Somaliland Oo Qabatay Doonyo Sifo Sharci Daro Ah Uga Kaluumaysanayay Xeebaha
Berbera (HWN) Ciidamadda ilaaladda xeebaha Somaliland ayaa shalay waxay hawl-gallo ka fuliyeen xeebaha goboladda Saaxil iyo Sanaag iyo xeebaha ay Somaliland la wadaagto dalka Yemen.
Waxaana ciidamadaasi hogaaminayay taliyaha ciidamadda ilaaladda xeebaha Somaliland oo uu wehelinayay badhasaabka gobolka Saaxil iyo saraakiil ka tirsan taliska ciidanka Badda ee Saaxil.
Hawl-galkaasi oo ay ciidamadu bilaabeen saqdii dhexe ee habeen hore oo qaatay muddo 24 Saacadood ah waxay ciidamadu ku soo qab-qabteen Doonyo laga leeyahay dalka Yemen oo si sharci darro ah uga Kalluumaysanayay xeebaha goboladda Saaxil iyo Sanaa gee Somaliland.
Gaar ahaana deegaamadda Karrin iyo deegaan xeebeedka Shalcaw, inkastoo shaqaalihii watay Doonyahaasi ay wateen waraaqo ay sheegeen in loogu fasaxay in ay xeebaha Somaliland kaga Kalluumaystaan.
Waraaqahaasi oo laga siiyay deegaamadda xeebaha ee Lughaya iyo Ceel-daraad iyo deegaanka Shalcow, sida ay sheegeen shaqaalaha Doonyahaasi.
Waxaanay ciidamadu Doonyahaasi ka ururiyeen waraaqahaasi ay siteen oo qaarkood ah muddo dhaaf ahaayeen, iyadoo ay ciidamadu amar ku siiyeen Doonyahaasi in ay si deg deg ah uga baxaan xeebaha Somaliland, Isla markaana waxay ka saareen biyaha Badda Somaliland.
Taliyaha ciidamadda ilaaladda xeebaha Somaliland sareeye guuto Maxamed Faarax Xiirane, ayaa sheegay in ay mar walba samayn doonaan kormeero ay ku sugayaan amaanka iyo bed-qabka xeebaha dalka.
"Waxaanu soo aragnay Doonto ay ka dhaceen waraaqaha loogu fasaxay in ay xeebaha Somaliland ka Kalluumaystaan iyo kuwo aanay waraaqahoodu saxnayn.
Waxaanan kala hadli doonaa wasaarradaha Maaliyadda iyo Kalluumaysiga oo sharciyadda siiya Doonyaha Kalluumaysiga ee shisheeye. Waanu waddi doonaa hawl-galadaasi, Waanan u hanbalyaynayaa ciidamadda hawshaasi ay fuliyeen” ayuu yidhi taliyaha ciidanka xeebaha.
"Waxyaabo badan oo aanaan maamul ahaan hore u ogayn ayaa maanta (shalay) noo cadaaday, oo aanu aragnay.