koobna hibbooyinkii Maxamuud Cabdi Shidde, waxaanay noqon karaan qaar tiraba kor u dhaafa tobanaan iyo tobanaan waxaase ugu mudan oo aan qormaddan kaga faallo kaga bixin doonnaa hibbaddii uu u lahaa fahamka siyaasadda waa tan uu nin waliba siyaasi noqday ee Hadraawi ku yidhi maansadiisii "Rag Siayaasi Wada Noqoy" Maxamuudse ma ahayn kuwaasi ee waxa uu ahaa siyaasi dhab ah oo ka keenay maxsuul la wada arkay oo midho dhalay. Haddii aad ka waydo qof siyaasiya (Legacy) ama Dhaxal uu ka tagay oo la sii maalo waa been sheeganaya Siyaasi ee ma'aha. Sidaa si la mid ah haddii aad ka waydo abwaan ama mu’alif suugaantiisa laga reebi waayo Halkudhegyo waa iska gole ka fuul oo ma'aha Abwaan ama mu’alif dhab ah.


Maxamuud Cabdi Shidde waxa uu ahaa dadka ay dhif ku tahay in laga helo dadka reer Somaliland isagoo kale waxaanu lahaa astaamo badan oo aan qof kaliya kuwada kulmin, kuwaasi oo aan ka xusi karo kuwan hoos ku taxan iyagoo oo aan ahayn kuwo aan la jeclaysaty ee ay yihiin kuwo uu u dhashay:


Deeqsinimadii Maxamuud Cabdi Shidde

Ma sahlana in qof noqdo mid dadka ka liita ama aan hayntoodu badnayn inuu hoos u eeggo oo uu u damqaddo sifahaa waxaa lahaa Maxamuud Cabdi Shidde oo ay dad badani uga marag kaceen oo aan ka xusi karo saddex qof oo kale ah Abwaan Gaarriye Alle ha u naxariisto'e, kaasi oo ka sheekeeyay dhacdo dhex martay isaga iyo Maxamuud Cabdi Shidde goor ay ahayd Ciid oo uu abwaanku faro madhnaa kana fikirayay reerkiisa iyo ciidda oo barri oo kale ah, waad dareemi kartaa adigoo faro madhan ooridaaddii iyo carruurtaaddiina aanay hayn wax ay ku ciiddan waana uurku taallo qof kasta uu si fudud u dareemi karo, taasi oo habeenimadda ay barri oo kale ciid noqonayso uu si kedis ah uga soo hor baxay Maxamuud Cabdi Shidde abwaan Gaarriye uuna u dhiibay dhowr boqol oo Dollarka oo Maraykanka ah waanad dareemi kartaa inta uu farxay abwaan Gaariye habbeenkaa oo inuu duulo ku dhawaaday, aadna u muusooday, ugana mahadnaqay kana sheekeeyay dhacdaddaa waliba si aan qarsoodi ahayn.


Xasan Ganey

Waa Abwaan kale oo isna ay is muteen Maxamuud oo isna farax iyo rayn rayn kala dheelmaday goobihii ay Abwaanka iyo Maxamuud isku muteen waliba markan Xasan Xaaji Cabdillahi Xasan "Ganey” waxa uu ku tiriyay Maanso uu ku tilmaamayo qofka uu ahaa Maxamuud Cabdi Shidde.


Waa tan maanso dheer oo abwaan Xasan Ganey ku muuneeyey Maxamuud Cabdi Shidde, maansada oo Garab-daar la yidhaa waxaa ay tidhi:

Godka hanadkii lagu riday

Gurmadkiisa aasiyo

Gogoshii tacsiyadiyo

Gabayada baroorta le’

Rag intay ku dhilayeen

Gurigayga kama bixin

Manaan gabin halkaygee

Waxaa Alle gaabshee

Gadaal i ridaa jiray

Geedigaasi waa kow

Guurayoo haddana raray

Garbo la hadhsanaayiyo

Gabi baa dayaamo

Waxa dhacay gu'wayniyo

Geedkii habriiro

Guumaysta taahdiyo

Galowgiyo xiidkii

Waxay giida la hayaan

Hanad lagu goblamayoo

Galbaday ogaaden

Geedkaa ba’ geeraay

Garabkii dugsoonaa

Gabayo iyo wax lul badaniyo

Gabadaraa ku socotee

Goobtii qaboobaa

markuu gudub jaleecaba

Galiilya i qabatee

geeridu xumaydaa

Goblan talo aduunyooy

markuu geesi hoydaba

Garashaa u oydoo

Sidii gabaygii cali yidhi

Waxaan ahay geddiisee

Intuu gaare gooni u lahaa

Gocoshiyo xasuusba leh

Gulufkii colaadihii

Gobonimo u dirirkii

Inagiyo gumaystaha

Ragii guura bahalaha

Gaadmiyo badheedhaba

Ku guntaday dalkoodiyo

Intii goolka dhalisiyo

Gaashaan biruu ahaa

Gocoshiyo xasuusba leh

Wuxuu gaadh ka hayn jiray

Danta guud xilkoodoo

Waligii nin geesiya

Gafuux uu ku raaciyo

Uu gardaran yahay

Guubaabinteed iyo

Baaq iyo guhaadiyo

In la geedi galiyoyo

Hadba geesta dhowrta leh

In uu godin u qaatiyo

In uu gacan u gooyiyo

Gocor iyo rifbaa jira

Raadkiisa gurayoo

Farta waxa ku godi jiray

Inta gawska xeershe

Goda raaca liitee

Wuxuu galay Maxamed

Wuxuu goday intii ogayd

Gocoshiyo xusuusba leh

Gabigeed aduunyada

Waxa geedi lagu yahay

Geeraarka libintiyo

Gobartidu hadeer tahay

Waa geeda saarka leh

Garoomaha ciyaaraha

Gudaha iyo dibada

Tiinkii galaaskiyo

Soo hooyay guulaha

Gadhwadeen hogaaansho

Lagu gam i’ jiruu ahaa

Gooshoo macaashiyo

Ganacsi u ma jeedine

Geyiguu la rabay magac

Gocoshiyo xusuus ba leh

Goob la isku xaadhiyo

Gole doodu adag tahay

Xaajaduna gudubtooy

Geed daaqsinkiiyo

Tagtay buuro guudkood

Go’na lagu cumaamaday

Waxaan doqontu garanayn

Fuluhuna ka gaabsaday

Giir la iska kiciyo

Isha la isku gabayiyo

Inta gaarka wax u raba

Goolaaftan koodii

Ina shide Galgalashiyo

Muu aqoonin galowdee

Taladuu Galaankiyo

Girgirkeeda hayn jiray

Jeer uu gudoonsado

Gurysamo in lagu wado

Gocashiyo xusuusba leh

Waxay guuyo xamataa

gudhahana lacaaye

Alla gacan furnaayee

Marti fiid gab soo tidhi

Subixiina kaa gudday

Gaariyow ma buurne

Intuu laba is guursaday

Isku jecel gar iyo waaq

Hayeeshe waqtigu gabay

Gabashana ku kala nool

Goldalooladoo diyo

Goortuu xogtii helay

Go'aan qaadashada dhow

Isagoon garnaba dayin

Nolosha u gardaarshee

Maalmo gaaban dabadood

Galbiyay ka yeedhee

Gaafkooda lagu tumay

Rugtiina gooni lagu qalay

Gocoshiyo xusuus ba leh

Intuu guri sabooloo

Gadan karin anfaacadii

Gurbood kuu la kariyiyo

Hadba guuf ku tuuriyo

Gasiin kooda siin jiray

Garab daarna ku lahaa

Galabba kuu ka madhan yahay

Gocashiyo xasuusba leh.

Taasina waa maansaddii Garabdaar oo aan ka soo garoocday gibin yar oo marag u ah qofkii uu Maxamuud Cabdi Shidde ahaa. Waa marag ma doon mar kale abwaan ka marag kacay.


Lasoco Qaybta 2aad.

Qore: Cabdi Muhumed.

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...